Xero Dhagaxley

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Xero Dhagaxley waa deegaan ku yaalo Gobolka Mudug.

Magalada Xero dhagxley ee Gobolka Mudug Xeradhagaxley waxay Magaalada Gaalkacyo u jirtaa 200km koofur-galbeed iyo Waqooyi-galbeed ee magaalada dekadda leh ee Hobyo. Dadka magaalada waxaa lagu qiyaasay 75,000 oo qof. Waa magaalada keliya ee ku taal gobalka mudug oo abaar iyo aaran aan biyaheedu yihiin macaan.

Xero-dhagaxley waxay leedahay dhul beereed saldhiga u ah qayb weyn oo ka mid ah bulshada ku dhaqan dhulkas gobalka mudug . waxaa la sheegaa in 85% ciidda Xero-dhagaxley ay tahay mid ku wanaagsan beerashada, in kastoo dadkeedu, aqoon ahaan iyo farsamo ahaan, ay ku jiraan dib u dhac. Waaxaa ku yaalla biyo-mareeno. Wax-soo-saarka Xero (gaar ahaan beeraha) waxaa ku tiirsan ama ka faa’iidaysta ganacsatada degaanka iyo kuwa gobalka.

WAX SOO-SAARKA IYO CIIDDA XERO-DHAGAXLEY Dhulka Xero-dhagaxley wuxuu ku fiican yahay dhaqashada xoola sida geela, ariga, fardaha iyo lo' da. Waxaay leedahay dugsi hoose dhexe iyo sare. Xero-dhagaxley waxay hodon ku tahay xoolaha, beraha iyo ugaarta oo haddii la ilaaliyo soojiidan karta dalxiisayaasha iyo cilmi-baarashaasha. Dadka Xero-dhagaxley waa dad firfircoon oo ku fiican tacabka iyo wax-soo-saarka, waana dad bulsho oo ku fiican soo dhawaynta.

YAA DEGA XERO-DHAGAXLEY? Magaladan waxaa degan ama loo yaqaan in ay degan yihiin Beesha reer Cabdi daa’uud, Sacad, Habar-gidir in kasta oo ay la degaan dad soomaaliyeed oo isku dhafan.

Dalxiiska iyo ugaarta

Xero-Dhagaxley waxay leedahay goobo  qurxoon oo dalxiiska sida howdka Duurgale.  

Magaaladani waxay soo jeeda qaar ka mid ah dadka wax ku oolka ah ee ganacsiga, maamulka iyo hoggaaminta sida Cali-xaashi Cawaale (ganacsade weyn), Said Maxamuud Jumale, oo ah wasiirkii hore ee Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Saciid Cali Cosoble, iyo madaxii Waaxda lacagaha qalaad ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Dr. Yasiin Sh. Ahmed Cosoble iyo qaar kale oo badan.