Asiyriya

Ka Wikipedia

Coordinates: 36°00′N 43°18′E / 36.0°N 43.3°E / 36.0; 43.3

Maabka qiyaastii qarnigii 15aad ee Assiyriya

Assiriya (Af Carabi : arAf-Laatiin: Assyria Siyriyak: ܐܬܘܪ) waa boqortooyo ka jirtey bariga dhexe wakhtiyadii hore. Waxa boqortooyadani ka bilaabantey webiga Tigris ee waqooyiga deegaanada Mesobotaamiya. Dadka Assiyriyaanku dhowr jeer ayay maamulo boqortooyo samaysteen kuwaas oo ku fiday deeganadii agagaarkooda ahaa.

Magaca boqortooyadani wuxuu ka soo unkamey magaalada caasimada u ahayd ee la odhan jirey Aššur taasi oo lagu qiyaaso ineey dhisantay sanadkii 2600 C.H (Ciise Hortii), taasi oo maanta ku beegan waqooyiga gobolka Saladiin ee wadanka Ciraaq. Caasimada maamulka Assiyriya ee Aššur waxay markeedii hore ka mid ahayd boqortooyadii Akkadiyaanka ee ka talin jirey inta u badan deegaanada Mesobotaamiya.

Machadka Oriental ee Jaamacadda Chicago, U.S.A., sannadkii 1921-kii, waxaana la dhammaystiray 90 sano ka dib, sannadkii 2011. Natiijadu waa qaamuuska weyn ee 26-ka qaybood ah ee Assuriya, kaas oo ka kooban in ka badan 9,700 bog. Waxay dabooshaa luuqadaha iyo lahjadaha laga isticmaalo Iiraan, Ciraaq, Suuriya, iyo Turkiga, laga soo bilaabo qarnigii saddexaad BCE. ilaa 100 CE[1].

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]