Portal:Afrika/Shakhsi xul ah/6

Ka Wikipedia

Cumar Dhuule (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Omar Dhule) wuxuu ahaa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxuu horaantii 1941dii ku dhashay duleedka magaalada Burco gobolka Togdheer ee maanta ka tirsan wadanka Somaliland. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaalieed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Qaaciga Fanka Soomaaliyeed.

Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga ah, garaacida kabanka (gaar ahaan nooca loo yaqaano "cuudka"), saarida laxanka, abuurista halabuur, samaynta sheekooyinka iyo majaajilada, habaynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb-qaashada Fanka Soomaalida. Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalki sukeeye wuxuuna waqti joogay wadanka Suuriya kadibna waxaa uu usoo gudbay wadanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa oo waqti ku noolaa.