Xudeyfa bin Yamaan

Ka Wikipedia

Xudeyfa bin Yamaan Al-Cabasi wuxuu ahaay saxaabi aad u sareeyay, waxaa loo yaqaanay "Sir haayaha Nabi Muxamad" wuxuu ku dhashay Xudeyfa Makka, Madiina ayuuna ku soo koray, waxa uuna kala qeyb galay Nabiga scw dhamaan duulaamadiisa marka laga reebo Dagaalkii Beder sidoo kale waagii Khulafa Raashidiin wuxuu Xudeyfa qeyb ka noqday furashooyinka Shaam iyo Ciraaq, sandkii 36H ayuuna ku dhintay Madaa'in

Xudeyfa bin Yamaan
حذيفة بن اليمان
Saxaabi
Xog ku saabsan
Aabihiisa: Al-Yamaan xisli bin Jaabir
Hooyadii: Rabaab binti Kacab
Dhashay: Qarnigii lixaad
Ku dhashay: Makka
Diintiisa: Islaam
Walaalihiis Sacad, Leyla, Safwaan
Dhintay: 36H
Ku dhintay: Madaa'in

Taariikh-Nooleydkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xudeyfa aabihiis waxaa la oran jiray Xisli bin jaabir waxaase loo yaqiinay Yamaan, wuxuu ka dhashay reer Banuu Cabsi, sidoo kale wuxuu ahaa reer Makka, hase ahaatee wuxuu galay dhagar oo wuxuu dilay qof, taasoo markii danbe ku qasabtay inuu ka qaxo magaalada Makka, isagoo u qaxay magaalada Madiina, halkaana wuxuu bahwadaag la sameeyay reer Banii Cabdil Al-Ashhal oo uu iyagu la xididay kana guursaday, waxaana u dhashay Xudeyfa iyo ilmo kaleeto. Meeshaana waxaa ka baxday waxyaabihii Yamaan ka hortaagnaa inuu ku soo noqdo magaalada Makka, wuxuuna u dhaxeen jiray labada magaalo, inkastoo uu u badnaa deganaanshaha magaalada Madiina.

Ma reer Ansaar baa mise Mujaajiriin?[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xudeyfa aabihiis iyo reerkiis waxey ka mid ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee reer Madiina oo islaama, Yamaan qaar reer Aws iyo Khazraj waxey ugu tageen Nabiga scw Makka oo beyco kula galeen laakin Xudeyfa lama socon inkastoo muslim ahaay. Markii Nabiga scw uu yimid Madiina Xudeyfa ayaa weydiiyay ma muhaajiriinta baan leygu tirin mise Ansaarta Rasuulkii Alloow?” wuxuuna yiri Nabiga scw: ”Xudefow adiga waxaad ka wada mid tahay muhaajiriinta iyo Ansaarta”.

Ka haridiisa Dagaalkii Beder[wax ka badal | wax ka badal xogta]

intii ay jirtay xiisadii dagaal ee Beder Xudeyfa iyo aabihiisa waxaa qabtay reer Qureesh ayagoo socda magaalada banaankeed, Qureysh ayaa ku tuhuntay inay u socdaan muslimiinta laakin Xudeyfa iyo aabihiisa wey iska inkireen, waxeyna dhaheyn Madiina ayaan rabnaa Muxmad iyo ciidankiisana wax lug ah kuma lihin, markii dambe Qureysh wey iska sii daayeen waxeyse ku shardiyeen ineysan la safan Nabiga scw dagaalka, markii Xudeyfa iyo aabihiisa u yimaadeen Nabiga scw waxey uga warameen waxa dhacay iyo hishiiskii lagu sii daayay, Nabiga scw wuxuu dhahay "Waan u oofineynaa balantood, Allah ayaana u kaalmeysanaynaa"[1] sidaas ayeena uga hareen Xudeyfa iyo aabihiis dagaalka.

Dagaalkii Uxud iyo dilka aabihiis[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Maalinkii Uxud waxey u ahayd Xudeyfa maalin aad ugu xanuun badan, wuxuu indhihiisa ku arkaayay aabihiis oo gacmaha muslimiinta ku dhimanaya aad buu u qeyliyey Xudeyfa "Waa aabeheey, war waa aabeheey" balse qadartii ayaa dhacday oo meeshuu ku dhintay, ciidankii muslimiinta aad ayeena uga xumaadeen qaladkooda, wuxuuse dhahay Xudeyfa "Alle ha idiin dambi dhaafo asigaa naxariis badanee" ka dib wuxuu Xudeyfa sii watay dagaalka ilaa uu ka dhamaaday, Nabiga scw ayaa rabaaday inuu diyo ka siiyo aabihiis laakin Xudeyfa wuxuu ku sadaqeystay muslimiinta, falkiisaan wuxuu sii kordhiyay qiimihiisa Nabiga scw agtiisa.

Dagaalkii Axsaab[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Maalin kale oo taariikhda u gashay Xudeyfa waxey ahayd Duulaankaii Dhufeysyada markii isbshaysiga gaalada ku go'doomiyeen muslimiinta magaalada Madiina, Xudeyfa wuxuu yiri: Nabiga scw ayaa hebeen istaagay oo dhahay "Miyaa la heli karaa qof noo soo ogaado cadawga oo khabar nooga keena? Waxaa u weydiin Alle inuu Jannada ii gula rafiiqo" hase ahaatee dhaxan daran iyo cabsi badan awgood qofna kuma dhiiran inuu istaago, Nabiga (scw) wuxuu soo dhex qaaday asxaabta ilaa uu ka yimid anniga agteyda, wuu ii soo dhowaaday markaasuu igu yiri: “Waa kuma ninkan?”, waxaan ku iri: “Waa Xudeyfa”. Mar kale ayuu yiri: “Ma Xudeyfaa?”, dhulka ayaan isku sii gaabiyay annigoo kahanaya ama dhibsanayo inaan istaago gaajada iyo qaboowga i haya awgeed. Waxaan iri: “Haa waa annigii Rasuulkii Alloow”. Wuxuu Rasuulka (scw) igu yiri: “Waxaad u dustaa ciidanka cadoowga dhexdiisa nooga keenna khabarkooda, hana ku dhex sameynin wax ficil ah jeer aad iiga timaado” wuxuu Nabiga scw ugu duceeyay Xudeyfa inuu qabowga iyo cabsida Alle ka dul qaado, waxaana ka tagay Xudeyfa dhamaan wuxuu dareemayay,

Intaa ka dib waxa uu Xudeyfa dhex galay ciidankii cadawga Wax yar maba uusan sii joogin ilaa uu ciidanka dhexdiisa ka istaagay Abuu Sufyaan oo hogaaminayay ciidanka, wuxuuna bilaabay khudbad isagoo leh: “Qureysheey waxaan doonayaa inaan idin iraahdo hadal, isla markaana waxaan ka cabsanayaa inuu hadalkaasi gaadho Muxammad, ee sidaa darteed ha eego ruux kasta qofka uu la fadhiyo. Xudeyfa wuxuu ku hormaray ninkii ila fadhiyay oo ku yiri: “War adigu kumaad tahay?”, markaasuu dhahay: “waa hebel in hebel” sidiina ayuuna ku badbaaday. Markii nin weliba iska hubsaday ninka kale, ayaa Abuu Sufyaan yiri: “Qureysheey dhageysta, ilaah baan ku dhaartaye ma joogtaan meel la degganaan karo, maxaa yeelay wuu dhammaaday gaadiidkeenii, waxaa ballantii nagaga baxay reer Banuu Qureyda, dhibkii aan kala kulanay dabeyshii xoogga badnaydna waad aragteen ee sidaa darteed hala rarto oo hala guuro, anniguna waan raraniye”

Ka dib wuxuu Abuu Sufyaan u kacay awrtiisii, wuxuuna ka furay dabarkii, dabadeedna wuxuu fuulay ratiga, Xudeyfa wuxuu fadhiyay markaas iyada ah meel aan ka fogeyn wuuna awoodi karay inuu dilo, hase ahaatee wuxuu fulinayay amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa inuusan ficil qaadin.

Markii uu Nabiga scw dib ugusoo noqday wuxuu Rasuulka (scw) qabay go’ maro ah, xaggiisa ayuu u soo dhoweeyay, waxaa uuna uga waramay wixii uu la kulmay, Nebiga scw aad iyo aad ugu farxay, wuxuuna ku mahadiyay Ilaah wuuna ammaanay.

Waagii khulafada Raashidiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sir haayaha Nabiga scw[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markii laga soo noqonaayay Dagaalkii Tabuuk waxey muslimiinta soo maraayeen wado ciriiri ah oo bohol dheer ka hooseeyso, qaar munaafiqiinta ah ayaa Nabiga scw inay ku ciriiriyaan wadada oo ku ridaan bohoshaas, waxey yimaadeen ayagoo fara badan oo afafka duubteen, Nabiga scw ayaa ku amray Xudeyfa inuu wajiyada ka garaaco oo raacdeeyo, Xudeyfana wuu fuliyay wuxuuna ka leexiyay wadadii Nabiga scw.

Dhacdadaas ka dib Nabiga scw wuxuu la wadaagay Xudeyfa magacyada munaafiqiinta ee saxaabada ku jirta, waxaana loo aqoonsaday Xudeyfa "Sir haayaha Nabi Muxamad scw"

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Cumar bin Khadaab wuxuu weydiiyay Xudeyfa in shaqaalihiisa ay ku jiraan qaar ka mid ah munaafiqiinta, wuxuuna Xudeyfa u sheegay inuu jiro hal qof, Cumarna wuxuu ka codsaday inuu u sheego, hase ahaatee Xudeyfa wuu diiday inuu sheego ruuxa uu yahay. Xudeyfa wuxuu yiri, wax yar maba uusan sii joogin Cumar ilaa uu ninkii ka casilay markii danbe, sida in lagu hanuuninayay oo kale.

Sidoo kale Cumar wuxuu ahaa haddii uu doono inuu ku tukado mid ka mid ah muslimiinta wuxuu weydiin jiray inuu Xudeyfa ku tukaday iyo in kale, haddii lagu yiraahdo: haa, oo wuu ku tukaday, isna wuu ku tukan jiray, haddiise lagu yiraahdo, maya, wuu ka shakin jiray inuu qofkaas ka mid yahay munaafiqiinta, oo ma uusan ku tukan jirin.

Dhimashadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xudeyfa markii sakaraadka u yimid aad buu u jareeyay wuuna ooyay wax badan, waxaa lagu dhahay "Maxaad la oonee?" Wuxuu yiri "lama oonayo jaceyl aduunyo oo dhimashada aaba ka jeclahay laakin ma ogi ma raali ahaansho ayaa u gali mise carro" qaar asxaabtiis ayaa u soo galeen wuxuu ku yiri "kafan ma la timaadeen?" Waxey ku dhaheen "Haa" I tusiya ayuu dhahay, wuxuu arkay inay qurux badan tahay, markaasuu dhahay "kuwaan kafan ii noqon maayaan, waxaa igu filan un laba maro oo cad cad oo qamiis la jirin, maxaa yeelay qabriga wax yar un baa leyga ka tagaa ka dib kuwo ka fiican ayaa leygu badali ama kuwo ka xun" ka dib wuxuu ku celceliyay erayadaan "soo dhawaaw moodkiyow, xabiibkii yimid asoo xiise loo qabo, waxaa liibaanin qofkii shaleeyo"

Wuxuu ku dhintay Xudeyfa Madaa'in sandkii 36H Afartan habeen ka dib dilka Cusmaan, waxaana lagu duugay Masjidka Salmaan Faarisi qarbrigiisa ayaa ilaa hada ku yaalo halkaas.

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. أبو نعيم الأصبهاني، معرفة الصحابة، ج 2، ص 27