Jump to content

Dhabbad

Ka Wikipedia

Dhabbad waa degmo ku taalo gobolka Galguduud waxa ay galbeed ka jirtaa degmada Gelinsoor xagga waqooyigana Caabudwaaq. Degmadan waxaa la aasaasay dagaalkii labaad ee aduunka ka dib, waxaana laga qoday ceelal biyood gacmeed. Soomaaliya markay xornimada qaadatay ka dib waxay noqotay tuulo leh dukaamo ganacsi ay ka adegtaan xoola dhaqatada ku dhaqan nawaaxigeeda. Dhabad waxaa dawladii Soomaaliya ee Milateriga ka dhistay laba ceel oo biyood oo matooro ah, halkaas waxa ay dadka ku dhaqan nawaaxigeeda ee xoolo dhaqatada ah u noqotay meel ay ka helaan adeegyo badan oo kala duwan sida caafimaadka iyo Dugsi hoose/dhexe. Ka dib dagaaladii sokeeye ee ka bilowday dhulka Sooomaaliya dhabad waxay noqotay meelaha ugu weyn ee isla markiiba ka bilaabatay. 1980 waxaa soo wajahay dagaaladii ay jabhadii SSDF ku soo qaaday dadka shacabka ah ee gudaha Soomaliya ku jira, ka dib dawladii Kacaanka ee askarta waxay soo dejisay guuto ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiish ah oo difaac ka samaysatay agagarka Dhabad. Taasi waxay aad u saamaysay horumarkii degmada Dhabad xag walba waxayna noqotay furin ay ku hardamaan SSDF iyo Dawladii Kacaanka, waxayna galaafatay dad badan oo u dhashay deegaankaas. Dagaaladii sokeeye markii ay saameeyeen dalka Soomaaliya oo dhan degmada Dhabad waxay sii gashay marxalad kale oo dagaal ehliya oo socda muddo ka badan 40 sano. Dagaaladaas ehelka ah waxay dhaxalsiiyeen in dadkii halkaa ku noolaa iyo degmadaba dib u dhac weyn oo xag walba ah soo gaaro. 2012 wixii ka danbeeyey waxaa degmada Dhabad u jahaysatay xagga horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha kale ee arrimaha bulshada, arrintaas waxaa horseed ka aha qurba joogta u dhashay degmada. Qurbajoogta waxay qabanqaabiyeen oo qabteen Shirar wacyi galin oo mira dhal weyn keenay aanay ugu horeysay Shirkii dib u heshiisiinta beesha Wagardhac ee lagu qabtay Degmada Dhabad Febraayo 2012 ilaa Maarso 2012. Degmada Dhabad waxay hadda leedahay laba bukaan eegto (clinic) iyo 5 dugsi oo hoose, dhexe iyo sare isugu jira. Degmada Dhabad waxaa hoos yimaada tuulooyinka badan oo ku yaala agagaarkeeda una badan dhanka xuduuda Itoobiya, tuulooyinkaas adeeg ahaan ku xiran Degmada Dhabad waxaa ka mid ah Dacdheer,Miro Cowleed, Biyo Gaduud,Gaxandhaale, Balihawd, Furintafoore, Balicad iyo Qorof.deegaanadaan waxaa dega beesha (wagar dhac) ee sade daarood.

Sida ee u taalo magaalada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]