Xaawo

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Xaawo

Xaawo Xaawa (ingiriis: Eve; carabi: ﺣﻮﺍﺀ; af-Hebrew: חַוָּה,; Af-Faarsi: ܐܘܚ; Tigrinya: ሕይዋን ? ama Hiywan) sida ay isla qabaan Diimaha Ibraahimiga[1] ahi (waa diinta Islaamka, diinta Masiixiyada iyo tan Yuhuud "Jews") Xaawa waa qoftii dumar[2] ee ugu horeeysay ee Ilaahay (s.w.t) ka abuuray feedha lamaanaheeda Nebi Aadam.[3] Si kale haddii aan u dhigno Xaawo waa hooyodii kowaad ee dhamaan dadka, halka Aadam ka yahay aabaha dhamaan dadka ku nool meeraha dhulka.[4] Sida diinta Islaamku xustey markii Alle abuuray Aadam iyo Xaawo wuxuu ka dhigay seey iyo oori kuwaasi ku dhex nool janada.[5] Wakhti yar ka dib, Sheydaan oo asagu ka xun sharafta iyo maamuuska Ilaahay siiyay Aadam iyo xaaskiisa ayaa wuxuu bilaabay inuu Xaawo shukaamiyo, isla markaana ka dhaadhiciyo in haddii eey cunto midhaha iyo khudaarta geedka laga mamnuucay ay noqonayso qof aad u qurux badan oo waligeed noolaanaysa, marnaba aanan dhimanaynin, isla markaana yeelanaysa mid la mid ah awood weyn ee Rabbi (s.w.t).[6]

Si kastaba ha ahaatee, Xaawo waxay qaadatay sheekadii beenta ahayd ee Ibliis[6] taasi oo burinaysa ama lid ku ah oo ka soo horjeeda amarkii Ilaahay siiyay qoyskan ugubka ah oo ahayd ineey wax kasta cunaan laakiin aanay marnaba taabanin ama u dhowaanin midhaha geeka laga mamnuucay. Waxayna odaygeedii Aadam ku kaliftey ineey labadooduba cunaan midhaha iyo khudaarta geedka laga mamnuucay. Isla markiiba waxaa isku muuqatay ceebtoodii, markaasaa waxay bilaabeen iney isku qariyaan caleenta iyo laamaha geedaha. Wakhti yar gudaheed Alle wuxuu amar ku bixiyey in labadooduba ay ka baxaan janada ooy nolol cusub ka bilaabaan oogada dhulka.[7][8][9]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Xaawo Xaawa (ingiriis: Eve; carabi: ﺣﻮﺍﺀ; af-Hebrew: חַוָּה,; Af-Faarsi: ܐܘܚ; Tigrinya: ሕይዋን ? ama Hiywan)"
  2. "diinta Islaamka, diinta Masiixiyada iyo tan Yuhuud "Jews""
  3. "Xaawa waa qoftii dumar ee ugu horeeysay ee Ilaahay (s.w.t) ka abuuray feedha lamaanaheeda Nebi Aadam"
  4. "Aadam ka yahay aabaha dhamaan dadka ku nool meeraha dhulka"
  5. "diinta Islaamku xustey markii Alle abuuray Aadam iyo Xaawo wuxuu ka dhigay seey iyo oori kuwaasi ku dhex nool janada"
  6. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named Asad-Surah-Intro
  7. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named robinson2003
  8. Qran.org: Quran Verses in Chronological Order
  9. Chronological Order of Quranic Surahs, by Kevin P. Edgecomb (2002).