Dagaalkii Kanooniga

Ka Wikipedia

Kanooni (Dagaalkii Kanooniga) erayga kanooni micnihiisu waa Madfac,Dagaalkan loogu magac daray dagaalkii kanooniga wuxuu ahaa dagaal aad u waynaa oo dhex maray Qabiilka geri iyo boqortooyadii Boqol Xayla Siilaasi sanadku markuu ahaa 1940kii.

Hadaba dagaalkani wuxuu ka dhacay aagaga Jigjiga ilaa Harar sababihii keenayna in BeeshaGari koombe kaligii dagaal la galo boqor Xayla Siilaasi waxaa ka mid ahaa:

1.Qabiiladii soomaaliyeed wakhtigaa waxaa lagu heshiiyay in si wad jir ah dhulka loo difaaco oo dagaal lagala hor tago Kaligii Taliskii Xayla Siilaasi oo damacsanaa in uu qabsado dhulka Soomaali Galbeed.

2.heshiiskii dhex maray Qabiiladii Soomaaliyeed ee deegaanka ku nool oo burburay, heshiiskaas oo ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa dhul balaadhsiga Taliskii Xayla Siilaasi.

3.ka dib duulaankii Xayla Siilaasi ee uu ku yimid gayiga Soomaaliyeed ayaa waxaa is bedel ku yimid qabiiladii kale ee Qabiilka Geri koombe heshiiska kula galay in si wada jir ah loola dagaalamo Xayle Salaase.

4.is bedelkaa ku yimid beelihii kale ayaa waxay sababtay in ay kaga baxeen balantii la isu ogaa waxayna doorbideen inay fariin u diraan Xayle Salaase una sheegan inayna dagaalka ku jirin rabina inay Xayle Salaase la dagaalaman, balse ay karabaan in deeganka, dadka iyo maalkaba loo amaan galiyo, isna waa ka aqbalay.

5.Intaa kadib Xayla Siilaasi waxa uu uyeeray Hogaamiyayaashii Beesha Geri koombe isagoo u sheegay in beelihii deeganku is dhiibeen ogol yihiina inay bixiyaan cashuurtii iyo waxkasta oo looga baahan yahay, isagoo intaa raaciyay in uusan rabin in uu dagaal la galo beeesha geri, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa aniguba nin Geri koombe ah ayaan ahay maadama aan deeganada Geri koombe ku dhashay ( sidaan wada ogsoonahay Xayla Siilaasiwuxuu ku dhashay magaalada Ejersa Goro isagoo ku sasabayay in nin aanan Geri koombe ahayn uunan Bariga Ethiopia xukumi doonin ),sidaa awgeed waxaa la iniiga baahan yahay in aad hubka dhigtaan nabadana qaataan si dagaal looga baaqdo xidhiidhkeenuna u wanaagsanaado taasoo u cuntami wayday Geesiyadii Beesha ee wakhtigaa, gaashanka ayayna u daruureen dalabkii dowladii Xayla Siilaasi. intaa ka dib boqorkii Xayla Siilaasi kuma dagdagin dagaal uu la galo Qabiilka Geri koombe wuxuuse isku dayay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo isagoo usoo diray mar labaad nin ka mid ahaa dadkii isaga gacan yaraha u ahaa kana mid ahaa masuuliyiintii fara ku tiriska ahaa ee Beesha geri koombe ugu Jiray Taliskaa Xayla Siilaasi ninkaasoo lagu magaaabi jiray Allaale Adan Dhicis oo Geri ka aha Rer maxamuuud ahaana ragii ugu dhawaa Xayla Siilaasi wakiilna uga ahaa Gobol loo yaqaanay Asfari Tafera.

Allaaale aadan dhicis wuxuu socdaal degdeg ah ku yimid deeganka si uu Qabiilkiisa ugu xog waramo xaalku halkuu marayo isagoo ka digay dagaal beesha ugaara inuu noqon karo mid wax yeelo gaara u keenaya dadka iyo deegaanka Beesha maadama beelihii ay balan sanaayeen in ay dagaalka wada galaan heshiis la galeen Xayla Siilaasi, nasiib daro Allaaale aadan dhicis kuma uusan guulaysan in uu Beeshiisa ku qanciyo in ay dagaalka joojiyan nabadana qaatana iskuna dhiiban Xayla Siilaasi si loo baajiyo dagaal dhiig badani ku daato. sidaa ayuuna ku bilowday dagaalkii u dhaxeeyay Qabiilka Geri koombe iyo Boqortooyadii kaligii taliskii Xayla Siilaasi taasina waxay keentay in dagaalkii logu magac daray Kanooni uu dhaco, dagaalkaas waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo maalba leh dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa ee wakhtigaa dhacay halkan kuma soo koobi karo waxaase ka mid ahaa Odayaashii iyo Dhalinyaradii Qabiilka Geri xasuuqa loogu gaystay magaalada jigjiga gaar ahaan buurta kaaramara iyo magaalada inta u dhaxaysa kuwasoo iyagoo nool TAANGI la dulmariyay inta dhulka lagu xidh xidhay. intaa ka dib arinkii ayaa ku xumaaday beelwaynta Geri koombe burburkii iyo baaba’ii beesha soo gaadhay waxaa ka war helay allaaale aadan dhicis iyo Masuuliyiin kale iyagoo ku war galiyay Xayla Siilaasi in xaalku meelxun marayo loona baahan yahay in dagaalka laga joojiyo dadkiisa, taaso Xayle Salaasena aqbalay sidaasana lagu joojiyay dagaalka looguna magac daray Kanooniga.

Lifaaq: Taariikh aanan wali la xaqiijin ayaa magaca dagaalka raacisa Biyeeye oo noqonaya Kanooni Biyeeye( madfac Biyeeye) sababtuna waxay ku sheegaan markuu dagaalkii qadhaadhaaday in beesha geri koombe aad loo jabiyay firxadkiisuna meelkasta gaadhay meelihi ay ku urureen dadku waxaa ka mid ahaa xaruntii sheekhii waynaa ee sheekh xuseen magan baale, sheekhaas oo ahaa sheekh uu rabbi karaamo siiyay ayay waxay dadku sheegaan in madaafiicdii gumaysiga markii loo jeediyay tuuladii iyo maqaamkii sheekha in ay dhici waayeen sidaana loogu magac daray Kanooni Biyeeye (nacam biyo ayuu noqday oo wuu dhici waayay madficii) waase sheeko aanan wali la xaqiijin jiritaanka in ay dhici waayeen madaafiicdii loo jeediyay dhanka maqaamkii sheekha. Dagaalki kanooniga Waxaa bilaabay Beesha geri oo Ahayd beeshi ugu horaysay ee ka hor timid gumaysiga diidayna Gibirka Waxaa Soo Raaacday beesha ogaaaden Gaaar ahaan Rer isaaq iyo Beelo kale oo ay ka Yimaden dad Faro ku Tiris ah