Tuli Guled

Ka Wikipedia

Tuli guled waa magaalo taariikhi ah, waxay ku taal bariga Ethiopia, waxay u jirtaa magaalada Jigjiga ilaa 30 Km, dhanka galbeedna waxaa ka xiga magaalada Jinacsani, Tuli [1]guuleed waa magaalo beeralay ah waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu wax soo saarka badan Kililka Soomaalida Ethiopia.

waa degmooyinkii ugu horeeyay ee ka horyimid kaligii taliyayaashii Xayla Siilaasiiyo Mengista Xayle Maryam, tuli guleed waxay ka mid tahay meelihii lagu soo dhaweeyay qoraakii taariikhda geeska afrika ee la odhan jiray Richard F. Burton. Tuli guleed waxay ka mid ahayd magaalooyinkii looga qaadi jiray qamadiga iyo hadhuudhka wakhtigii ay abaarihii ba'naa ka dhaceen wadamadii india iyo china. sidoo kale waxaa raashiin looga qaadi jiray abaarihii ka dhacay wadama yurub wakhtiyadii ay socdeen Dagaalkii Labaad ee Aduunka sanadku markuu ahaa 1938-dii.

waxaa kaloo lagu xasuustaa dagaaladii badnaa ee ka dhacay degmada oo uu ugu darnaa dagaalkii Kanooniga ee u dhaxeeyay qabiilka cabdi kuumade iyo boqor Xayla Siilasi.tuli guleed waxaa daga qabiilka cabdi kuumade gar ahaan waleenbo cabdi kuumade ahaan[1]

  1. Tuli Guuleed waa erayga Somaliya waana tuulada Gulled