Xisbiga UDUB

Ka Wikipedia
Ururka Dimuqraadiga Ummadda Bahawday
United Peoples' Democratic Party
FounderMaxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
La sameeyayJuly 2001
Burburey2010-11
Xarunta sareHargeysa
Heerka siyaasadDhexdhexaad iyo Dhexe-bidix
Baarlamaanka Somaliland
33 / 82
Calanka xisbiga

Ururka Dimuqraadiga Ummadda Bahawday (Af Soomaali : United Peoples' Democratic Party, UDUB) wuxuu ahaa xisbi siyaasadeed ka howlgali jirey dalka Somaliland, oo ah dowlad jamhuuriyad aanu weli caalamku aqoonsan isla markaana hoostegta wadanka Soomaaliya.[1] Xisbiga UDUB wuxuu ka mid ahaan xisbiyadii ugu horeeyay ee ka sameysma maamulka Somaliland, waxaana aasaaskiisa lahaa madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sanadkii 2001.[2] Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga UDUB wuxuu burburay dhamaadkii 2010ka wakhtigaasi oo xubnihiisii ku kala biireen xisbiyo kale.

Faallo

UDUB waa xisbi siyaasadeed oo kajira somaliland.

Liiska Xisbiyada Siyaasada

Tan iyo wakhtigii dadka Soomaalidu qaateen xoriyada waxaa jiray xisbiyo siyaasadeed. Sanadkii 1969kii ayaa waxaa talada wadanka la wareegay Golaha Sare Kacaanka (SRC) kuwaasi oo dhowr nooc oo xisbiyo ah soo bandhigay; sida Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wadanka Soomaaliya ugu horeeyay Xisbiga SYL, kuwaasi oo ahaa xisbigii la dagaalamay gumaystihii wadanka.[3]

Markii Jaale Siyaad Barre la wareegay talada wadanka, waxaa meesha ka baxday dhamaan xisbiyadii bulshada ee madaxa banaanaa, wakhtigaasi oo wadanka Soomaaliya iskubedelay nidaamka shuuciyada[4] ee laga keenay wadanka Ruushka iyo Shiinaha. Ka dib, markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee wadanka sanadkii 1991kii ayaa waxaa meesha ka baxday dhamaanba nidaamkii dowladnimo ee wadanka Soomaaliya.[5] Si kastaba ha ahaatee, dadaalo badan oo dawlad dhisid ah ka dib waxaa Soomaaliya dib uga soo noolaaday nidaamka xisbiyada kuwaasi oo ilaa maanta daciif ah.[6]

Sidoo kale eeg

Maqaalo kale

Tixraac

  1. "Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-07-01. Soo qaatay 2014-01-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Renders, Marleen (2012), Consider Somaliland, Leiden: Brill, page 211.
  3. Metz, Helen C. (ed.), "Coup d'Etat", Library of Congress, soo qaatay October 21, 2009  Maqan ama ebar |title= (caawin).
  4. Peter John de la Fosse Wiles, The New Communist Third World: an essay in political economy, (Taylor & Francis: 1982), p. 279 ISBN 0-7099-2709-6.
  5. Central Intelligence Agency. "Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-07-01. Soo qaatay 2011-10-05.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  6. . 21 August 2012 http://allafrica.com/stories/201208220474.html. Soo qaatay 24 August 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)