Buundada Yavuz Sultan Selim
41°12′10.48″N 29°6′41.83″E / 41.2029111°N 29.1116194°E
Yavuz Sultan Selim Bridge | |
|---|---|
Wakhtigii la dhisayay buundada Luuliy 2015 | |
| Isuduwaha | 41°12′11″N 29°06′42″E / 41.2031°N 29.1117°E |
| Xambaariyaha | Afar haad oo jidka baabuurta ah |
| Isku xirka s | Boosfoor |
| Deegaanka | Istanbul |
| Magaca rasmiga ah | Buundada Yavuz Sultan Selim |
| Magacyo kale | Buundada sadexaad Bosphorus |
| Waxaa dayactira | İçtaş Astaldi |
| Astaamo | |
| Naqshad | Buundo leh xadhko adag |
| Dhererka guud | 2,164 m (7,100 ft) |
| Ballaca | 58.5 m (192 ft) |
| Dhererka | 322 m (1,056 ft) |
| Fogaanta ugu dheer | 1,408 m (4,619 ft) |
| Taariikh | |
| Naqshadeeye | Jean-François Klein Michel Virlogeux |
| Bilowga dhismaha | 2013 |
| Kharashka dhismaha | Lacagta Turkiga 4.5 bilyan |
| La furay | 26 August 2016 |
| Tirakoob | |
| Kharash | $3.00 |
| Goobta | |
![]() | |

Buundada Yavuz Sultan Slim (Af Turki : Yavuz Sultan Selim Köprüsü) Waa buundada 3aad ee isku xirta labada daamood ee magaalada Istanbul ee Asia iyo Europe (Boosfoor) (Kuwa kale waa Buundada Fatih Sultan Mehmet iyo Buundada Halyeeyadii 15ka Luuliyo). Buundadaan waa midda ugu weyn uguna casrisan dhammaan buundooyinka waaweyn ee dunida waxaana dhismaheeda ku baxay qarash gaaraya 3 bilyan oo doolar taas oo ka dhigaysa sidoo kale buundada ugu qaalisan aduunka.
Waxaa Waxaa dhismaheeda la bilaabay 29kii May 2013kii, waxaana la daah furay 26dii bisha Agoosto 2016kii, waxaana xariga ka jaray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra'iisulwasaare Binali Yıldırım iyo madax kale oo lagu casumay xafladda daahfurka.
