Af-Maay

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Af-Maay ama Af Maay Maay Waa lahjo ka mid ah luqada Afka soomaaliga.lahjadaan wee ku adagtahay dad badan oo soomaali ah.Waxaa jirto lahjad ka mid ah af maay oo la fahmi karo markii aad si fiican u dhageesatid, waa af soomaaligii oo la qaloociyay. xarfaha af maay maay waxaa ka mid ah:

  • (Af maay) Boggung wikipedia weyba gaar ing eya dhigmiyaalk liki dhiki alif Soomaali, weybuwa meel lang welbow abtugaal iyo dhigmsuubis ka kordhiye koro.
  • (lahjad af maay) Baalakan wikipediyade waxe qaas an ey dhamaan walii af Soomaali ka dhikanyee. Qof kaste aqristee karee wane wal ka bedelee karee dhamaan maqaalyaalke baalakan ka dhikanyee
  • (Af maxaa tiri) Boggani wikipedia waxa uu gaar u yahay maqaalada ama qoraalada ku qoran afka soomaaliga. Qof walba wuxuu awoodaa inuu ku qoro uuna aqriyo ama uu dib u habeeyo qoraalada ku qoran boggan.Sida aad ogsoontahay soomaalida waxee u kala qeebsamaan:
  • Sab
  • Samaale

Soomaalida (sabta) ah waxee ku hadlaan (Af maay), Soomaalida (Samaale) ah neh waxee ku hadlaan (Af-Maxaa tiri. Af maay waxee ka midtahay labada lahjo oo ugu waaweyn afka soomaaliga, waxaana looga hadlaa gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo, waxee sii leedahay lahjado fara badan oo looga hadlo gobolada , Shabeellaha Hoose, Bakool, Gedo,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose,Banaadir iyo meelo ka mid ah deegaanada ismaamulka soomaali galbeed ee itoobiya iyo waqooyi bari ee dalka kenya.


Marka laga hadlaayo afka soomaaliga waa af aad hodan u ah lehna lahjado kala duwan oo qowmiyado gaar u ah sida hadii aan soo qaato af ka {maay maay} oo aan doonayo inaan ka hadlo. marka taariikhaha ay soomaalidu leedahay laga hadlayo ee si aan hagar la aan ah loo macneeyo waxaan garan karnaa wax walba oo soo jiray qof walba hortii. laakiin waxaa nasiib daro ah qof walba oo soomaali ah ee qalin qaado ama tacliin heer uu wax qoro ama alifo uu gaaro waxuu ku caan baxaaa hagar,been abuur,maladiisa uu cilmi ka dhigo, xaqiraad, iyo waliba is difaac ayuu ku caan baxaa shaqsigaas aan kor ku soo xusay ee ay bulshada soomaaliyeed ay u taqaano aqoon yahan. hadaba marka laga hadlayo afka maay maay ga waa af hodan ah dhan walba oo laga eego iyadoo ay sidaa jirto hadana ereyo shisheeyana kuma kiraan oo waa af soomaali keliya sida aanu la socono east africaanka oo idil luqado hooda waa ururis laga kala helay luqado kala duwan marka laga reebo luqada soomaaliga gaar ahaan afka maay maay ga ah dhanka kale markaad ka eegto waayadii aanu Dawladda lahay marka ay timaado marxaladaha aduunka ay kaga hadlaan luqadohooda oo uu yimaado tartan luqadeed. soomaaliyadii hore waxa ay ku tartami jireen amaba ay isticmaali jireen af maay maay ga hadaba hadii aan u soo noqdo dhab ahaan waxa uu dhaxal u leeyay waaa . dhaqanka soomaaliyeed waxaana looga hadli jiray soomaliya badankeed halka hada loogu hadlo bay iyo bakool iyo carada dhoobeery waxaan rajeeynayaa in hadeer la joogo xiligii kala guurka