Buur-Cukur

Ka Wikipedia

Buur-Cukur(Af Ingiriis:[1] Waa tuulo qadiimi ah oo katirsan Degmada Feer-feer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Waxa ay xuduud la leedahay Degmada Mustaxiil iyo tuulada Abaaley. Waxaa mara Wabiga Shabeelle waana dhul-beer eed qani ah oo ku habboon tabcashada waxaana ku beeran inta badan dalaga iyo miraha ay dadka Soomaaliyeed isticmaalaan.Waxa marta wada Laamiga ah ee uu talyaanigii dhisay oo ku xidha ilaa iyo Beledweyne. Waxa ay qiyaastii 230km ujirtaa Magaalada Godey ee xarunta u ah Gobolka Shabeelle ee DDS.

Buur-Cukur waxa ay leedahay Masjid weyn,Dugsi Hoose/dhexe,Dugsi Sare,Xarun Caafimaad iyo Madaraso Diini ah.Waxaa kale oo ay leedahay adeegyada aas-aasiga ah sida;Isgaadhsiinta,Biya gelinta iyo jid Cadde laami ahaan ah oo uu Talyaanigii sameeyay inkasta oo uu bur-bursan yahay.

Waxa dega Beesha Reer Aw Xassan oo ah dad Culimo ah oo ku caan baxay Barashada iyo Faafinta Diinta Islaamka magac iyo maamuus ballaadhana ku dhex leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba aadna looga haybaysto. Caalimkii weynaa ee Sheekh; Muxumed Haadi iyo Sheekh Cumar Faaruuq ayaana kow ka ah Mashaa’ikhta meesha kasoo jeeda amaba ku abtirsata ee lagu ogyahay.Waxaa sidoo kale kasoo jeeda Siyaasiyiin caan ka ah Geyiga Soomaaliyeed oo qaarkood ayna haatan noolayn kuwaas oo ay kamid yihiin;Genereal;Cabdirixmaan Cabdi Xusseen(Guul-wade),Faarax Sheekh Cabdulqaadir,Fahad Yaasiin,Axmed Cabdi Waayeel(AUN)Iyo qaar kale oo badan.

https://en.m.wikipedia.org/wiki/Buur_Ukur

Buur-Cukur
Tuulo
Muuqaalka Sare ee Buur-Cukur.
Buur-Cukur is located in Earth
Buur-Cukur
Coordinates: 5°04′20″N 44°54′50″E / 5.0723°N 44.9138°E / 5.0723; 44.9138
Dalka Itoobiya
GobolkaDDS
DegmadaDegmada Feer-feer