Gaashaanbuurta NATO
Coordinates: 50°52′34.16″N 4°25′19.24″E / 50.8761556°N 4.4220111°E
Gaashaanbuurta NATO (Ingiriis North Atlantic Treaty Organisation, Af-Faransiis Organisation du traité de l'Atlantique nord) Waa gaashaanbuur militari oo samaysantay kadib Dagaalkii Labaad ee Aduunka magaca NATO waxa loosoo gaabiyay, ururka gaashaanbuurta Koonfurta atlantikga. Waxaa la aasaasay sanadkii 1949 xarun waxaa u ah magaalda Boroksel caasimada Beljimka Gaashaanbuurta NATO waxa ay leedahay laba luqadood oo rasmi u ah waxayna kala yihiin Ingiriisiga iyo Faransiiska. Hadafka amaba ujeedada koobaad ee ururkani waxa uu yahay ilaalinta xoriyada dawladaha xubinta ka ah waxa uu dawr ka qaataa meelaha ay kajiraan khilaafaadka amaba dagaaladu. Dhamaan dawladaha kamidka ahi waxa ay ka qaybqaataan keenista agabka dagaal amaba militari iyo sidoo kale keenista ciidamada, taas oo sare u qaada in uu ururkani noqdo mid heersare ah. Waxaa jira dawlado ururka aan kujirin laakiin calaaqaad uu kadhexeeyo waxaana lagumagacaabaa dawladahaas saaxiibada sare ee NATO (Major non-NATO ally)
Dawladaha xubnaha ka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Taariikh | Taariikhda uu wadan kastaa kusoo biiray | No. |
---|---|---|
4 Abriil 1949 | ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
12 |
18 Febraayo 1952 | ![]() ![]() |
14 |
6 May 1955 | ![]() |
15 |
30 May 1982 | ![]() |
16 |
12 Maarso 1999 | ![]() ![]() ![]() |
19 |
29 maarso 2004 | ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
26 |
1 Abriil 2009 | ![]() ![]() |
28 |
Dawladahan ku bahoobay gaashan buurta Nato waxa ay bilaabeen samaynta Gaashaan buurtay kadib markii ay awooda dawladii Midowga Sofiyet oo ku fidaysa Wadamadii Bariga Yurub.Gaashan buurta naato waxa ay ka qaybqaadaty dagaalo badan oo caalmaka ka dhacay intii ay jirtay sida dagaalkii Balkanka iyo dagaalkii dhex maray labada Kuuriya.sidoo kale waxa ay ka qayb qaadatay dagaalkii lagu rida Hogaamiyihii Libiya Muammar Qadaafi
muran* Khatarta Maraykanka ee ah in Nato ay ka baxdo Europe sababo dhaqaale la'aan ah, iyo difaaca lacag la'aanta ah ee ka yimaada macaamiisha. [1]
Webka Rasmiga ah, ee NATO http://www.nato.int/cps/en/natolive/index.htm