Naafo

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan dadka naafada ah.
Boga "curyaan" halkan aya laga soo toosiyay
Astaamaha caalami ee dadka naafada ah

Naafo (Af Ingiriis : disability; Af Carabi : ar‎) waa kala dhinaanta iyo dhaawac wayn ee soo gaadha xubnaha, maskaxda, dareenka, garaadka, horumarka caqliga iyo isku darta dhamaantood. Naafadu kuma koobna muuqaalka jidhka oo kaliya, laakiin dareenka iyo maskaxda ayaa laga naafooba. Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Curyaan, naafadu waa mid dadka qaar ku soo dhashaan kuwo kalena noqdaan wakhtiga ay noolyihiin.

Ururka Caafimaadka Aduunka (loo yaqaano WHO) waxay naafada ku sharaxday:

„Naafadu waa dalad, midaasi oo kulmisa guud ahaan curyaanimada, laxaad la'aanta, dhaqdhaqaaq yarida, iyo awood la'aanta guud. Laxaad la'aantu waa dhibaato ku timaada shaqada jidhka ama muuqaalka iyo xubno ka mid ah, kuwaasi oo joojiya wada shaqeeynta xubnaha kale isla markaana awood u waaya ineey si toos ah u shaqeeyaan. Naafonimadu waa mid waxyeelaysa wada-shaqeeynta iyo habsamida jidhka, taasi oo qofka ku ridaysa awood la'aan iyo taagdari.”[1]

Guud ahaan, naafada waxaa soo hoosgala Itaala'aanta maskaxda, indho la'aanta, dhego la'aanta, lugo la'aanta, gacmo la'aanta, maskax xumida, xusuusla'aanta, faham la'aanta, khalkhalka, awood la'aan joogto ah, otismo iyo kuwo kale oo badan.

Intaas waxaa dheer, waxaa naafo noqonaya qofku haduu wakhtiyo hore curyaan soo ahaan jirey ama astaamo la wadaago koox naafo ah.[2][3]

Intaasi waxaa dheer qofku wuxuu naafo noqon karaa hadii uu beelo xubin ka mid ah laxaadka, tusaale ahaan hadii gacan ama lug qofka ka go'do wuxuu toos ugu biirayaa dadka naafada ah, maadaama jidhkiisii kala dhantaalan yahay.[4][5]

Curyaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ereyga curyaan wax badan kama duwana naafo, wuxuu u taagan yahay qof laxaad la'; laakiin isticmaalka ereyga curyaan micno gaar ah ayuu sameeyaa, gaar ahaan Waqooyiga Soomaaliya. Guud ahaan naafo waxaa loo isticmaala dadka wax ka dhiman yihiin ama si uun u laxaad la' (ha noqoto il la'aan, dhego la'aan iwm); laakiin curyaan waa qof lugo la' ama gacmo la'.

Balanqaadyo diimeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ilaah wuxuu ballanqaaday inuu dhowaan meesha ka saari doono cudur kasta iyo naafonimo kasta oo yar iyo weynba. Dhowaan dunida jannay noqon doontaa: Mar dambe ma jiri doonaan gaboobid, curyaannimo iyo dhimasho: “Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa.” Ilaahay “indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona.”[6]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Linkiyo Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: