Qaxooti

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan dadka qaxaya. Maqaalo kale fiiri Muhaajir
Masaakiin reer tuulo ka qaxaya dagaal ka bilaabmey deegaanka ay ku noolaayeen.

Qaxooti (Af Ingiriis : refugee; Af Carabi : ar‎) si ka duwan muhaajirka, waa qof, dad ama in badan oo dad ah (sida qabiil ama beel) kuwaasi oo dagaal, colaad, masiibo iyo dhibaato ka soo saarto wadankooda iyo deegaanada ay u dhasheen. Sida ku xusan heshiiska caalamiga ah ee "Geneva Convention on Refugees", qoxootigu waa qof ama dad lagu khasbay ineey ka cararaan dhulkooda si ay uga badbaadaan dhimasho, ciqaab, jidhdil, kufsi, adoonsi iyo dhamaan noocyada waxyeelada keeni karta ciqaabta iyo cabsida.[1][2]

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee Qaramada Midoobay waxaa qoxooti loo aqoonsan karaa qofka dhibaato la soo gaadhsiinayo naftiisa, caqligiisa, xoriyadiisa, noloshiisa iyo jiritaankiisa sababo la xidhiidha diinta qofkaasi caabudo, qolada uu ka dhashay, wadanka u dhashay, xubinimada koox ama guruub khaas ah, ama fikirka siyaasadeed ee u aaminsan yahay. Sidoo kale waa in qofkaasi aanu heli karin meel uu kaga badbaado dhibaatadaasi, iyo cid difaaci karta hadii la soo weeraro.[3]

Intaasi waxaa dheer qofka qoxooti loo aqoonsanayo waa in aanu jirin wadan kale oo si nabad ah ugu noolaan karo si uu uga badbaado dhibaatada; iyo in uusan wadan kale ka codsan magangelyo.[4]

Dadka qaar ay qabsato mid ka mid ah shanta qodob ee kor ku xusnay kuwaasi oo ka cararaya dhibaato iyo waxyeelo ayaa waxay u hijroodaan wadano kale oo qurbaha ah si ay nabadgelyo iyo amni u helaan. Shakhsiyaadka noocan ah waxay codsan karaan magangelyo, laakiin looma aqoonsanayo qoxooti ilaa looga ogolaado magan gelyada.

Qeexitaan cusub oo Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysa soo saartey dhowaan waxay ku sheegtay in qoxootinimo loo aqoonsado caruurta waalidkood qoxooti ahaayeen goortii ay dhaleen ilmahaasi. Intaas waxaa raacsan in bulshooyinka wadanada qaar sida Falastiin iyo qoxootiga Sahrawi loo aqoonsanaado qoxooti jiilba jiil maadaama wadanadoodu xaalad adag ku jireen kalabadh qarnigii la soo dhaafay. Cid kale oo loo ogolyahay ineey qoxootinimada iska dhaxlaan ma jirto ilaa hada.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2014ka shacabka ka soo qaxay wadanka Suuriya iyo Afgaanistan ayaa ugu badnaa qoxootiga caalamka.[5] Sidoo kale bisha Febraayo 2015 wadanka Turkiga ayaa noqday midka haya qoxootiga ugu badan dhamaan wadanada caalamka, waxaana jooga 1.7 milyan qoxooti Suuriyaan ah, halka wada ka Lubnaan iyo Jordan ay hayaan tiro aad u badan oo ku dhow kan Turkiga.[5][6][7][8]

Sidoo kale, wadanka Bakistaan ayaa noqonaya midka labaad ee haya qoxooti badan kuwaasi oo dhan 1.6 milyan qaxoori reer Afgaanistaan ah.[9]

Sida ay sheegtay hay'ada qoxootiga caalamka ee loo soo gaabiyo magaceeda UNHCR waxaa jira tiro u dhaxaysa 200,000 ilaa 500,000 qoxooti Rohingya ah kuwaasi oo ku nool wadanka Bangladesh, waxaana diiwaan gashay kaliya 32,355 oo ka mid ah dadkaasi.[10]

Xalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Yehowah Illah dadka wuu barwaaqayn doonaa. Uma baahnid inaad noqoto qaxooti dambe.

Qaxootigu uma baahna kaliya caawimo agab ah. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay soo mareen waayo-aragnimo naxdin leh, sidaas darteed waxay u baahan yihiin nasasho iyo rajo. Markhaatiyaasha Yehowah waxay isku dayi doonaan inay daboolaan baahiyahan iyagoo dhegaysanaya qaxootiga oo la wadaagaya fikradaha raaxada leh ee Kitaabka Quduuska ah.

Guryo wanaagsan iyo shaqo lugu farxo: “Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan . . . oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.”


Qeexitaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xeryo qoxooti ee dadka Darfur 2005

Sanadkii 1951 Qaramada Midoobay xeer ay soo saartay ayaa si caalami ah u sharaxay qoxootiga iyo cida noqon karta iyo masuuliyada wadanada magangelyada bixiya. Xeerkaasi sida ku xusan maqaalka 1.A.2 (in Article 1.A.2) wuxuu dhigayaa:

"cid kasta oo soo gudbisa isla markaana xaqiijisa cabsi iyo welwel dhibaato ku saabsan diin, qolo, wadan, xubinimada koox gaar ah iyo fikrada siyaasadeedsiyaasadeed; qofkaasi oon awood u lahayn uu ku ilaaliyo naiftiisa isla markaana muujiya cabsi iyo welwel ah inaanu rabin inuu ku noqdo wadankiisa iyo deegaanka uu ka soo cararay, ama qofka aan lahayn wadan ama banaanka looga saaray deeganka uu u dhashay kaasi oon awoodin inuu ku noqdo ama ku noolaado wadankaas iyo deegaankaasi; qofkaasi ayaa qaxooti ah."

Sharciga Qaramada Midoobay ee qodobad sidan wax u sharaxaya aad ayaa loo dhaliilay, waxaana loo soo jeediyay qodobadan:[11]

  1. "dadka qoxootiga ah waxaa lagu aqoonsan karaa xadka iyo wadanada ay ugu horayn ka soo galaan, wadaniyada qofka iyo barakacu ma ahan kuwo iskuxidha ...";
  2. "sawirka qeexitaanka Maqaalka 1aad ee sharcigan wuxuu u sharaxayaa sidii wax qoxootigu soo gaadheen wadanada reer galbeedka oo kali ah taasi oo xadidaysa fursada qoxootiga ee wadanada kale ...";
  3. "waxaa qodobkan arinta dhan ku soo koobay in sababta baahida dadka ay tahay kaliya mid ku xidhan cabsi. Dagaalka, abaaraha, iyo musiibada dabiiciga ah dhamaan ma ahan wax dadka ku beera cabsi. Sidaas darteed qoxootiga hala siiyo fursada qofku ku sheegan karo dhibaato kale aan ahayn cabsi."

=Noocyada Qoxootiga= Anigu waxan aha qaxooti balse h

Magangelyo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. (PDF), Office of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), Communications and Public Information Service http://www.unhcr.org/protect/PROTECTION/3b66c2aa10.pdf  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. , Refugee Council http://www.refugeecouncil.org.uk/policy_research/the_truth_about_asylum/the_facts_about_asylum, soo qaatay 7 September 2015  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "UNHCR" iyo "RCUK"
  4. Noocyada magan galyada caalamiga, sida ku xusan qodobada "UNHCR"
  5. 5.0 5.1 . United Nations High Commissioner for Refugees. 7 January 2015 http://www.unhcr.org/54aa91d89.html. Soo qaatay 21 March 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. . United Nations High Commissioner for Refugees. 26 February 2015 http://www.unhcr.org/print/54ef66796.html. Soo qaatay 21 March 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. . 27 February 2015 http://www.dailysabah.com/politics/2015/02/27/un-turkey-hosts-the-most-refugees-in-the-world. Soo qaatay 21 March 2015.  Qoraalka "work[Daily Sabah" la iska indho tiray (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. "Nuqul Archive". 13 March 2015. Waxaa laga kaydiyay the original 5 Bisha Saddexaad 2018. Soo qaatay 21 March 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  9. http://www.unhcr.org.uk/about-us/key-facts-and-figures.html, UNHCR, Facts and Figures about Refugees
  10. thedailystar.net http://www.thedailystar.net/bangladeshs-rohingya-camps-promise-or-peril-52913. Soo qaatay 24 July 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  11. James, Paul. Citizenship Studies. 18 (2): 219. doi:10.1080/13621025.2014.886440 http://www.academia.edu/7773440/Faces_of_Globalization_and_the_Borders_of_States_From_Asylum_Seekers_to_Citizens.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: