Portal:Cunto/Maqaallo La Doonayo

Ka Wikipedia
Cunto Soomaali


Cunto Soomaali (Af Ingiriis : Somali cuisine; Af Carabi : ar‎) waa cuntada ay caanka ku yihiin dadka Soomaalida meel kasta ooy aduunka kaga nool yihiin. Cunto Soomaaliga waxaa ka id ah cuntada hido iyo dhaqanka, casuumadaha, cuntada maalin kasta la isticmaalo iyo dhamaan raashinka dadka Soomaalidu isticmaalaan sida hilibka, sukhaarka, bariiska, baastada, garowga, heeda iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxa cunto Soomaaliga ka mid ah habka iyo qaabka dadka Soomaalida u diyaariyaan (kariyaan) cuntada, iyo noocyada u khaaska ah dadka Soomaalida.

Guud ahaan, shacabka caalamka waxaa caado u ah in dhaqanka, luuqada, iyo aqoonta la kala amaahdo. Sidaas darteed waxaa jira waxyaabo badan oo dadka Soomaalida ah ka soo amaahdeen wadanada jaarka ah, noocyo Soomaalidu aliftey, iyo waxyaabo khaas u ah bulshada Soomaalida. Cuntooyinka Soomaalidu ku caanka tahay waxaa ka mid ah canjeerada/laxooxda, sambuus, xalwo, sabaayada, malawaxa, qureebaad, canbuulada iyo sukhaarka.