Jump to content

Farta Cismaaniya

Ka Wikipedia
Osmanya
Alifbeetka Farta Cusmaaniyada.
Nooca
line-height:1.25em
LuuqadAf-Soomaali
ISO 15924Osma, 260
DirectionLeft-to-right
Unicode alias
Osmanya
U+10480U+184AF

Farta Cismaanya (Af Soomaali : Osmanya alphabet; Af Carabi: كتابة عثمانية, al-kitābah al-ʿuthmānīyah; qaabka qoraalka: 𐒋𐒘𐒈𐒑𐒛𐒒𐒕𐒀) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Cismaan Yuusuf Keenadiid intii u dhaxaysan sanadkii 1920kii ilaa 1922kii.

Taariikh

Cismaan Yuusuf Keenadiid

Cusmaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ahaa nin Soomaali gabayaa, halabuur, qoraa, barre, hogaamiye iyo alife. Cusmaan waxaa si fiican loogu xasuustaa abuurida Farta Cismaaniya (𐒍𐒖𐒇𐒂𐒖 𐒋𐒚𐒈𐒑𐒛𐒒𐒘𐒕𐒖) oo ka mid ah far-qorkii ugu horeeyay Taariikhda Soomaaliya. Cusmaan Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacayo, ee ku taala badhtamaha wadanka Soomaaliya. Cusmaan waxaa dhalay Suldaankii Yuusuf Cali Keenadiid oo ahaa ninkii aasaasay Saldanadii Hobyo. Wakhtiyadii ugu horeeysay noloshiisa wuxuu Cusmaan ku soo qaatey meelo kala duwan asagoo waxbarasho diini iyo maadi ah ku mashquulsanaa. Markii aabihii geeriyooday, wuxuu Cusmaan la wareegay hogaanka Saldanadii Hobyo.

Intaas waxaa dheer, Cusmaan wuxuu qoray buugaag badan oo cilmi diini iyo maadi iskugu jira, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah samaynta Far Soomaaliga, buugaag Juquraafi, Cilmi Fallag, Saynis, gabayo iyo taariikh iyo kuwo kale.[1]

Habka Farta

Si la mid ah Farta Carabiga, farta Cusmaaniya marka la qorayo waxaa laga soo bilaabaa dhinaca bidix ilaa midig. Xarfaha fartu waxay ku salaysan yihiin xarfaha Alifbeetka Carabiga; shaqalada uu iyo ii waxaa fartani u qortaa waaw iyo yaa.

Xarfaha

CusmaaniyaMagacLaatinNidaama Caalamiga (IPA) CusmaaniyaMagacLaatinNidaama Caalamiga (IPA) CusmaaniyaMagacLaatinNidaama Caalamiga (IPA)
𐒀alef[ʔ] 𐒁bab[b] 𐒂tat[t]
𐒃jaj[d͡ʒ] 𐒄xax[ħ] 𐒅khakh[χ]
𐒆deeld[d] 𐒇rar[r] 𐒈sas[s]
𐒉shiinsh[ʃ] 𐒊dhadh[ɖ] 𐒋caync[ʕ]
𐒌gag[g] 𐒍faf[f] 𐒎qaafq[q]
𐒏kaafk[k] 𐒐laanl[l] 𐒑miinm[m]
𐒒nuunn[n] 𐒓waww[w, ʉː, uː] 𐒔hah[h]
𐒕yay[j, iː, ɪː] 𐒖aa[æ, ɑ] 𐒗ee[e, ɛ]
𐒘ii[i, ɪ] 𐒙oo[ɞ, ɔ] 𐒚uu[ʉ, u]
𐒛aa[æː, ɑː] 𐒜ee[eː, ɛː] 𐒝oo[ɞː, ɔː]

Tirada

Lambarka0123456789
Cusmaaniya 𐒠 𐒡 𐒢 𐒣 𐒤 𐒥 𐒦 𐒧 𐒨 𐒩

Sharaxaad

Farta Cismaanya waxay ahayd Far soomaali lagu qori jiray Af-Soomaaliga. Farta Cismaanya ama Osmanya, waxa qoray, nin la dhihi jiray Cusmaan Yuusuf Kenadiid. Marki uu qoray fartan waxay ehayd, intii u dhaxaysay 1920 ilaa 1922, laakiin nasiib darro, farta nuuaan ah bulshada oo dhan may gaarin. Markii hore waxa jiray muran ku saabsan farta ay yeeln doonto luqada soomaaligu. Faro kala duwan oo la soo qori jiray waxa ka mid ah Farta Boorama, Farta Kadarre iyo Farta Wadaadka oo ah farta carabiga. Waxaana 1972 lagu wada hishiiyay farta laatiinka ah. Waxa ay ahayd fartii ugu horaysay ee ay Soomaali qorto.

Sidoo kale fiiri

Linkiyo kale

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha (1974). The Writing of the Somali Language. Ministry of Information and National Guidance. p. 5.