Doorashooyinka Soomaaliya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Dooroshooyinka Soomaliya)
Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda:
Siyaasadda iyo Xukunka
Soomaaliya

Doorashaddii ugu dambeeysay ee Soomaaliya waxay dhacday Sideetanaadkii Xiligii Dawladdii Kacaanka.

Waxay ahayd in ay dhacdo doorasho guud ee dadku sameeyaan 2012 laakiin ma dhicin, Baarlamaankana waxaa soo xulay Odayaal dhaqameed, Walina ma jiro wax Dastuur ah oo la iskau raacay waloow uu jiro mid kumeel gaar ah kaas oo wali dadku aysan Afti ku ansixin Dastuurka Soomaaliya.

Doorasho loo dhanyahay waxaa ugu dambaysay Somalia in la qabto sanadkii 1980s, xilligi dawaladi hanti-wadaaga. Inkastoo Doorashooyn dadwayne la qorsheeyey in la qabto 2012, laakin ma dhicin. Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaliya wuxu xusayaa habka doorashada axsaabta. waxan ladonya in si casaal ah loo simo dadka somaliyed oo loo firen qabyalka ka soo jaydaan .

Guud mar[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waqtigii maamulkii madaniga ahaa ee jiray, ka hor inta uusan xukunka qabsan Golihii saree e kacaanka (Supreme Revolutionary Council) 1969-kii, waxaa jiray tiro xisbiyo siyaasadeed. Waxaa inta badan laga xasuusan karaa xisbiyadaas hore Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Somali Youth League, ahaana Urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee dalka, lana filayay inuu xukunka qabto. Golihiii sare e kacaanka uuna hogaaminayay Siad Barre, wuxu mamnuucay dhamaan xisbiyadii siyaasadeed, isagoo higsanayay nidaamka hanti-wadaaga cilmiyaysan(scientific socialism) ee ikhtiraaceen Marxism-kii China iyo isutaga Miwadawga Soviet Union.Kadib Dagaalkii sokeeeyey ee 1990s (civil war), dalkana laga saaray siyaad barre, inyar oo ka haray xisbiyadii faraha badnaa, waxay isugu tageen maamul goboleedyadii waqoooyi, inta soo hartayna waxay u kala jajabeen kooxo maleeeshadkii ka samaysmay koonfurta. Kadib dhowr iskudayo aan guulaysan oo dib u heshiiisyo qaran aha, waxa sandii 2004 la asaaasay, dawlad federal kumeel gaar ah(Transitional Federal Government) oo loo idmaday in dalka u samayso dastuuur cusub ahaatana mid loo dhanyahay. .[1]

Kumeel Gaarka kadib[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadkii 2011-kii, waxaa waqti kordhin loo sameeyey Madaxwaynihii xilligaaas, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa ilaa August 2012, Intaa kadibna waxaa la qorsheeyey inay diyaariyaan doorashooyin cusub. [2] Sida uu qorayay “Tub-raac logu dhamaystirayay kumeel-gaarka”, Madaxda Soomalidu waxay ku kulmeen magalada waqooyiga barre ee Garowe bishii Feberaayo 2012, waxaana looga hadlay qorshahi looga bixi lahaa kumeel gaarkanimada. Kulanka waxaa isugu yimi goob-joogayaal calaami ah madaxda Soomalida; Maxawaynihii dawlada ku meel-gaar ahaa Sharif shiikh axmad, Ra-isal waasare Cabdiwali Maxamad Cali, Gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Adan sharif xasan, Madaxwayaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole, Madaxwayanaha Galmadug Maxamad Aadan Caalin iyo Khalif Cabdulkadir oo matalayay Ahlu Sunnah Wal jama’a. Waxa lagu heshiiyay:

a) In la sameeyo xubno baarlamaanka oo ka kooban 2 aqal; Aqalka sare 54, Aqalka hoose 225;
b) 30% waxa loo qoodneeeyo dumarka;
c) In Madaxwayaha lagu doorto doorasho dastuuriya Barlamaanka; iyo
d) Raisalwaarahana waxaa magacaaabaya madaxwayanaha, kadibna wuxu soo dhisayaa golaha dawlada. .[3][4]

Doorashadii madaxwaynaha ee baarlamaaniga ahayd waxaa la qabtay septeembar 2012, taasoo lagu doortay Hassan Sheikh Mohamud madaxwayne. [5]


Tix-Raac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. 14 May 2009. Waxaa laga kaydiyay the original 1 Bisha Todobaad 2016. Soo qaatay 31 May 2009.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  2. Somalia: PM Mohamed Abdullahi Farmajo resigns
  3. Somalia: Garowe conference comes to a close Archived Diseembar 22, 2013 // Wayback Machine
  4. Second Garowe Conference Concludes
  5. "Nuqul Archive". 10 September 2012. Waxaa laga kaydiyay the original 13 Bisha Sagaalaad 2012. Soo qaatay 10 September 2012.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)