Qadhaabsade

Ka Wikipedia

Qadhaabsade

Sawir muujinaya Ugaadsato badan.
Sawir-gacmeed ay ka muuqato guuto ugaadhsato ah.

Qadhaabsade sidoo kale loo yaqaano Qaraabsade (ingiriis: Gatherer) waa qofka qabanaya shaqada lagu soo ururinayo midhaha iyo khudaarta dhirta duurjoogta ah.

Qofka wax qadhaabsanaya waxaa loo yaqaanaa Qadhaabsade. Dad badan oo wax qadhaabsanaya waxa loo yaqaanaa Qadhaabsato.

Ugaadhsiga iyo qadhaabsigu waa labada hab ee dadku isticmaali jireen tan iyo qarniyo badan ka hor ilbaxnimadii aadamaha.

Qofka ugaadhsadaha ahi waxuu isticmaalaa hub kala duwan. Wakhtiyadii hore waxaa la isticmaali jirey leeb iyo qaanso, laakiin dunidan casriga ah maanta waxaa la isticmaalaa qori, madi, waran iyo noocyo kale oo hub ah. Laakiin qofka qadhaabsadeha ah waa mid xirfad iyo aqoon fiican u leh dhirta, sababtoo ah midhaha qaar waa sun lagu dhinto.