Gar adag

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Gar Adag)
U bood: gooshitaan, raadi

isu duwe 9.488852,46.866893

Garadag
—  District  —
Garadag is located in Somalia
Garadag
Garadag
Location in Somaliland.
Dhacdaa: 9°29′15″N 46°52′1″E / 9.48750°N 46.86694°E / 9.48750; 46.86694
Country  Somaliland
Region Sanaag
District Garadag
Tirada dadka
 • Guud ahaan 967,836,400
Saacad EAT (UTC+3)
Website www.garadagnews.com

Garadag waa magaalo hoostimaado gobolka Sanaag ee Soomaaliya. oo hada hada hoos tagta maamulka Somaliland Degmadaan waxee u dhowdahay degmada Xudun oo kaga beegan dhanka Woqooyi Galbeed.

Tilmaan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaaladaan waxay hodan ku tahay xolaha nool Somaliland, Magaaladaan waxaa degan dad gaaraaya ilaa 8000 oo qof, nawaaxigeeda neh waxaa degan dad gaadhaya ilaa 36,000-40,000 oo qof.Degmada Garadag waxay ku caantahay xoolaha iyo dhaqashadood, waan dhul baad iyo bilicsan oo ku taala inta u dhaxaysa Dooxada nugaal iyo Gubanka.Waa dhul uu Illaahay ku manaystay xoolo dhaqashada.Reer garadag degmada waxey sanadkii ka dhoofiyaan xoolo lagu qiyaaso ilaa 30,000 oo neef.Sidoo kale maamul ahaan degmada garadag waxay ku caantahay xalinta khilaafaadka iyadoo taariikh facwayn ku leh dhinaca xalinta khilaafyada.Waxaa degmada ka baxo geed caan ka noqday degmada oo la yidhaahdo (Gobka Garadadg), waa geed markii ee dadka coloobaan lagu heshiisiiyo, heshiiska ka dhacaana aan bid laysugu qabsanin.Mararka qaar ayaa degmooyinka yar yar ee degenyihiin dadka xoolo dhaqatada ah ama reer baadiyaha ah waxaa ka dhacdo colaad u dhaxeeso beelo walaalo ah.Degmada garadag waxaa hadda ka hor ka dhacday colaad beeleed, waxaana ka mid ah shirkii lagu heshiisiiyaya, beelaha Dhulbahante, Habarjeclo iyo Habaryoonis waxaa kale oo garadag lagu qabtay Shirkii Habarjeclo.Degmada Garadag waxay caan ku tahay sidoo kale waxbarashad, waxeyna ka midtahay degmooyinka ugu waxbarasho fiican gobolka sanaag.Magalada waxaa ku yaala 3 dugsi hoose iyo 1 dugsi sare.Degmadaan waxee leedahay hoteelal raaxo leh iyo kuwa kaleba sida (Digaale Hotel) oo ku yaala meel aad u haboon. degmada garadag waxay sidoo kale tahay meel aad looga xiiseeyo waxbarashada inkasta oo ay beryahan danbe dib u dhac ku yimi kaalmihii sarsare ee ay degmadu gali jirtay waxaana dugsiyada hoose/dhexe ugu danbaysay waqti ay gobolka sanaag kaalimo mug leh ka soo hooyaan sannadkii 2011/ 2012 markaas oo sida la sheego laba arday oo walaalo ah kala galeen kaalimaha 1koowaad iyo labaad kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray ALI SAEED DUALE oo keenay imtixaankaas 538 iyo ABDIRAHEEM SAEED DUALE oo isna keeny 530.


Magaalooyinka Gobolka Sanaag Calanka Soomaaliya
Badhan · Buraan · Ceelbuh · Ceerigaabo · Ceelafweyn · Damala Xagare · Dhahar · Elaayo · Gar Adag · Hadaaftimo · Laasqoray · Maydh · Mindigale · Xingalool · Yubbe










Magaalooyinka Gobolka Sanaag Calanka Soomaaliya
Badhan · Buraan · Ceelbuh · Ceerigaabo · Ceelafweyn · Damala Xagare · Dhahar · Elaayo · Gar Adag · Hadaaftimo · Laasqoray · Maydh · Mindigale · Xingalool · Yubbe