Kiniin

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Kaniini)
Noocyo kala duwan oo daawada ka mid ah.

Kiniin' ama Kiniini ama Kaniini (Ingiriis: Tablets afcarabi : مضغوط دواء) waa walax kimiko ka samaysan isku dhisyo dhowr nooc ah, taas oo loogu talo galay ineey la dagaalanto xanuun. Dawada kiniinka waxa laga qaataa afka kaas oo caloosha taga ka dib markuu milmo raaca xididada dhiiga.

Samaynta kaniiniga:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxaa lagu sameeya qalab heer sare ah oo loogu talo galay ka samaynta budo daaweedka cabiran ee ay ku jiraan maadoyin cayiman culays iyo cabirba wax sida kaniiniga ah iyadoo loo marayo cadaadin iyo isku dhajin qaab samys leh, sida hadba toornada qalabka loogu farsameeyo.

kaniinigu waa shayga ugu sahlan ee xanuunsanuhu u qaadan karo daawo maadaama afka uun laga cunayo.

Intaas waxaa dheer, daawada waxa laga sameeyaa dhirta, macdanta, xoolaha, kimikooyin la isku darey iyo xataa waxyaabo laga keeno badaha.

faahfaahin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

kaniinka waxaa lagu tiriyaa waxyaabaha ugu badan oo ay gadaan farmashiyeyaasha wadamada caalamka. kaniiniga sida badan afka ayaa laga laqaa, qaar baase u diyaarsan in la calaaliyo ingiriis Chewable Tablets, qaarna waxaa la hoosgaliyaa carabka sublingual tablets, qaar kalana way karaan oo biyo ayaa lagu ridaa si ay ugu milmaan dabadeedna loo cabo biyahaaas, ingiriis effervescent tablets af carabi الفوارة.

socnaanta kaniiniga iyo wax tarkiisa:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • fududaanta in lagu liqo biyo aad u yar.
  • dhib li'ida qaadashadiisa culays la'aan , shirkada oon samyntiisa dhib badan ka maraynin iyo rarida ama safrintiisa oo sahlan
  • waxyaabaha qaabkaas u samaysan oo ka sugnaansho badan markii dareere laga dhigo.
  • waxaa la samayn karaa wax aad u badan hal mar waliba qarash yar markii la barbar dhigo qaababka kale ee daawada loo sameeyo.
  • waxaa fudud in ay qarsato urka iyo dhadhanka daawada ee dhibka ku ah qofka xanuunsan.
  • waxaa lagu dahaari kara xuub ha hor tagaya inuu biyahay ku milmo kaniingu
  • waa la macaanayn karaa hadii daawado qaraar badantahay.
  • sando badan badan baa la kaydin karaa ilaa 2-5 sano.
  • iyo faaiidooyin kaloo badan.