Jump to content

Afbarwaaqo

Ka Wikipedia
Afbarwaaqo
Magaalo
Script error: The function "Somaliland" does not exist.
WadankaWanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

GobolkaMudug
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Afbarwaaqo waa degmo ka tirsan degmooyinka gobolka mudug waxaana kataliya dadka deegaanka waxaa daga beesha shiikhaal reer samatar caagane iyo beesha reer nimcaali sacad dadka degaanka waa dad aad u jecel horumarka iyo nabada waxay hada ledahay magaaladu Isbitaal iyo Dugsi hoose dhaxe sare iyo adeegyada guud waayo magalaada waa magaalo xadaarad fog leh inkastoo dagaaladii sokeye uu burbuur baaxad weyn iyo sabacad iyo iidaan iyo afweyn iyo tuulooyin badan waxana ka arimiya maamulka galmudug.Degmada Af_barwaaqowaa degmo ka tirsan Degmooyinga gobolka Mudug.[1]

Hordhac

Magaalada Afarwaaqo waxay hada ledahay isbitaal iyo Dugsi hoose dhaxe  iyo adeegyada guud waayo magalaada waa magaalo xadaarad fog leh inkastoo Dagaaladii sokeye uu burbur baaxad leh sogaaray magaalada. Sidoo kale degmadu waa magaalo facweyn oo ku caan ah barashada diinta islaamka sidoo kale waa magaalo ganacsi af barwaaqo waa degmo caan ku ah biyaha iyo daaqa. (GREEN ZONE) sidoo kale waa Degmo caan ku ah wax soo saaraka dalaga beeraha iyo dhaqashada xoolaha sida geela ariga iyo Lo’da. Xoolaha degmadaan waxaa loo iib geeyaa dhamaan gobolada kale ee dalka iyo waliba dalka Saudi Arabia. Waxaa xiriir ganacsi oo aad u facweyn la leh degmadaan shirkada dhoofinta xoolaha ee indho deero oo ah shirkada kaliya ee heysata ogolaanshaha dhoofinta xoolaha ee deegaanka. Dadkeedana waxaa lagu qiyaasaa 190000 ilaa 210000 ruux, boqol & sagaashan kun ilaa laba boqol iyo toban kun.waxayna Ku Dhacdaa Goboladda Dhexe .

Taariikh

Magalladu waa magaalo qaarami ah oo ku xasusinaysa waqtiyo hore sida dawladi dhaxe ee  siyad barre waxana ku yaalla schooladi iyo xabsiyadi waaga ay dhistay dawladi dhaxe ee Soomaaliya. Degmada Af-barwaaqo waa Degmo aad u qurux badan xiliga barwaaqada waxayna leedahay dhir fara badan oo inta badan abaar & aaranba cagaaran. Ugu Danbeyntii Degmada Af-Barwaaqo waxaa Ka socda Horumar badanOoy iska kaashanayaan Dadweynaha Degmada af-barwaaqo iyo qurba joogta ka soo jeeda Degmada Af -barwaaqo.

Sidoo kale fiiri

Tixraac