Naafto

Ka Wikipedia
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Shidaalka dabiiciga ah.
Deegaanada ugu badan kheyraadka saliida dabiiciga ah ee dunida.

Naafto (ingiriis: Diesel) waa waa shidaal dareere ah oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah, markey qaydhiintahay leh midab huruud ilaa madoow ah, kana samaysan isku dhisyo haydarokaarboon ah, oo laga helo oogada dhulka hoosteeda.

Naaftadu wuxuu ka mid yahay saliida dabiiciga ee dhulka, waxuuna soo baxa marka la sifeeyo shidaalka.

Naaftada oo ka mid ah Shidaalka ayaa wuxuu ka samaysmay markii tiro badan oo noole dhintay ah - u badan dhir iyo algea - ku aasmeen dhagaxa sedimentary hoostiisa, halkaas oo cadaadis iyo kul badan ku helay malaayiin sano ka hor.

Marka la derso deegaanka iyo qaabdhismeedkiisa jiyooloji, ayaa shidaalka la qodaa, ka dib saliida qaydhiin la warshadeeyaa ayadoo kul badan la isticmaalayo. Waxaana soo baxa shidaalka gasoline (petrol), kerosene, Naafto, Gaaska faysnuska lagu shido, gaamur ilaa laga gaadho asphalt iyo kimikooyink kale oo laga sameeyo bacaha iyo sheyo kale.

Guud ahaan, naaftada waxaa loo isticmaalaa in la quudiyo aaladaha makaaniga ee shidaalka ku shaqeeya, sida warshadaha, gaadiidk, tareenada iwm.


Sifeynta Shidaalka Qaydhiin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Marka la soo saaro saliida shidaalka qaydhiin waxa la geeyaa warshadadaha lagu sifeeyo shidaalka kuwaas oo ku sii daaya kul heerkulkiisu sii kacayo marba marka ka dambeeysa. Nidaamkan oo loo yaqaano Habka Sifeynta Shidaalka (distillation fractions of petroleum) ayaa waxa ku soo baxa noocyo badan oo kala duwan oo shidaal ah. Sida, shidaalka dareere-neefta ah (liquefied petroleum gas) (LPG), Butane, Butane, shidaalka diyaaradah xawaaraha dheer (Jet fuel), Kerosene, saliida shidaalka (fuel oil), iyo Naafto. Intaasi kuma koobna ee waxyaalo kale ayaa ka soo baxa sifaynta shidaalka, sida Gaaska aan faynuuska u isticmaalno, Gaamurka iyo sheeyo kale.


Sifeeynta iyo Jajabinta Shidaalka
Noocyada Soo Baxa Barta Kululeynta oC
Shidaalka Dareere-Neefta (PLG) −40
Butane −12 ilaa −1
Betrool −1 ilaa −110
Shidalka Diyaaradaha 150 ilaa 205
Kerosene 205 ilaa 260
Saliida Shidaalka 205 ilaa 290
Naafto 260 ilaa 315