Wiyil

Ka Wikipedia


Wiyil
Wiyisha madoow oo ku nool beeraha xayawaanka
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Animalia
Faylam: Chordata
Gacalka: Naasley
Inferagacalka: Eutheria
Dirka: Perissodactyla
Subdirka: Ceratomorpha
Bahka sare: Qoyska wiyisha
Bahka: Rhinocerotidae
John Edward Gray, 1820
Noocyo kale

Ceatotherium
Dicerorhinus
Diceros
Rhinoceros
Noocyo kale oo tafiir go'ay ka fiiri maabka

Rhinoceros range
Wiyil lab ah mideeda madow
meelaha laga helo
geesaha ooga yaala wajiga am a faanta

Wiyil (Af Ingiriis : Rhinoceros; Af Carabi : ar) waxay ka mid tahay duur joogta naasleyda ah ee waaweyn ee ku nool labada qaaradood ee Afrika iyo Aasiya. Wiyishu waa nafley aad u weyn oo labo gees wajiga ku leh, waxaa ku gaashaaman harag aad u qiro weyn una adag.

waana xayawaan halista ugu jira inay Dabar go'aan taasoo ay ugu wacantahay ka ganacsiga faantiisa, waxaa faantiisu inay leedahay waxtar caafimaad, waxaa laga soo saaray sharci adag oo diidaya in la ugaarsado, waxaana loo sameeyay seereyaal lagu ilaaliyo,

wadanka Suudaan ayuu astaan u ahaan jiray inkastoo ay iska daayeen goor dambe.

Tilmaamaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • waa nafley aad u weyn oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee hada ku nool dhulka dushiisa,wuxuu gaaraa joogeedu 1 mitir ilaa garbaha ah dhirika gudban 3ilaa3.65 mitir culeyskeedu waa 455 - 1365 kg tan dhidiga ah ayaa ka yar dhumuc ahaan kan labka ah
  • Wiyisha teeda yar waxay ku dhalataa culeys dhan 38kg kadib 15-16 bilood oo uurka ku sido, waxayna socodka bilawdaa 3 bari kadib dhalashadeeda
  • wiyishu waxay noolaataa 25-40 gu'(sano)
  • ayadoo jirto culeys keeda weyn hadana aad bey u dheeraysaa
  • waxay lee dahay harag qiro weyn taasoo dhacda inay ku noolaadaan cayayaan badan oo shimbiruhu ka cunaan dusheeda

Nolosheeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • waxay ku noolaataa dhulka qabow oo leh biyaha iyo baadkaba leh
  • waxay daaqdaa cowska iyo xaabka


Qeebaheeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Wiyisha cad
  • Wiyisha madow
  • Wiyisha hindiya
  • Wiyisha jafaan
  • Wiyisha suumadra


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]