Yoc

Ka Wikipedia
Yocdu waa dibi la xardhin, halka dibi yahay lo'da la xardhay

Yoc (Af Carabi : arAf-Taliyaani : bue Af Ingiriis : uncastrated bull Amxaari: በሬ}) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Yocdu waa labka lo'da, halka sacu yahay dhediga. Yocda wuu ka muruq badan yahay lo'da iyo dibiga. Yocda wuxuu weliba ka camal badan yahay iyo ka dhiirran badan yahay lo'da kale sida dibi iyo sac oo kale. Sidaas daradeed, waxaa yocda laga helaa bardooddanka ku saabsan dagaal.[1]

Yocdada waxaa loo isticmaalaa in beeraha lagu qoto, wax lagu jiito, iyo hilibkooda oo la cuno.

Wakhti laga joogo 10,500 oo sano, ayaa lo'da lagu dhaqan jirey koonfurbari dalka Turkiga. Intaas oo qarni oo ka dambeeysay lo'du waxay ku faafeysay dunida. In ka badan 1.3 bilyan oo lo' ah ayaa maanta ku nool daafaha dunida.[2]

Somaliya marka loo eego waa xoolaha sadexaad ee ugu muhiimsan marka laga soo tago geela iyo arriga.

Guud ahaan, lo'du waa xoolo muhiim u ah aadamaha ayagoo laga helo hilib uu nafaqo ka helo jidhka dadku, dhogor laga sameeyo dharka, xadhkaha iwm. Intaas waxaa dheer, saxarada xoolaha laga helo waxaa lagu nafaqeeyaa carada.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. O.C. Gregg, Ed., Minnesota Farmer's Institute Annual No. 15, Pioneer Press, St. Paul, Minn. (1902), at p. 125; The James Way, The James Manufacturing Co., Ft. Atkinson, Wisc. (1914), p. 103.
  2. O.C. Gregg, Ed., Minnesota Farmer's Institute Annual No. 15, Pioneer Press, St. Paul, Minn. (1902), pp.129-32 (recommending the keeping and testing of sires for dairy herd improvement).