Makka

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Mekka)
U bood: gooshitaan, raadi

Makkah

Mecca/Makkah
Makka
Makkah al-Mukarramah/ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ
—  Makkah al-Mukaramah  —
Ka soo biloow kor bidix: Kacbada, dabaqyada dhaadheer ee Makka, Abraj al Bayt, masjid al-Xaraamka iyo tukashada Xajka.
Magac loogu yeero: Ummu al-Qura ("Hooyada Deegaanka")
Maabka magaalada Makka
Dhacdaa: Coordinates: Unknown argument format
{{#coordinates:}}: invalid latitude
Dalka Flag of Saudi Arabia.svg Sacuudi Carabiya
Deegaanka: Gobolka Makkah
Wakhtiga: 1980 C.H (Ciise Hortii)
Xukunka
 • Dadkii dhisay: Nebi Ismaaciil wiilkii Nebi Ibraahim
Baaxadda760
 • Guud ahaan 850 km2 (330 sq mi)
 • Dhul 1,200 km2 (500 sq mi)
Tirada dadka ((2010))
 • Guud ahaan 1,675,368
 • Tiro Badnaan 2,200/km2 (6,000/sq mi)
Saacad UTC (UTC+3)
 • Xagaa (DST) AST (UTC +3) (UTC)
Website http://www.holymakkah.gov.sa/
Koodhka wicitaanka: (+966) 2
Meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Makka.

Makka Mekka Makkah Makkah al-Mukarama (ingiriis: Mecca; carabi: ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ; af-Soomaali: Mako[1]) waa caasimad ku taala Xijaas, iyo magaalo-madaxda Gobolka Makka ee dalka Sacuudi Carabiya. Magaaladani waxay dhacdaa 70 km (43 mi) waqooyiga magaalo-xeebeedka Jidah, dooxo godan dhexdeed taasi oo bada ka sareysa 277 mitir.[2] Maadaama Kacbada ku taalo magaaladan isla markaana ay tahay xaruntii u horeeysay ee diinta Islaamka waxay caasimada Makkah leedahay malaayiin dad (inta u dhexaysa 6 milyan ilaa 8 milyan)[3] ah oo soo siyaarta sanad kasta wakhtiga gudashada Xajka ee ku beegan 12ka Dul-Xijah; iyo wadar isku-geyn oo ka badan 15 milyan oo dad ah sanad kasta.[4] Tirada dadka deegaanka joogtada ku ah magaalada Mako waxaa lagu sheegay isku-celcelis 2 milyan sanadkii 2012ka.[5]

Guud ahaan, caasimadan Makko waa hooyga uu u dhashay Nebi Muxamed (c.s.w),[6] deegaankii ugu horeeyay ee lagu soo dejiyo waxyiga Qur'aanka[7] kariimka ah, magaalada xudunta u ah diinta Islaamka, iyo meesha meesha uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Kacbada taasi oo ah jihada loo tukado dhamaan Salaadaha.[8]

Caasimada Makkah waxaa wakhti aad u dheer maamulaayay qaraabada iyo qoyska Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee loo yaqaano "Shariifis"ka.[9] Laakiin markeey taariikhdu ahayd sanadkii 1925tii Dawladda boqortooyada wadanka Sacuudi Carabiya ayaa la wareegtay maamulka iyo gacan ku heeynta magaalada Makko, kuwaasi oo ilaa hada haya hogaanka iyo tallada caasimadan. Maamulka boqortooyada Sacuudigu aad ayuu u dhisay magaaladan, wuxuuna balaadhiyay dhismaha iyo baaxada ay ku fadhido Makko. Dhismayaasha wakhtigan lagu daray magaalada waxaa ka mid ah Abraj al Beyt oo ah dhismaha 3aad ee ugu dheer dunida iyo kan ugu weyn baaxada fadhi ee dunida.[10]

Isku soo duuboo, magaalada barakeysan ee Makkah waxaa iskugu yimaada dad ka badan 15 milyan oo muslimiin ah wakhtiyada kala duwan ee sanadka, taasi oo ka dhigtay caasimadan mida ugu isa-socodka badan dunida. Intaasi waxaa dheer magaalada Makkah looma ogola ineey tagaan ama dhex galaan dad aan muslim ahayn.[11]

Magaalada Makkah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Masjidkul Xaraam

Makkah (Carabi مكة , Makkatul Mukaramah, مكّة المكرمة. Waa magaalada oo ku dhashay Nabi Muxamed S.C.W. waxa ayna ku taalaa wadanka Sacuudi Carabiya. Makkah waa meesha uu Xaramka ku yaalo, waana magaalada muslimiinta ugu Muhiimsan.


Taariikhda[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Taariikhdii Hore[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dhaqanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wakhtigii Nebi Muxamed[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Boqortooyooyinkii Islaamka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Sacuudi Carabiya[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Juquraafiga Makko[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Cimilada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xajka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Maqaalo La Mid ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "ingiriis: Mecca; carabi: ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ; af-Soomaali: Mako"
  2. "Mekka Makkah Makkah al-Mukarama"
  3. "Kacbada ku taalo magaaladan isla markaana ay tahay xaruntii u horeeysay ee diinta Islaamka waxay caasimada Makkah leedahay malaayiin dad"
  4. "magaalo-madaxda Gobolka Makka ee dalka Sacuudi Carabiya"
  5. "Xajka ee ku beegan 12ka Dul-Xijah; iyo wadar isku-geyn oo ka badan 15 milyan oo dad ah sanad kasta"
  6. "Makko waa hooyga uu u dhashay Nebi Muxamed (c.s.w)"
  7. "lagu soo dejiyo waxyiga Qur'aanka kariimka ah"
  8. "xudunta u ah diinta Islaamka, iyo meesha meesha uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Kacbada"
  9. "qaraabada iyo qoyska Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee loo yaqaano "Shariifis"ka"
  10. "Abraj al Beyt oo ah dhismaha 3aad ee ugu dheer dunida iyo kan ugu weyn baaxada fadhi ee dunida"
  11. The Center of Islam, Ahmed Husein, History of Islamic Empire:From the beginning to the present day, Vol. IV, ed. M.A. Al-Bakhit, L. Bazin and A.Husein, (Islamic Study, 2008), 1190.[1]