Cali Gurey

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Cali Maxamuud Samatar oo Cali Gurey ku magac dheeraa, waxaa uu ka mid ahaa Gabayahanadii raca hore ee Hanaqaaday Rubucii hore ee Qarnigii 20-aad, Wuxuu ahaa Gabyaaga keliya ee gabay ka tiriyay Xarafka (Y) oo ah xarafka ugu adag ee gabay laga tiriyo, Gabyaagu wuxuu ka soo jeeday Gobolka Bari Beel ahaanna Wuxuu ka dhashay Beesha Dishiishe Daarood. Wuxuu ku dhashay Magaalada (Boosaaso).

Wuxu mariyey gabaygan guubaabo iyo habaar ah oo uu Daraawiish iyo Sayid Maxamed ku Aweytiyayo, Wuxu gabaygu ku yimid “Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa aftin u diray oo wuxu ku yiri Xarunta kaalay "Cali Gurayow", Muddo kaddibna wuxu tiriyey gabaygaan oo uu ka tiriyey xarafka Ya’da (Y) oo ah xarafka ugu yar xarfaha ay Soomaalidu ka gabaydo, Wuxu yiri:

☆ Waataan af gabay yeerin jirey, yarow ahaantiiye.

☆ Uma yoomo hawd yaalaley hays, nin yuurura ee'.

☆ Ma yakfiyo yaloonkoo cidla ah, yeris nin jiifaaye.

☆ Isba Nebi Yacquub bacdal ya’si buu, Yaasafaa yiriyee.

☆ Allena u yeel ducaduu yu’doo, yoomayoo kacay ee.

☆ Suu rabayna Ilaahay u yeel, samirki Ayuube.

☆ Tan iyo Yuusuf weliyaa jireyee, yaab kanaa dhigayee.

☆ Yaa ayuha nebaa laga galiyo, Bariyo Yaasiine!

☆ Waxba yaan wadaad Doy ka yimid, orannin yaabuuye.

☆ Waxba yuu i siin qaalmuhuu, soo yahoobiyaye.

☆ Nin qabiiladiisii yu’ tidhi, yuu anay rabine.

☆ Yuufuuna dhaha taladiisu waa, yuux an roob di’ine.

☆ Nin suldaan yuleeciis na baday, yaahu baan idhiye.

☆ Col ha yedo yaraysoo ha gasho, ciidan yuu heline.

☆ Kun yagoola guutooyin yugan, rayfal wada yeesa.

☆ Nin u yeeray yaayuunka bari, yeel ma buuxsado e.

☆ Libin kama yamsado niman dagaal, yeelmuhuu bixinne.

☆ Mar haddaad yedduu jeedisaan, yeekfiruu noqonne.

☆ Inuu yahay walaal col isu yimid, waa yaqiin rumahe.

☆ Goortii la yiri baad qisada, yaab u dhimataaye.

☆ Dadku wuxuu u kala yaacayaa, yaarahoo da’aye!

☆ Xareed yibal baxeed waa intuu, yadanku buuxaaye.

☆ Wax la yicib wiyeer maalintey, yaabatiin tahaye!

_____________

Waxaa laga qoray Xaaji Dharaar, Sannadkii 1964-tii Muqdisho Soomaaliya