Gaashaanbuurta NATO

Ka Wikipedia

Coordinates: 50°52′34.16″N 4°25′19.24″E / 50.8761556°N 4.4220111°E / 50.8761556; 4.4220111

Calanka NATO

w:tr:nato


Gaashaanbuurta NATO (Ingiriis North Atlantic Treaty Organisation, Af-Faransiis (Organisation du traité de l'Atlantique nord) waa gaashaanbuur militari oo samaysantay kadib Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Magaca NATO waxa loosoo gaabiyay Ururka Gaashaanbuurta Waqooyiga Atlantikga. Waxaa la aasaasay sanadkii 194, waxaana xarun u ah magaalada Boroksel, caasimada Beljimka. Gaashaanbuurta NATO waxa ay leedahay laba luqadood oo rasmi u ah waxayna kala yihiin Ingiriisiga iyo Faransiiska. Hadafka amaba ujeedada koobaad ee ururkani waxa uu yahay ilaalinta xoriyada dawladaha xubinta ka ah. Waxa uu door ka qaataa meelaha ay kajiraan khilaafaadka amaba dagaaladu. Dhammaan dawladaha kamidka ahi waxa ay ka qaybqaataan keenista agabka dagaal amaba militari iyo sidoo kale keenista ciidamada, taas oo sare u qaada in uu ururkani noqdo mid heersare ah. Waxaa jira dawlado ururka aan kujirin laakiin calaaqaad uu kadhexeeyo waxaana lagumagacaabaa dawladahaas saaxiibada sare ee NATO (Major non-NATO ally).


Dawladaha xubnaha ka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Taariikh Taariikhda uu wadan kastaa kusoo biiray No.
4 Abriil 1949 Flag of Belgium.svg Beljim, Flag of Denmark.svg Denmark ,Flag of France.svg Faransiiska, Flag of Italy.svg Talyaaniga, Flag of Canada.svg Kanada , Flag of Luxembourg.svg Luksemburg, Flag of the Netherlands.svg Holland, Flag of Norway.svg Norway, Flag of Portugal.svg Bortuqaal, Flag of the United Kingdom (3-5).svg Ingiriiska, Flag of the United States.svg Maraykan iyo Flag of Iceland.svg Island 12
18 Febraayo 1952 Flag of Greece.svg Giriig iyo Flag of Turkey.svg Turki 14
6 May 1955 Flag of Germany.svg Jarmala 15
30 May 1982 Flag of Spain.svg Isbania 16
12 Maarso 1999 Flag of Hungary.svg Hungaria, Flag of Poland.svg Boland iyo Flag of the Czech Republic.svg Jamhuuriyadda Tashik 19
29 maarso 2004 Flag of Bulgaria.svg Bulgaria, Flag of Estonia.svg Estoniya, Flag of Latvia.svg Latfiya, Flag of Lithuania.svg Lithuaniya, Flag of Romania.svg Romania, Flag of Slovakia.svg Islofaakiya iyo Flag of Slovenia.svg Isloveeniya 26
1 Abriil 2009 Flag of Albania.svg Albania iyo Flag of Croatia.svg kroatia 28


  •  Ukraine 2023 heshiiska Ukraine si ay u noqdaan xubin macquul ah


Warka[wax ka badal | wax ka badal xogta]









































































Sido Kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Webka Rasmiga ah, ee NATO http://www.nato.int/cps/en/natolive/index.htm