Lamadegaanka Kalahari

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan "Lamadegaanka Kalahari" ee koonfurta Afrika. Bogag kale fiiri Lamadegaan iyo Lamadegaanka Saxara.
Boga Kalahari waxaa laga soo toosiyey halkan.
Kalahari
Lamadegaan
Sawir hawada sare ah ee Saxaraha Kalahari ooy qaadey NASA
Dalka Botswana Nambiya Koonfur Afrika
Landmarks Botswana Deegaanka Dalxiiska, Badhtamaha Lamadegaanka Kalahari, Deegaanka Shobe, Kalahari Basin, Deegaanka Gemsbok ee Kalahari, Deegaanka Kgalagadi, Deegaanka Makgadikgadi
River Webiga Cas
Highest point Buuraha Brandberg 8,550 ft (2,610 m)
 - coordinates 21°07′S 14°33′E / 21.117°S 14.550°E / -21.117; 14.550
Length 4,000 km (2,485 mi), E/W
Area 930,000 km2 (359,075 sq mi)
Biome Saxare-lamood

Lamadegaanka Kalahari, Kalahari (ingiriis: Kalahari Desert; carabi: صحراء كالاهاري; Afrikaanis: Kalahari-woestyn) waa lamadegaan, saxare-lamood, dhulqalalan iyo safaana ku yaala wadanada Koonfurta Afrika ee Nambiya, Botswana iyo Koonfur Afrika; kaasi oo fidsan baaxad dhan 900,000 kilometir labo-laaban (350,000 sq mi), isla markaana ah saxaraha 7aad ee ugu wayn aduunka iyo kan labaad ee ugu weyn qaarada Afrika. Maadaama meelo badan oo cidhifyada saxaraha Kalahari ahi tahay saxare-lamood waxay leedahay daaqsiin aad u fiican oo soo jiidatey xayawaano badan oo duurjoog iyo dabjoog intaba leh. Deegaanada lamadegaanka Kalahari waxay helaan waxyar oo roob ah wakhtiga gu'ga iyo heerkul aad u sareeya, taasi oo ka dhigtey mid ka mid ah meelaha ugu kuleylka badan oogada dhulka. Wakhtiyada abaaraha ama dhulku qalalan yahay waxay deegaanadani helaan roob dhan 110–200 millimitir (4.3–7.9 inji)[1] sanadka oo dhan, halka wakhtiga dhulku roobabka leeyahay uu helo ilaa 500 millimitir (20 inji).

Lamadegaanka Kalahari ee Naamiibiya

Magaca saxarahan waxaa uu ka yimid luuqada Taswana ee lagaga hadlo wadanka Koonfur Afrika ereyga Kgala, oo macnaheedu yahay "haraad daran", ama Kgalagadi, oo macno ahaan noqoneysa "deegaan biyo la'aan ka jirto"[2] Isku soo duuboo, dhulka hoose ee deegaanda lamadegaanka Kalahari ee loo yaqaan "Kalahari Basin" wuxuu ku fadhiyaa baaxad dhan 2,500,000 kilomitir labo-laaban (970,000 sq mi), taasi oo ku fidasan wadanada kala ah Botiswaana, Naamiibiya, Koonfur Afrika ilaa laga gaadhayo dalalka kala ah Angola, Saambiya iyo Simbaabwi.[3]Lamadegaanka Kalahari waxaa ku dhaqan noocyo badan oo xayawaan duurjoog ah ooy ka mid yihiin shimbiraha, harimacadka, libaaxa, maroodiga, halgeriga, sagaaroda iyo kuwo badan oo dugaag duurjoog hilibyacun iyo cowscun iskugu jira.

sido Kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Mary Sadler-Altena, "Kalahari: Introduction" webpage: SouthernCape-Kalahari Archived Luuliyo ama Luulyo 25, 2015 // Wayback Machine: Kalahari name/climate/reserves and history
  2. Mary Sadler-Altena, "Kalahari: Introduction": Kalahari climate/reserves and history
  3. Mary Sadler-Altena, "Kalahari: Introduction": Kalahari climate/reserves and history