IHH

Ka Wikipedia
Mavi Marmara (IHH)

Taariiq[wax ka badal | wax ka badal xogta]

İHH (Af-Turki u dhiganta: (İnsan Hak ve Hürriyetleri ve İnsani Yardım Vakfı), waa hayad aan dawli ahayn oo laga leeyahay wadanka Turkiga kana shaqaysa amaba ka hawlgasha in kabadan 100 wadan oo dunida dacaladeeda ah waxaana la asaasay sanadkii 1992 dii iyadoo si rasmi ahna uga halgashay Istanbuul 1995 tii .


İHH waxay gargaarka bina aadmnimo gaadhsiiyaan meelaha ay ka qarxan dagaaladu ama masiibooyinka dabiiciga ah sida abaarta,dhulgariirka iyo waliba isku dhacyada.Waxaana ay xidhiidh wada tashi la leyihiin jamciyada quruumaha ka dhaxaysa laanteeda dhaqaalaha iyo arimaha bulshada laga soo bilaabo 2004.

Gargaarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hay adan oo ah hay ad asal ahaan asaaseen gargaraar uruuriyeyaal Islaami ah si ay gargaar u gaadhsiiyaan muslimiintii bosniya[1] badhtamihii 1990 kii. İyadoo markii danabena ka qayb qaadatay hawl galo caawimeed oo wadamo badan sida Soomaaliya [2], Bakistaan, Itoobiya, Lubnaan, Indunisiya, Ciraaq, Falastiin, Suudaan, Gaana, Mongolia, Barasiil, Arjantiina iyo wadamo kale oo fara badan.

İn kasta oo lagu sheego inay tahay hay ad Islaami [3] ah hadana gargaarkaeedu uma kala cayina diimaha e waa mid ku wajahan dhamaan bina aadamka u baahan gargaarkaas. İHH waxay hawlo galo firfircoon ka wada Turkiga , Asiya ,Yurub, Koonfur Ameerika, iyo Afrika na. Ahna isku duba ridaha projectiga lagu dagaalamo indhala aanta Afrika ee african cataract project.

Gargaarda ay fidiyana waxaa ka mid ah xidhiidhka bulshada iyo midka dhaqan dhaqaale,hawl galo caafimaad oo in ka badan 100 wadan ka wadan,projectiga katarakt ka ee afrika oo ilaa toban wadan oo Afrika ah ka hir galay,waxaa kale oo qabtan kalkalin caafimaad iyo hawlo biyo galineed.