Jowhar

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Jowhar
جوهر
Giohar
—  Magaalo waxey caan ku tahay nabada iyo is jeclaanta dadka dagan  —
Jowhar is located in Somalia
Jowhar
Waxay Soomaaliga kaga taalaa ama
Dhacdaa: 2°47′N, 45°30′E
Dalka  Soomaaliya
Gobolka Shabeellaha Dhexe
Degmada Jowhar
Joogga 300 ft (100 m)
Tirada dadka (2010)
 • Guud ahaan 62,000
Saacad Saacadda Afrikada Bari (UTC+3)

Jowhar (Af-Ingiriis: Jowhar, Af-Carabi: جوهر, Af-Taliyaani: Giohar, waxaa loo aqoon jiray Villaggio Duca degli Abruzzi) waa xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ee Gobolada Soomaaliya . Waxa daga gaaljecel iyo jareer weyne Waa magaalo ay gacano badan iskaga dambeeyeen burburkii kadib hadda waxaa gacanta ku haya maamulka Dawladda federaalka Soomaaliya, taasoo kala wareegtay Al-Shabaab.

Waxay 90 km (50 mi) magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxay leedahay garoon diyaaradeed woqooyiga magaalada.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Jowhar waxaa aas aasay beeraaleey ka socotay boqortooyadii Saafooy, beeraaleeydaas waxaa ugu caansanaa Luigi Amedeo, Duke of the Abruzzi, kaasoo yimid Soomaaliya 1873 wuuna ka helay deegaan ahaan. Duke wuxuu guda galay dhismaha, jidad, iyo dhabba tariin, iskoollo, isbitaallo, iyo dhismo masaajid ay dadka deegaanka ka codsadeen. Wuxuuna guursaday haweeneey soomaaliyeed kadibna halkaas ayuu ku geeriyooday.

1920kii Villaggio Duca degli Abruzzi u aheed deegaan dhul beereed ah, 1926dii waxa ay magaalada ahayd 16 xaafadood oo ay daganyihiin 3000 Soomaali 200 talyaani. waxaa bartamaha magaalada jowhar mara webiga shabelle oo kala qeybiya 4afarta xaafadood ee jowhar uu ka kooban yahay kuwaasi oo kala ah horseed iyo buulasheikh oo dhanka bari ee magaalada jowhar xiga iyo kulmis iyo hantiwadaag oo iyana ah xaafadaha galbeed uga beegan magaalada jowha. dadka asaliga ah ama sida saxda ah loogu yaqaan jowhar waa qabaailaadka kala ah waaqbiyo iyo walamooy oo ka wada tirsan beelaha shiidlo ee dega deegaanada gobolka shabellaha dhexe gaar ahaan hareeraha webiga shabelle ee gobolka shabellaha dhexe.

Magaalada waxay soo noqatay xaruta Dawladda kumeelgaarka ah ee soomaaliya xiligii xukuumadii cali maxamed geedi iyo madaxweynihii cabdullaahi yuusuf, waxaana ka talinayay xiligaa hogaamiyihii koofurta maxamed dheere oo kusoo dhaweeyay dowladii habawga aheed ee kiinya lagusoo dhisay. waxaana magaalada ka qabsaday midoowgi Midowga Maxkamadaha Islaamiga 2006dii bishii diseember.Magaalada Jowhar waxay u jirtaa caasimada muqdisho 90KM. waxaana magaalada dhex mara wadada weyn ee kasoo baxda magaala muqdisho ee isku xitra gobolada dhexe ee wadanka.Waxaa ay leedahay garoon diyaaradeed oo caalami ah, waxaana markeeda hore isticmaali jiray dowladihii dhexe ee siyaad bare, waxey garoonkaas ku taalaa woqooyiga magaalada jowhar.Waxaa kale oo magaalada ku taalo warshaddii weyneed oo soo saari jirtay sonkorta iyo warshaddii barafuunka iyo warshaddii suufka sameynjirtay.Jowhar waxee ku taalaa dhul beereed aad u baaxad weyn.Magaalada waxay caan ku tahay beeraha iyo xoolaha.

Xaafadaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  • Benderka
  • Buray & buulo makiino
  • Jowhar eeylo
  • Buulo Aplico

Warshadaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Nuuca ay samayn jirtay' oo ah nuuca Cad

Warshada Sonkorta ee Jowhar waa warshad oo soo saarto sonkor waxeena ku taalaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Warshadaan waxaa la sameeyay 1926kii. Waxa ay ahayd warshadda ugu wayn bariga afrika, awood waxay ulahayd inay sameeyso 3,000 Kiintaal oo qasabka sokorta laga sameeyo, waxa kaloo ay samayn jirtay sifaynta sokorta, waxay lahayd Rug shaybaar Kiimikada ah oo lagu baari jiray qasabka inta ay hawsha waddo, waxa ayna ku shaqayn jirtay Gaas-Dabiici oo laga soo saari jiray haraaga walxaha qasabka iyo miraha.

Beero 60-80 Hegtar ah ayaa qasabka lagu beeri jiray waxaana lagu soo rari jiray qasbka Tariin oo Talyaaniga lahaa oo Muqdisha ka soo bixi jiray jowharna alaab ka qaadi jiray waxaana maamuli jiray tariinka ninka lagu magacaabo Duca degli Abruzzi.

Isgaarsiinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaalada waaxaa ka howlgala shirkado isgaarsiin oo ah shirkadaha ka howlgala dhamaan Soomaaliya sida Hormuud, Nationalink, Orbit, Somafone, iyo telecom somalia.

'Internetka ama shabakadaha midoobay'


Magalada Jowhar waxey leedahay website ugu caansan Soomaaliya lana yiraahdo www.jowhar.com. Dhinacyada is gaarsiinta waa arin ku soo korodhay sanadkii 2002-05 20 xilli ay reer jowhar badan dibadaha qabteen loona bahdaay barkulaan.

waxaana website ka Jowhar.com asasaay wiil reer jowhar ah laguna magacaabo Saalax yuusuf Macalin kuna dhashay magaalda jowhar kuna soo barbaraay kuna noola ilaa sanadkii 1986.

Balse nasiibdarada jirta ayaa ah in qabaailka abgaal oo dega deegaanada deexda bari ee gobolka shabellaha dhexe uu sanadadii danbe ay bilaaben ceybta caadada u aheyd oo ah dagaal qabiiled ay la galeen beelaha lexda shiidlo ee leh milkiyada deegaanada jiinka webiga sheblle iyagoo doonaya in deexda ay isaga soo huleelan misane waxaa ka dhashay dagaal dad badan ay ku dhinteen mana calfan in ay helaan hanqal taagoodii qaldanaa beesha abgaal.

Tareen[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Meelaha uu mari jiray tareenka
BSicon exKBHFa.svg 0 Muqdisho 0 m s.l.m.
BSicon exWBRÜCKE.svg Wabiga Wabiga Shabeelle
BSicon exBHF.svg 30 Afgooye 84 m s.l.m.
BSicon exBHF.svg 48 Busleey
BSicon exBHF.svg 66 Adaleey
BSicon exBHF.svg 92 Garsaale
BSicon exWBRÜCKE.svg Wabiga Wabiga Shabeelle
BSicon exKBHFe.svg 113 jowhar 108 m s.l.m.

Tareenkii isku xiri jiray Muqdisho iyo Jowhar (Villaggio Duca Degli Abruzzi)

Birta tareenka Muqdisho-Villabruzzi (Jowhar) (1914-1941)


sidoo kale fiiri[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]



Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe Calanka Soomaaliya
Aadan Yabaal · Balcad · Cadale · Jowhar · Mahadaay Weyn · Qalimow · Raagge Ceele · Ruun Nirgood · Warshiikh · Ceel-Fooldheere · Qurac-Madoobe · Dharkeelay · Ceel-Baraf · Biya-Cade · Miir-Taqwo · Caadleey · Gumaroow