Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah

Ka Wikipedia

Maqaal xul ah

Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/1

Calanka Wadanka Barasiil
Dalka Barasiil oo loogu dhawaaqo Federal Republic of Brazil waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka ,koofurta amerika iyo dhammaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka brazil waxaa dhinaca bari ka marta badda ATLANTIC OCEAN, oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491km. Wuxuuna xuduud kala leeyahay dhinaca waqooyi dalka Venezuela,Guyana, suriname iyo french guiana. Dhinaca waqooyi galbeedna waxaa dalka brazil xuduud uu kala leeyahay daka COLONBIA. Galbeedna waxaa kaga beegan BOLIVIA iyo PERU. Sidoo kale dhinaca koofur barina waxuu xuduud kala wadaagaa dalalka ARGENTINA, iyo PARAGUAY, halka waqooyi uu ka xiga dalka URUGUAY. Waxaa la odhan karaa dalka brazil dhammaan xuduud ayuu la leeyahay wadamada waqooyiga marka laga tago ECUADOR iyo CHILE. Tirada dadka reer Brazil waa 190 milyan 83.7 waa dad degan magaalo. 2008 heerka wax aqris iyo qoris la’aanta waxey aheyd 11.48% waxeyna u badnaayeen dhalinyaro dadoodu u dhaxeysay ( 15-19 ). Dhaqaalaha wadanka Brazil waa wadanka todobaad waxaana door libaax leh ka ciyaaray in dhaqaalaha uu kobco ( Brazil’s national development bank (BNDES) ) ,xagga wax iibsiga waa wadanka todobaad Marka laga hadlayo wax soo soorka KAFEEGA waa wadanka ugu weyn ee soo saara Kafeega 150kii sano ee u danbeeyay. Waxey kaloo kordhiyeen joogitaanka suuqyada maaliyadeed iyo badeecooyin waxeyna nasiib u heleen in ay Brazil ay noqoto suuqa afaraad ee ugu weyn baabuurta caalamka.

Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/2

Calanka Kolombiya
Kolombiya (República de Colombia) Waa jamhuuriyad kutaala, Ameerikada koonfureed. Dhanka waqooyi waxay xuduud kala wadaagtaa,Badda Karabiya dhanka bari waxa kaga aadan wadamada Fanansuwela.iyo Barasiil dhanka koonfureedna waxa kaga beegan wadamada Peru iyo Ikwadoor galbeedkana Banama iyo Badweynta Baasifik caasimad waxa u ah Bogota. Magaca kolonbiya waxa uu kasoojeedaa magicii ninkii helay Ameerika Kristoffer Kolombus. Dadka kunool kolonbiya &58 waa dadka looyaqaano Mestiso oo ah dad iska dhal ah oo ay iska dhaleen dadkii asal ahaan kolonbiya daganaan jiray ee hindida ahaa iyo gumaystihii Isbayn.waxa kale oo kunool dad Afrikaan ah iyo dad iyana carab ah. Kolonbiya waxa kunool dad gaadhaya. ilaa 11435,393,0350. Dadka kolonbiya badankoodu waxa aykuhadlaan luqada Af-ka isbayn.waana luqada rasmiga h ee wadanka aad iyo aadna waa loo ilaaliyaa. Luqadahii dadkii loogutagay Kolonbiya ee hindida haa dhamaantood way lumeen oo waydabar go'een.

Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/3

Caasimada Sow Bowlo
Sow Bawlo, Saw Bawlo (Af Ingiriis : Sao Paulo; Bortaqiis: São Paulo /ˌsaʊ ˈpaʊloʊ/) waa magaalada ugu dadka badan wadanka Barasiil ee Koonfurta Ameerika, magaalada ugu wayn dhamaan deegaanada koonfurta dhulbadhaha, iyo mida 11aad ee ugu balaadhan iyo dadka badan ee dunida. Sidoo kale, magaaladan Saw Bowlo waa caasimada iyo magaalo madaxda Sow Bawlo, oo ah deegaanka ugu dadka badan wadanka Baraasiil. Magaaladani waa xarun ganacsi, waxbarasho, diin, madadaalo iyo bar-tilmaameed dalxiise. Saw Bowlo waxa tiraba labo jeer lagu qabtey koobka Ciyaaraha Kubada Cagta sanadadii kala ahaa 1950kii iyo 2014ka. São Paulo waa magaalo ku taalo dalka Barasiil. Magaaladaan waxaa degan dad gaaraayo ilaa (11,037,593 qof). Sidoo kale waa caasimada Gobolka São Paulo. Magaaladaan waxee ka midtahay magaalooyinka ugu weyn aduunka.

Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/4

Af-Laatiin (la: latina) waa luqad looga hadli jiray wadamada Waayadii hore Giriig iyo talyaaniga, waxaana lagu isticmaali jiray caalamka oo dhan ilaa bartamaha 1800.

Luqada laatiin waxee wali luqad rasmi ah u tahay meelo kaniisado oo ku yaalo rom ee wadanka talyaaniga. Luqada laatiin waxoo asalkiisa ka imaaday Luqada Hindo Yurub.


Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/5 Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/5


Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/6 Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/6


Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/7 Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/7


Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/8 Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/8