Bariire
Maqaal kaan malahan xigasho ama xog xaqiijin ah. |
Bariire waa Magaalo iyo Degmo ku Taala gobolka Shabeelaha Hoose oo Afgooye u jiraa ilaa 30km, Waa degmo Dhul barwaaqo leh. Barire waxaa dagan beel weynta Abaajibil oo ka tirsan awdigil waana dad caan ku ah tacbashada dalaga kala duwan iyo marti soorka wanaagsan Bariire waxey leedahay Buundo asaasi u ah isu gudubka gobolka shabeelada hoose waxaana ku nool dad beeraleey iyo xoolo dhaqato ah dhanka ganacsigana aad u yaqaanaa waxaana laga soo saara dalagyo noociisa kala duwan waxaana hoos yimaaday Awdheegle Sanadihii 1967 dhulalka Awdheegle Bariire waxaa loo aqoonsanaa dhulalka ugu baarwaaqda badnaa guud ahaan dalka soomaaliya faaido badan lagu soo saari jiray wixii laga helo Ilaa hadana ah dhul wali barwaaqaysan oo alle ku maneestay qayraad kala duwan oo lasoo koobi karin degaanka Bariire waxaa lagu yaqaanaa hal qabiil oo cirifyadiisa dhan dagan waana beelweynta Abaajibil kuwaasoo ah dad wanaaga iyo nabad ku noolaanshiyaha wada jacel.Sidoo kale Bariire waxaa dega walaalo kale Soomaaliyeed oo kasoo kale jeeda qabaailo kale, si nabad iyo walaaltinimo ayaana lagu wada degan yahay deegaanka.
Taariiqda Magaalada Bariire
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Bariire wuxuu ku yaalaa deegaanada ugu muhiimsan gobolada dalka Soomaaliya ,wax soo saarkiisana aad utayo sareeyo waxay ku yaalaan Magaalada bariire oo caasimada Gobalka ee Marko u jirta 45km. Bariire ka mid yahay meelaha ugu Barwaaqeysan Gobalka Shabeellaha Hoose.
Dadka dagan waxaa lagu qiyaasaa tiradooda ku dhawaad ilaa 15000 oo ruux ama in ka badan deegaanka bariire waa Dhul aad iyo aad u barwaaqo badan oo uu marro wabiga shabeele waxaana dagan dad beeraleey ah oo xadaara leh nabadana jecel kuna dagaal wax soo saarka beeraha waxayna tacbadaan dalaga noocyadiisa kala duwan sida ,galeyda sisinta masigada yaanyada digirta cambaha liinta muuska baabaayga saytuunka isbaandheeska ayaa ka mid ah dalagyada la baxo deegaan weynaha bariire .
Deegaanka bariire waxaa la dagan yahay mudo qarniyaal ah waxaana dagan oo lagu yaqaanaa beelweynta Abaajabal kana tirsan 7 ilmo awdigil.deegaanku waxaa mara wadada dheer ee isku xariirisa muqdisho Afgooye Awdheegle Mubaarak, Janale ilaa Marko .sidoo kale deegaanku wuxuu leeyahay buundo kala qaybisa magaalada .deegaanka bariire wuxuu ka kooban yahay 6 xaafadood oo waa weyn waxayna kala yihiin .
- Xaafada Horseed
- Xaafada Waaberi
- Xaafada Wadajir
- Xaafada Buulo Muuse
- Xaafada Buulo Raaxoole
- Xaafada Qandhoole
Deegaanku wuxuu sameeyay mudadii uu jiray Hormar kala duwan oo la taaban kara inkastoo ay saamaysay dhibaatadii dalka ka dhacday mudadii buburka Dawladii Dhexe Jaale Maxamed Siyaad Bare .
Taariiqda Beesha degto degaanka Bariire
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Aabtoow Nuur Maxamed Binu Sadiiq
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Reer Abtoow Maxaat (Curudka)
- Reer Aw amad
- Reer Aw Miire
- Reer Aw Cusmaan
- Reer Aw Guudoow
- Reer Aw Cabdi Cusmaan
- Reer Aw Mad Cusmaan
- Reer Aw Maxaad yare.
Cali Maxamed Binu Sadiiq
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Reer abshay.
- Reer gaaboow.
Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose | |
---|---|
Afgooye · Awdheegle · Baraawe · Kurtunwaarey · Marka · Qoriyooley · Sablaale · Wanlaweyn |