Xirsi Gaataa

Ka Wikipedia
Xirsi Gaataa

Hirsi Said Farah (Hirsi Gataa)
UdhashaySoomaali
Ku dhsahayBoosaaso
DhashayLuuliyo 1947 ( 76Jir)
Boosaaso Bari Soomaaliya
Dhintay2017(2)12
Hargaysa
U daacadaCiidanka
Ka howl gala/QaybtaCiidanka Xooga Soomaaliya
Sanadaha shaqada1963-2017
DarajedaSareeye Guuto
KatirsanCiidanka Xooga Soomaaliya
Xilli amarkiisa
  • (1998-2002) Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland).
  • (2002-2006) Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland
.
HogaankiiDagaalo tiro badan.
Bilado? Biladda Geesinimada
Guursaday?
XiriirSaraakiil Ruush iyo Talyaani
shaqooyin KaleKa tala Bixiye Arimaha Amaanka Iyo howlaha ciidamada

S/G Xirsi Siciid Gaataa Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Puntland Waxa uu ku Dhashay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari Sanadii 1847. wuxuu ku dhintay Magaalada Hargeysa Sanadii 2017. Wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Soomaaliyeed ee Xiliga dheer soo shaqaysay, kuna caan baxay wadaniyada Iyo Hawlkarnimada.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

S/G Xirsi Gaataa wuxuu ka mid ahaa saraakiisha soomaaliyeed ee Ugu saraysa uguna Go'aanka adag Xilligii xukunkooda, wuxuu caanka ku ahaa u hiilinta saraynta sharciga, dhowrista xaquuqda Iyo karaamada Ciidamada Iyo go'aan adayg. Taariikhdu markay ahayd 1947, Dusgi quraanka iyo Dugsiga Hoose/dhexe Wuxuuu ku qaatay Magaalada Boosaaso. Dugsiga Sare Waxa uu kaga baxay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya Taariikhdu markay ahayd 1968-dii.

Markii uu dugsiga Sare dhamaystay Dawlada Soomaaliya waxay u dirtay Tababar Ciidan oo dalka Ruushka Ah, Iyadoo Sanadii 1969-kii loo qaaday Academiyada Ciidanka Ruushka ee ku taal Magaalada Odesa. Tababar mudo qaatay ka dib Sareeye Guuto Xirsi dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo laga bilaabo 1980-1982 Taliye Urur ka ahaa Gobolada Waqooyi Galbeed ee hada loo yaqaan Somaliland.

Laga Bilaabo 1983-1986-dii Wuxu Taliye Guuto ka ahaa Ciidanka Xooga Soomaaliya ee Fadhigoodu ahaa Magaalada Qardho ee deegaanada Puntland. Laga Bilaabo 1987-1990 Wuxuu ahaa Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya ee Gobolada Bay iyo Bakool. Laga Bilaabo 2000 ilaa 2003 Wuxuu Ahaa Taliyihii Ciidanka Booliiska Puntland. Laga Bilaabo 2005 ilaa 2008 Wuxuu Taliyaha Ciidanka Asluubta puntland.

Laga Bilaabo 08-10-2016 ilaa 12-02-2017 Wuxuu ahaa Duqa Degmada Waaciye. Xirsi wuxuu ahaa Shakhsi hadal cad, Arimaha amaankana mudo badan kasoo Shaqeeyey Sida Taariikhdiisa ku xusan. Wuxuu ahaa shaqsi go'aano adag si fududna u maareeya arimaha loo xilsaaro.