Faaduma rasuul

Ka Wikipedia

Faaduma bint Muxamed (ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan"Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas deegaanada Carabiya, mar ahaantaana dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) laguna aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabta waa gabadha ugu yar gabdhaha Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[1]

Caruurta Nebi Muxamed

Qaasim bin Muxamed

Cabdulaahi Muxamed

Ibraahim bin Muxamed

Saynab bint Muxamed

Ruqiya bint Muxamed

Umm Kaltuum bint Muxamed

Fatima bint Muxamed

Faaduma Sahra Muxamed waa xaaskii asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cali binu Abi Daalib, hooyada mataanaha Xasan iyo Xuseen iyo qofta shanaad ee Ahlu-Beytka, Sababtoo ah waxay aad ugu dhowayd, daryeeli jirtey isla markaana taageeri jirtey aabaheed Nebi Muxamed, Faadumo Sahra waa mid ka mid ah dumarka loogu qadarinta badan yahay muslimiinta dhexdooda.

Faaduma nebi waxay dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya.

Taariikh nooleedkeeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Faaduma waxaa dhalay Nabiga ilaahay muxamad bin cabdilaah SC, Hooyadeed waa Khaddiija binti khuweylid oo ahayd xaaskii koowaad ee Rasuulka scw, waxey ahayd faaduma ilmaha Rasuulka scw ee Khadiija u dhashay midii ugu yareed, sanadka ay dhalatay khilaaf ayaa ka jira waxey ku tageen culumada Al-sunaha inay dhalatay shan sano ka hor soo saarista Nabiga, Halka shiicada ay qabaan inay dhalatay shan sano ka dib soosaarista Nabiga SC.

Faaduma waxey kusoo kortay makka, yaraanteeda waxey goob joog u ahayd dhibka ay lagu haayay aabaheed iyo inta yar ay raacsaneyd, waxey ahayd inee saacideyso Nabiga scw, mar waxaa dhacday gaalada inay Nabiga scw oo ujuudsan ay dusha ks saareen mandheerta geela, Nabiga scw kama dhaqaaqin sujuudka faaduma ayaa loo sheegay way soo oroday mandheerta ayee ka tuurtay Nabiga scw[2], mudo ka dib waxaa lagu go'doomiyay Nabiga iyo sxaabadiis iyo tolkiisa ree banii haashim shicbi abii daalib, Nolol adag ayee wajaheen, intii xaaladaas adag lagu jiray ayee faaduma waasay Hooyadeed Khadiija. Waxey dareentay murugo iyo xanuun laakin mayna is dhigan waxey ogeed masuuliyada ka saaran aabahey qaasatan markuu waayay xaaskiisa iyo adeerkiis abuu daalib oo hiil u ahaa, dulqaad ayee muujisay waxey si fiican u dar yeeli jirtay aabaheed nabi muxamad heer loogu kunyoodo "umu abiihaa" yacni aabaheed hooyadiis.

Guurkeeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bishii safar sanadkii labaad ee hijiriga Waxaa guursaday Cali bin abii daalib, oo ina adeer la'ahaa nabiga scw, waxa uuna mahar uga dhigay rati uu gaday 480 dirham ka bixiyay[3], Cali ka hor waxaa soo doontay saxaabo badan laakin dhamaan Nabiga scw wuu celiayay, waxa uu dhahay ilaahay baa I faray inaa cali ku daro[4].

Faaduma waxey Cali u dhashay xasan iyo xuseen si xariir ah sanadihii 3aad iyo afaraad ee Hijrada[5], sidoo kale waxee dhashay Zeynaba, umu kaltuum iyo muxusin, midkaan dambe khilaaf ayaa ka jiro inuu jiro.

== Dhimashadeeda = Faaduma nebi waxay dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya.

Abaay abaayda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Soomaalida waxee yaqaanaan wax la dhaho "Abaay abaay"

Fadligeeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa jiro axaadiis badan oo muujineeso fadliga faadumo

  • Iyo

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan"Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida""
  2. https://www.dorar.net/hadith/sharh/11975
  3. المنتظم في التاريخ Archived 2009-01-13 at the Wayback Machine
  4. قالالنبي محمد: «إن الله تعالى أمرني أن أزوج فاطمه من علي» رواه الطبراني ورجاله ثقات.
  5. الكامل في التاريخ- مكتبة نداء الإيمان Archived 2009-01-12 at the Wayback Machine