Turki

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Jamhuuriyada Turki
Türkiye Cumhuriyeti
'
Calanka Turki Astaannta Qaranka ee Turki
Calan Astaannta Qaranka
Astaanta Calanka
Yurtta Barış, Dünyada Barış
"Gurigeyna Nabad, aduunka neh Nabad"
[[Image:
Turki
|250px|center|Location of Turki]]
Caasimada Ankara
Luuqada(ha) Looga hadlo Af-Turki
 -  Madaxweyne Cabdullahi Gul
 -  Ra'iisul wasaare Rajiib dayib ardugan
Area
 -  Total 783,562 km2 km² 
302,535 sq mi 
 -  Biyo (%) 1.3
Cadadka Dadka
 -  2009 qiyaas 72,561,3122 
Lacagta Turki Lira
Wakhtiga sammer (DST) 


Turkiga (Af-Turki Türkiye) wadanka Turkigu waa wadan aad u balaadhan waxa uu ku kala yaala labad qaaradood ee Aasiya iyo Yurub wadanka Turkigu waxa uu xuduud la leeyhay Joorjiya, Iran, Armiiniya, Azrabijan dhinaca bari dhinaca koonfur waxa uu xuduud kala leeyahay dalalka, Ciraaq Suuriya iyo bada dhexe dhinaca galbeed waxaa ka xiga wadan giriiga iyo wadanka Bulgaariya iyo bada loo yaqaano eeje, dhina waqooyi waxaa ka xiga bada madaw,waxa uu ahaa turkigu mid ay maa musho dawladii cismaaniyuuntu ilaa 1922 markaas oo la sameeyay dawladan turkiga ee aynu manta naqaano, dawladaas oo uu sameeyay ninkii la odhan jiray Mustafa Kemal Atatürki


Qoraalka gudaha oo kooban

Magaca Turkiya [Wax ka bedel]

Magaca Turkiya waxa uu kasoo jeedaa laba kalmadood oo laysisaaray oo kala ah kalmada Turk oo ah kalmada tilmaamaysa shacab waynaha Turkiga iyo kalmada iye oo ka hadlaysa wexeenaa markaa magacu macna ahaan waxa uu noqonayaa Turkiyadeenii.

Taariikh [Wax ka bedel]

Wadanka Turkiga intii kahoraysay sanadkii 1922 waxaa maamulaysa Dawlada Cosmaniya. Kadib markii ay bur burtay Dawladii Suluuqiyiinta waxa samaysamay Dawladi Sismaaniyiinta.

Dawladii Cismaniya iyo Sidii ay ku abuurantay [Wax ka bedel]

Asalkoodii iyo dawladaasii siday ku abuurantay [Wax ka bedel]

Waxa ay kasoojeedeen cismaaniyiintu.. qabiilada.oogooz.oo ah qabiilo kamid ahayd qawmiyada Turkumaanka waxa ay daganaayeen wadanka mangooliyakadib markii ay mangooliyiintu dhibaato u gyastayn waxa ay u yaaceen xagaas iyo Turkiga waxa ay degeen meesha lagu magacaabo.betyeeniya.oo ku taalaa deegaanka anaadool.ee wadanka Turkiga.waxa ay ahyad xiligii suldaan cismaan ardaqal. ama cusmaankii koobaad.markii u horaysay cismaaniyiintu waxa ay lugohooda dhigeen.dhulka looyaqaano bolkaniska.ee katirsan bariga yurub.cismaaniyiintu waxa ay aad usii fideen kadib markii uu dhacay dagaalkii ka dhacay goobta looyaqaano.nikobolis oo dhacay sanadii 1389.intaa kadib waxa dhacay dhawr jeer in ay jabaan.laakiin markiidanbe waxa ay lasoonoqdeen haybadoofdii iyo awoodoodii.waxayna aad u xoogaysteen xiligii.muraadkii labaad.oo ahayd.1421-1451.kadib waxa cyimi suldaan maxamed alfaatix.oo awooday in uu qabsado giriiga 1453.

sobixitankii.reer.cusmaan [Wax ka bedel]

kadib markii uu dhintay arduqal.waxa dhacday in wiilkiisa cismaan halkiisii loomagacaabay.cismaan ibnu ardoqalna waxa uu dhashay.1258.waxaanuu ahaa aasaaskii dawladan.waxa uu kasoojeeday qabiilada qay.awoowgii oo la odhanjiray suliman shaah ayaa waxa uu soo haajiray xagaas iyo.turkiga.waxaanuu dagay turkiga.maadaama oo uu ahaa cusmaan nin hogaaminaya qabeelo dhan markii uu yimi wadanka turkiga waxa ay sifiican isufahmeen cidii markaas halkaas katalinaysay.kadib waxa ay saaxiibtinimo wanaagsani dhex martay isaga iyo calaa adiin.oo ahaa odaygii ama hogaankii halkaas.

kadib calaa waxa uu suldaan cismaan siiyay.calan cad.oo ahaa calaamd lagu garto raga madaxda ah.

waxa kale oo uu siiyay.magaca ama naanaysta (bik) laga bilaabo 1289.waxa kale oo uu amray in lacagta lagusoo qoro magaciisaa.waxa kale oo uu u magacaabay hogaamiye qaybkamida ciidamadiisa.


Bilawgii cismaaniyiinta [Wax ka bedel]

suldaankii cismaaniyiinta ugu horeeyay waxa uu ku dhashay magaalada (Sogüt) oo ah meel laga maamulo magaalada wayn ee (bin shahiir)sanadii 1258 kadib markii uu dhintay uldaankii halkaas xukumayay ayaa suldaan cismaan loo dooratay in uu noqdo hogaamiye.taasina waxa ya horseeday in ay bilaabmato dawldii cismaniyiintu.waxa uu suldaan cismaan samaystay dawlad adag iyo ciidan aad u awood badan.waxa uu baabiyiyay oo uu gacanta ku dhigay.dawldii giriiga.kadib dawladiisi waxa ay gaadhay dhul aad u balaadhan.oo ay kamid tahay somaliya.cismaaniyuuntu waxa ay islaamka gaadhsiiyiin.badhtamaha yurub.

Rayasalwasaaraha Xiligan ee Turiga Rajab Diyip Ordugan

Fiditaankii dawlada cismaniyada [Wax ka bedel]

Wxa looqaybinkaraa fiditaankii iuyo taariikhdii cismaaniyiinta laba qaybood. qaybta hore waxa ay tahay xilgii horumarka iyo awooda milatari taas oo soo gaadhsiisnayd sanadii 1566 iyo taariikh kale oo ay dawladaasi soo martay xiliyo adag iyo dhibaato siyaasadeed waxaanay soo gaadhsiisanayd sanadii 1683.

Xiligii horumarka iyo awooda (1453–1566) [Wax ka bedel]

Kadib markii uu dhintay suldaan maxamed al-faatex waxa xukunka kumurmay labada wiil ee uu katagay laakiin waxa adkaaaday oo loodoortay boqor boqorka la odhan jiray baayasiid oo ahaa wiil uu katay maxamed al-faatex. kadib walaalkii waxa uu u cararay dhankaas iyo masar halkaas oo uu kaalmo karaadsaday dawladii katalinjiratay masar xiligaas ee Dawladii Mamaaliikta kadib halkaas wuu katagay oo waxa uu aaday dhanka jsiirada Rodes halkaas oo uu iskudayay in uu gacansiiyo ciidamdii hogaamiye diimeedka (Knights Hospitaller) iyo dawladaha reer galbeedka

Taariikhda Turkiga iyo Giriiga [Wax ka bedel]

Taariikhdu culays miisaan ayey saartaa xiriirka u dhexeeya Giriigga iyo Turkiga. Giriiggu wuxuu qeyb ka ahaa boqortooyadii Cuthmaaniyiinta, taasoo uu Turkigu laf-dhabar u ahaa markii uu ku dhawaaqay madax bannaanidiisa qarnigii 19-aad.

Dagaalkii Giriigga iyo Turkiga [Wax ka bedel]

Ciidamadii Turkigu waxay la dagaallameen ciidamada Giriigga ee markaas haystay si ay halkaasi uga soo baxdo Jamhuuriyadda Turkiga sannadkii 1920-kii.

Ilaa tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay waxay u muuqatay in labada waddan ciidamadoodu ay isku dhici karaan. Laakiin, hadda dad aad u tiro yar ayaa rumaysan in ay waxaasi dhici karaan, xitaa haddii uu kala shaki ku kala dhex jiro labada shacbi.

Dadaalka saaxiibtinnimo

Labada dowladadood ee labada dal ee Giriigga iyo Turkigu aad bey u shaqeeyeen si uu mid kasta saaxiibtinnimo uga kasbado midka kale, taasoo weliba sii baahday kaalmadii uu mid kasta siiyey midka kale markii ay dhul-gariirradu ka dheceen halkaasi sannadkii 1999.

Laakiin, haddana weli waxaa jira waxooga mushkilado ah. Jasiiradda qeybsan ee Qubrus ayaa hadda ah meesha ay ka soo burqato dhibaatada u dhexeysa labada dal, waxaana jira arrin si weyn la isugu khilaafsan yahay oo ah jawiga iyo xuquuqda dhul ee badda Aegean-ka taasoo kala qeybisa labada dal, laakiin haddana diblomaasiyiinta labada dal aad bey ugu rajo weyn yihiin kulankooda soo socda.

Rabitaanka Turkiga

Ganacsiga, rabitaanka Turkiga uu ku doonayo in uu ku biiro Midowga Yurub, iyo mustaqbalka Qubrus kaddib markii bishii hore lagu guul-darreystay aftidii lagu mideyn lahaa, ayaa waxaa laga yaabaa in ay ugu waaweyn yihiin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.

Khilaafka xaggee buu ka imaan karaa?

Qeyb rasmi ah oo ka mid ah booqashada ayaa laga yaabaa in la isku khilaafo. Maalinta Sabtida ah ee soo socota, Mr Erdogan, ayaa Thrace ku booqan doona Bariga Giriigga, meeshasina waxaa deggan ilaa boqol kun oo shacab ah oo ku hadla afka Turkiga, kuwaasoo ka soo haray shacabkii la is-weydaarsaday sannadkii 1920-kii. Qaar badan oo ka mid ah kuwaasi waxay ku baaqaan in la aqoonsado sugnaantooda Turkinnimo, taasoo ay iska diiddo dowladda Giriigga.


Deegaanka [Wax ka bedel]

Turkiya waxa ay ka koobantahay labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya laakiin intabadan dhulka wadanka yurkigu waxa uu kuyaalaa qaarada Aasiya. wadanka Turkiya wqaxa uu kufiadhiyaa dhula gaadhaya ilaa 783,562 oo iskuweera

Tirada Dadka [Wax ka bedel]

Markii ugu horaysay ee tirakoob lagusameeyaa waxa ay ahayd sanadkii 2009 markaas oo ay dadku noqdeen ilaa 67,803,927

Diinta [Wax ka bedel]

Turkigu waa dawlad cilmaaniya mana jirto diin rasmiya oo dawladu ay raacdo.sidoo kale dastuurka Turkigu waxa uu dhigayaa in qofwaliba diinta uu doono uu qaadan karo inta badan daadka turkigu waxa ay haystaan diinta islaamka 99% kiiba.


Ciidamada [Wax ka bedel]

waxa ay turkiya ururka nATo ku biirtay 1952
F35A Prototyp AA1 2.jpg

Ciidamada wadanka turkiya waxa ay ka koobanyihiin ciidamada cirka Dhulka iyo hawada.xiliga nabada waxa lagutilmaamaa in ay hoos yimaadsaan wasaarada aramiha gudaha.xiliga dagaalkana waxa ay hoostagaan wasaarada difaaca,ciidamada Turkigu waa ciidanka labaad ee kujira Gaashaanbuurta NATO marka maraykanka lagayimaado.ciidamada turkiga waxaa laguqiyaasaa in kabadan hal milyan iyo badh.qofkasta oo turkiya waxa qasab ku ah in uu soo maro adeega ciidanimo sadex todobaad ilaa 18 bilood.

Magaalooyinka Wawayn [Wax ka bedel]

Wadanka turkigu waxa uu leeyahay magaalooyin aad u waawayn sida magaalda istanbuul oo ah mid kamida magaalooyinka caalmka ugu waawayn. waxa kale oo ah iyana magaalo aad iyo aad u wayn caasimada wadanka waa magaalda Ankarah.waxa kale oo jira magaalooyin badan oo kamida wadanka turkiga laguna tiro in aya yihiin qaar kamida kuwa caalamka ugu waawayn.



Luqada Turkiga [Wax ka bedel]

laqada Turkiga waa mid kamida luqadaha turkiga ee looyaqaano in ay yihiin amaba kasoo jeedaan bah luqeedaka looyaqaano Altis intii ka horaysay waxa afka turkiga lagu qorui jiray farta carabiga.waxaana luqadaas u badanaa kalmado kasoo jeeda Faaris iyo carabi.laakiin Jamhuuriyiintii talada lawareegtay ee uu madaxda u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, ayaa kadanbeeyay in afka Turkiga lagu qoro farta laatiinka ah ee maanta loo isticmaalo.daadka kuhadla luqada turkiga waxa lagu qiyaasaa ilaa 130 milyan oo qof oo kukal nool in kabadan ilaa 15 wadan.

Dalalka Aasiya Qaarada Aasiya
Aserbiijaan | Bakistaan | Bangladesh | Baxrayn | Burma | Butaan | Ciraaq | Cumaan |Falastiin | Hindiya | Imaaraatka Carabta | Israaiil | Jabaan | Jasiirada Maldiif | Kambodiya | Kasakhstan | Kirgistan | Koonfur Kuuriya | Laos | Lubnaan | Malaysiya | Qargistan | Ruushka | Sacuudi Carabiya | Shiinaha | Siri Lanka | Suuriya | Tayland | Turki | Urdun | Usbekistan | Fiyetnam | Waqooyiga Kuuriya | Yemen | Afqaanistan | Singabuur | Filibiin | Iiraan | Indunisiya


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki