Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

Ka Wikipedia
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
اوغاس حسن اوغاس ياسين
Ugaaska 29-aad ee Beelaha Harti ahna Ugaaska guud ee Beesha Dishiishe Iyo Guud Ahaan Beelaha Mooracase
  • Ugaaska Guud ee Beelaha Harti
Xilka2000
Ka horeeyayUgaas Yaasiin Ugaas Cabdirixmaan
Dhashay1959
Boosaaso Woqooyi Bari Soomaaliya
Diinta Islaam (sunni)

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin (Af Carabi : ar‎) Wuxuu ka mid yahay isimada dhaqan ee Soomaaliyeed, Wuxuu ugaas guud oo magac saar ah u yahay beelaha Harti, Waana Ugaaska guud ee beesha Dishiishe, Xilka dhaqanka wuxuu kala wareegay Aabihiis Ugaas Yaasiin 2001 kadib markii aabihiis uu geeriyooday, Sida la sheego aabihiis ayaa u dardaarmay in loo duubo ugaasnimadda kolka uu isagu geeriyoodo.[1][2][3]

Ugaasnimadda Intaan loo duubin ka hor[wax ka badal | wax ka badal xogta]

I-Dhalasho Iyo Waxbarasho

  • 1953 wuxuu ku dhashay Magaalada Boosaaso, wuxuuna ka bilaabay dugsiga qur’aanka.
  • 1960 - 1972 wuxuu ku dhigtay dugsiga Hoose, dhexe & Sareba magaalada xamar.
  • 1972 - 1974 wuxuu waxbarasho u aaday dalka talyaaniga, wuxuuna wax ku baranayey kulliyada Ciidamada ee Modena.
  • 1980 - 1983 wuxuu ka qalinjebiyey Kulliyaddii Dhaqaalaha ee jaamacaddii ummadda Muqdisho.


II- Khibradaha shaqo

  • 1974 - 1990 wuxuu ahaa sarkaal Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, wuxuuna shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Baydhabo, dhuusamareeb & Muqdisho.
  • 1988 - 1990 wuxuu waxbarasho u aaday dalka talyaaniga, wuxuuna wax kasoo bartay kulliyadda abbaanduulka ee Ciidamada Cievieta Vecchia - Roma.
  • Wuxuu ku hadlaa luqadaha af-Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska Iyo Carabiga, wuxuuna soo maray dalal badan oo adduunka ah.


III-Shirarka siyaasadeed iyo Nabadaynta uu ka qayb galay

  • 23-30/06/1991 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Oaaska shirkii Garoowe ee lagu go’aansaday in ay SSDF noqoto hoggaanka Siyaasadeed ee gobolladan.
  • 08-09/01/1992 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska shirkii Adis-Ababa oo looga hadlayey qaxootiyada iyo dadka tabarta yar sidii loo gaadhsiinlahaa mucaawinooyinka.
  • 04-15/01/1992 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Adis-Ababa.
  • 15-18/11/1992 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska baaqii nabadda ee Nakuru-Kenya( The Nakuru Peace Appeal) oo ay kasoo qayb galeen Isimo, waxgarad, aqoonyahan iyo siyaasiyiin hore.
  • 10-12/03/1998 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska shirkii wada tashiga Garoowe, kaasoo loogu gogolxaarayey dhismihii Dawlad Goboleedka P/Land.
  • 15/03/1998-30/07/1998 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska shirweynihii Garoowe ee lagu dhisay Dawlad goboleedka P/Land.
  • 27/12/1997 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska Caleema saarkii Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka dhacay Abqaale.
  • 16/06/1998 wuxu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska Caleema Saarkii Ugaaska Beesha Leelkase Ugaas axmed Ugaas Maxamed oo ka dhacay Galdogob.
  • 21-25/03/2000 Wuxuu ka qayb galay shirkii aqoonyahannada soomaaliyeed ee lagu qabtay Djibouti.
  • 09/05/2001-13/06/2000 wuxuu ka qayb galay isagoo wakiil ka ah Ugaaska shirkii dib u heshiisiinta Soomaliyeed ee lagu qabtay Djibouti oo ay kasoo qayb galeen Isimo, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ningarbood, haween & Dad farabadan oo Soomaaliyeed.[4]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]