Portal:Afrika/Shakhsi xul ah/2

Ka Wikipedia
Jeneraal Maxamed Siyaad Barre

Maxamed Siyaad Barre (Af Ingiriis : Mohamed Siad Barre; Af Carabi : ar‎) wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya (21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991); kaligii-teliye ciidanka xooga sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbahaarey, Gedo bishiii Oktoobar 6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii. Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan.