Shiiq yuusuf direed

Ka Wikipedia

Shiiq yuusuf shiiq Ibraahim fiqi xasan fiqi maxamuud fiqi Muxamed oo ku magac dheeraa (Sheekh Yusuf Direed) waa mid ka mid ah culimada Soomaalida ee qarnigii tagay kuwa ugu caansan waxaa sanad kasta lagu siyaataa deegaanka huurshe oo ku yaalo qabrigiisa iyo dhamaan daafaha caalamka.

Taariikdiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu dhashay shiikhu alle ha unaxariistee Bilowgii qarnigii 20 aad oo miilaadiga markii Wadanka uu gumaystuhu haystay oo ay dadka Iyo diintaba ladirirayeen Wuxuuna kudhashay Gobolka galgaduud sanadkii 1330 H oo Waafaqsan 1912dii Wuxuu yiri shiikh cabdi Raxmaan celi asagoo noo cadaynaya Taariikhdii shiikhu dhashay:

وتــــــــــاريــــــــــــخ مــــــــيـــــلاده    غــــــشـــاكـــــــط كــــــمــــــا وردا

Abjadka Carabiga waxey "غ" keenee 1000, "ش" waxey keenee 300, "ا" waxey keenee 1, "ك" wuxuu keenaa 20, "ط" ayaa keeneeso 9, dhamaan tirooyinka xarfaha marka la isku daro waa 1330 oo muu jineeso taariikda hijriga sanadkii uu dhashay.

Wuxuu ka soo jeedaa Beesha Dir Mahe Surre Guutaale Cabdale Fiqi Muxumed.

Hooyadii waa Jimco Cismaan-Gaduud Fiqi Muxamed oo ah Beesha Hawiye Habargidir Cayr Reer Dhalow, waxaa dilay ciidamadii daraawiishta Asagoo jira 8 sano asna maalintaas dhaawac Wajiga ah ayaa soo gaaray Aabihi baa soo Barbaarshay oo qur’aanka udhigay.

Waxbarashadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu bilaabay waxbarashada asagoo yar guriga aabihiis buu qur’aanka kubilaabay isla markaana tacliintii kale buu horay ugalay

1- Shiikhiisa koowaad waa Shiikh Ciise Faarax Kooshin, Qisadii ay isku barteen waxay ahayd:

Shiikh Ciise oo safar ah ayaa soo martiyay Xaafada Shiikh Ibraahin oo ah Dhiikh Yuusuf Aabihi markaasaa Shiikh yuusuf oo yar cuno Loogu dhiibay saa wuxuu maqlay Shiikh Ciise Oo leh.

‎ذنوبــي عــليّ كالرّواسي☆☆☆فويلي لوزري الثقيل

Baydkaas baa ugu horeeyay wax uu kamaqlo kadibna kitaabuu ka akhristay ayaan kadib buu Shiikh Ciise safray markaasuu lakulmay Shiikh Cali Samantar markuu arkay cilmiga Shiikh Cali Awalna uu layaabanaa fahmada wiilkii yaraa Ayaa wuxuu ku yiri shiikh cali waxaan arkay wiil Yar oo cilmigaan kaa qaadaaya suu Shiikh Cali Yiri uyeer.

Waraaq ayuu udiray markay waraaqdii Shiikh Yuusuf soo gaartay buu si dag dag ah Hobyo u aaday oo uu halkaas kula kulmay Shiikhiisa Labaad oo ah Shiikh cali Samatar  uguna wayn mashaaikhdiisa uu ka aflaxay

Waxaa ka mid ah mashaa’ikhdiisa.

1. Shiikh Maxamad Fiqi Yuusuf

2. Shiikh C.Wahaab Shiikh Yuusuf Dubad

3. Shiikh Aadan Cawlyahan

4. Shiikh Nuur Maxamad Awr’table

MADHABKIISA IYO CAQIIDADIISA IYO DARIIQADIISA

Wuxuu ahaa shiikhu alle ha unaxariistee

Dhanka madhabka shaafici

Dhanka caqiidada ashcari

Dhanka dariiqada qaadiriya

DADAALKII IYO ADKAYSIMIHII UU WAX KUSOO BARTAY[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa aad ubadnaa waagaas ooka hor Imaanjiray dadka diinta barta Mushkilado Kaladuwan sida.

1) Gumaystaha oo ladiriri jiray diinta islaamka Oo culumada iyo xertaba dhibaatayn jiray Qaarna xiraayay qaarna dili jiray.

2) Nolosha oo ciriiri ahayd dhanka cunada iyo Biyaha iyo dharkaba.

3) Kutubta cilmiga oo aan sahal loo heli jirin oo Uqaybsanayd kuwo qaali ah iyo qaar aan laba HeliKarin

4) Safarka oo aad udhib badnaa oo ahaa Qofwalba iyo lugtiisa ama awrkiisa

5) Wadanka oo ukala go'naa Dawlado Gumaystayaal ah sida ingiriiska iyo talyaaniga Iyo qabaail is dirira.

Waxaas oo mushkilado ah ayagoo ay jiraan buu Shiikh yuusuf wax soobartay oo har iyo Habeen Ba wax akhrinjiray asagoo adeegsanaya Faynuus iyo dab Waxyaalaha layaabka ah waxaa kamid ah inuu Shiikha iyo Dhiikh Daahir Shiikh Cumar Rooble ay khalwo galeen say Kitaabo usoo daalacdaan ayna usoojeedaan Har iyo habeenba qof kastana wuxuu wataa Faynuus shiikh yuusuf wuxuu isticmaalay 11 Tanag oo midkiiba yahay 20 liitar oo nafto ah Una isticmaalay wax akhrin kaliya shiikh Daahirna 12 tanag!!!

FIDINTA DIINTA ISLAAMKA IYO DAWRKI UU KACIYAARAY.[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shiikhu kaalin libaax buu kaqaatay faafinta Diinta islaamka wuxuuna caqligiisa iyo Cilmigiisa iyo maalkiisaba isugu geeyay Faafinta diinta darsigiisu kala go malahayn Safar iyo nagaadiba Wuxuu dhisay masaajid Iyo madaaris wili baaqi ah xertiisana asagaa Biili jiray oo waxbarashada ku taakulayn jiray oo Xoolo iyo beeraba u tabcay ilaa markii danbe uu Guryihiisii ugaday  9 guri buu midba markuu kii Hore lacagtiisii dhamaato u gadi jiray.

Dadka cilmiga ka qaaday shiiqa waxaa ka mid ahaashiiq Muxamed guuleed kaarshe oo wasiirka arimaha diinta kasoo noqday dawladii kacaanka.

Funuuntii uu aqrin jiray[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu akhrinjiray qaybaha kala duwan oo ay Ka koobantahay shareecada islaamka iyo Aalada loo kaalmaysto wuxuu ugu akhrin Badnaa fiqhiga caqiidada tafsiirka xadiiska Tasawufka iyo siirada  sidoo kale wuxuu Akhrinjiray Naxwaha Sarfiga iyo aaladoodhan Wuxuu Yiri Shiikh Cabdi Raxmaan Celi

وكان فقيها شافعيا وأشعري☆☆☆وفي القادرية استوى متمكّنا ‎وكان شهيرا بالعلوم فنونها☆☆☆كفقه وتفسير أحاديث نورنا ‎وكان له كذا بعلم عقيدة☆☆☆‎وعلم تصوف ونحو وصرفنا ‎وكان مفيدا للعلوم بأســــــــرها☆☆☆بفهم معانيها فكان مبينا

RAADADKA KABAAQIGA AH[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu ahaa Shiikhu mid dadka iyo diintaba u adeega.

➢ Wuxuu katagay culumo waawayn oo aan Cadad iyo xisaab lahayn

➢ Wuxuu dhisay Masaajid iyo Madaaris sida

✓ Masjidka dhuusamareeb iyo madarisada Wayn ee ku ag taala oo loo yaqaano jaamacatu Raqay

✓ Masjidka Degmada Cadaado

✓ Masjidka Degmada Huurshe

➢ Sidookale wuxuu dhisay baraago waqaf ah Iyo ceelal iyo jidad sida.

✓ Jidka udhexeeya Bandiiradley iyo lagurizqay

✓ Baraag kutaala lagurizqay oo waqaf ah

✓ Jidka udhexeeya Degmada Huurshe iyo Degmada Xeraale

✓ Jidka udhexeeya Degmada Huurshe iyo Hogdugaag

✓ Ceel kuyaala mayeeraan oo loo yaqaan ceel Wayne

✓ Ceelka kuyaala Raqayda

✓ Ceelka Degmada Cadaado oo loo yaqaan Ceel dheere oo hada masjidka musqulihiisa Laga dhigay

DHIMASHADII SHIIKHA IYO MEESHUU KUDHINTAY[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Janaatu al Firdawso Alle haka waraabshee Wuxuu kudhintay isbitaal Madiina oo kuyaala Magaalada muqdisho wuxuuna sababsaday Qaliin lagu sameeyay oo kalida ahaa taariikhdu Markay ahayd 8/safar/ 1401 H oo waafaqsan 16/12/ 1980 M wuxuu yiri shiikh Maxamuud Shiikh Xasan

‎فتاريخه غتا☆☆☆من ثمان صفرالله

= 1 isu gayn waa 1401 ا  400=ت  =1000غ

Waxaana lagu aasay Degmada Huurshe oo uu Aabihi iyo Awoowgi iyo inbadan oo Qaraabadiisa ah  ku aasnayd.

AMAANTII CULUMADU AY AMAANEEN[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Culumo iyo caamaba dadkii lakulmay ama Cilmigiisii ku nacfiyay aadbay u amaaneen Carabi iyo Soomaaliba waa ku cabireen wuxuu Yiri Shiikh Cabdi Raxmaan Celi.

‎وكان عديم المثل في وقته فقد☆☆☆تحلى برحمة لمن عنده دنا

‎وكان وليا عند أهل الحقيقة☆☆☆وناشر علم في بلاد وبدونا

Wuxuu yiri Sheikh Maxamuud Sheikh Xassan

‎كان مأوا للعلوم☆☆☆من أنواع علم الله

Wuxuu yiri Asman Xasan Dari markuu mas'alo Waydiiyay nin Shiikh ah oo si khalad ah ugu Sheegay ayuu misna waydiiyay Shiikh Yuusuf Oo si sax ah ugu sheegay markaasaa  wuxuu Tiriyay Gabay dheer waxaana kamid ahaa.

"Uusbuur wadaaduhu

Wuxuu ariga buurtaaba

Aayad uu aqoon iyo

Wuxuu ka am am siiyaaba

Aw yuusuf maalintuu maqluu

ku anbadaa meele".

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid0RcXPMRixHi2aRqZiBSQo7dZWb6efbe57eFfaAWb97qComAEe7cFYy4cBcv8FhSUUl&id=100041869381333