Dhuxul

Ka Wikipedia

Dhuxul

Dhuxul Qalalan.
Dhimbiilo dhuxul ah oo shidan.

Dhuxul (ingiriis: Charcoal) waa hadhaaga marka qidcad dhir ama xayawaan ka timid la gubo ka hor intaanay dambas noqon. Dhuxusha midabkeedu waa cowlaan madoow ah, waana maxsuulka ka soo baxa marka alwaax ama qori la gubo ka dib la demiyo intaanu dambas noqon. Heerkulka dabka lagu shidayo geedaha markuu gaadho 220 °C (428 °F) waxa soo baxa Dhuxusha Cowlan (Brown Charcoal), haddii lagu sii wado dabka marka 280 °C (536 °F) wakhti ka dib waxaa soo baxa Dhuxusha Madow (Black Charcoal), ugu dambayn haddii 310 °C la gaadhsiiyo waxaa soo baxa Dhuxusha Jilicsan.

Dhuxushu waxay ka samaysan tahay kaarboon qalalan oo wax biyo ah lahayn. Sababto ah kulka dabka lagu shiday qoryaha dhuxushu ka timid ayaa ka uumi bixiya biyaha.

Waddanamha Dhuxul Dunida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhuxusha waxay ka mid tahay waxyaabaha qadiimiga ah ee dadku isticmaali jirey tan iyo qarniyo hore.

Guud ahaan, dhuxusha waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo dab wax lagu karsado ama laga helo kuleyl.

Maadaama dhuxushu ka timaado geedaha, waxay halis iyo khatar badan ku heeysaa jiritaanka dhirta. Si loo helo jawaan dhuxul ah waxaa la jaraa labo ama sadex geed, taas oo keenaysa in dhirtu si dhakhso badan u tafiir go'do.

Isticmaalka Dhuxusha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Inta ugu badan Dhuxusha waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo dab lagu karsado cuntada, shaaha iwm. Sidoo kale, waxaa loo isticmaalaa in laga helo kuleyl la diirsado.

Dhuxushu waxay ka timaada geedaha, qeybo ka mid ah dhirta ayaa la gubaa ka dib la damiyaa intaanay dambas noqon. Waa la jajabiyaa qoryaha dhuxusha ka dib, lagu cabeeyaa jawaano iyo baco loogu talo galay in lagu iib-geeyo.

Noocyo ka mid ah dhuxusha, sida Dhuxusha Jilicsan waxaa loo isticmaalaa in lagu shito Badeecada ama Shiishada.

ÁȘ= Khatarta Deegaanka = úúÙŘŘǖǚäò

Tiro badan oo geedo ah ayaa la soo jaraa si loo sameeyo dhuxul.

Dhuxushu waxay halis iyo khatar badan ku heeysaa jiritaanka dhirta, sababtoo ah tiro badan oo geedo ah ayaa la jaraa si looga sameeyo dhuxul. Wakhti yar gudaheed, tani waxay keenaysaa tafiir go'a dhirta iyo nabaad-guur ku yimaada carada.

Sidoo kale, marka la samaynayo dhuxusha qiiq badan ayaa oo ka kooban kaarboon-labo-ogsaydh iyo kimikooyin sun ah ayaa hawada gala taas oo keenaysa Wasakhowga Hawada.

In ka badan 90% qoysaska wadanka Soomaaliya waxay maalin kasta isticmaalaan tiro badan oo dhuxul ah taas oo lagu kariyo cuntada iyo waxyaabaha kale. Midani waxay khatar badan ku heeysaa dhirta dhulka oo wakhti dhow laga baqayo ineey dhamaato.

Guud ahaan, dunida mamnuuc ayay ka tahay gooynta dhirta sababtoo ah nolosha dhamaanteed ayaa si toos ah ugu tiirsan dhirta.