Shingaani

Ka Wikipedia
Shangaani

shengani
شنغاني
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
DalkaSoomaaliya
GobolBanaadir (BN)
DegmoShangaani (Muqdisho)
WaaxyahaJabooti
  • Midnimo
  • Mooyaalle
  • Howd

Sidoo kale waxaa ku yaalla degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho dhismooyin muhiim ah oo dowliidii ku shaqayn jirtay sida:

  • Wakaaladii muuska
  • Howlaha guud iyo guriyeynta
  • Bankigii dhexe iyo waliba
  • Bankigii silsilad weyne (Ganacsiga)
  • Madbacadii qaranka
  • Ceymiska qaranka
  • gaadiidka cirka iyo dhulka
  • bankiga doolarka
  • Howlaha guud iyo guriyeynta

Bankigii dhexe iyo waliba Bankigii silsilad weyne (Ganacsiga) Madbacadii qaranka Ceymiska qaranka gaadiidka cirka iyo dhulka

bankiga doolarka
Dowlada
 • DuqaCismaan Maxamed Cadaawe (Gudoomiyeha Degmada Yaaqshiid)
Joogga
5 m (16 ft)
Magac kaleRee Shangaani
Aag saacadeedUTC+3 (UTC)
 • Xagaa (DST)UTC+3 (UTC)
Thiinada TelHertel 064, Telecom 021 Nationlink 043
CiidahaCiid weyn iyo ciid yar
Maalinta Ciidda10ka Carafo iyo 1da soon fur
WebsiteMareegta internetka
agagaarka bankiga silsilaweyne

Shangaani waa xaafad qadiimi ah oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir Xaafadaan waxaa ku yaallo iskuulal badan iyo hoteello sida Hotel Jubba, waxay daris la latahay degmada Shibis iyo Cabdicasiis iyo Boondheere.

Horudhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmada Shingaani waxaa ay ka mid tahay Xafadaha ugu qadimsan caasimada kuwaas oo kala ah (Shingaani, Xamar Weyne iyo Boondheere) oo dhamaan ku yaal magalada Muqdisho waxayna dhisantahay in ka badan 10 qarni.

Shingaani waana mid ka mid ah degmoyinki ugu horeeyay Magalada Muqdisho.

Ereyga Shingaani macnahiisa waa Showgaani ama meesha la jecelyahay ee aan laga maarminamaoo aan la iloobeynin sasuusteda.

Bartilmaameedka Degmada Shingaani[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xaafada ama Degmada Shingaani waxay ay ledahay 14 Masjid ka oo ah meel Cibaado iyo Cilmi lo soo doonto oo kala ah:

  • Masjidka Faqrudiin
  • Sheekh Axmed
  • Jamaacada Shingaani
  • Masjidka Cabdi samad
  • Masjidka AAmuqfi
  • Masjidka Sheekh Sacid
  • Masjidaka Barsanji
  • Masjidaka Sharif cumar Abow
  • Masjidka Qaburaha Sharif Calawi
  • Masjidka Mataanaha 2 masjid ku yaala Laanta Mooyaale,
  • Masjidaka Abakarow
  • Masjidka Baartaani
  • Masjidka aakambaayo
  • Masjidka aawmoojiyow

Qaybaha Degmada Shangaani[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa loo qeybi 3 waxood marki ay jirtaay Dowlaadi Kacaanka ta oo lagu xusi jiraay 3da gobol Soomaaliya ka maqaan oo aan la madowin oo kala ah:

1. Laanta Jabuti oo xigta dhank badda iyo

2. Laanta hawad Galbedka Degmada shingaani iyo

3. Mooyaale oo Xigta Koonfuurta Degmada Shingaani.

Magaalada Muqdisho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Asalka ereyga sida kalmada Muqdisho oo ay culumada ku macneyaan (maqcada al Shahi) meeshi shahiga loo fadhisan jiray waxaana ay ledahay Magacyo kala duwaan sida Banadir (Banadar) oo ah luqaada Farisiga ama Xamar ama muqdisho.

Waxaa ku yaalo qaar ka mid ah dhismooyinka Xamar ugu qadiimsaan dhanka masjida iyo guryo waxaana soo maraay Xadaarad iyo Horumar kala duwaan waxaana soo maray dhulmareen badaha ahaadan Cajaam iyo Carab (Carab iyo Iraani Hindi iyo Yurubiyaan).

Muqdisho waxaa ka jiray nidaam iyo is maamul kala dambeyn waxaa ay lahaayen Odayaal dhaqamed iyo nidaam islaami ah oo aad u dhowra xaquuqda Bini Aadamka. Waayihii dambe iskuula caan ah iyo machahdyo oo ka mid yihiin dugsigii sare (Bartamaha) iyo machadkii Sidam oo heer tacliin sare ahaa).

Xarumaha Dowlada Soomaaliya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmada Shingaani waa dagmo tariiqi ah waxayna ka koobantahay 4 waxyood oo waa weyn oo kale ah:

* Jabooti

* Midnimo

* Mooyaalle

* Howd

Sidoo kale waxaa ku yaalla degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho dhismooyin muhiim ah oo dowliidii ku shaqayn jirtay sida:

* Wakaaladii muuska

* Howlaha guud iyo guriyeynta

* Bankigii dhexe iyo waliba

* Bankigii silsilad weyne (Ganacsiga)

* Madbacadii qaranka

* Ceymiska qaranka

* gaadiidka cirka iyo dhulka

* bankiga doolarka

Sidoo kale daartii howlaha maraakiibta, saldhiga bari ee ciidanka booliska, Madbacadii Qaranka Soomaliya iyo xarumo danjirayaal iyo safaarado sida safaaradii Ruushka, Itoobiyaaha,safaarada shiinaha, safaarada indiya,safaarada faransiska.

Xarumaha Ganacsiga Waaweyn Degmada Shanaani[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shangaani waxaa ku yaalay hoteelka caanka ahaa ee Hotel Jubba, Hotel Curuba, garoonka kubada cagta ee (Abatiyow) ee dagmada,garoonka dheer ee teeniska Dhanka bari ee Degmada Shangaani waxaa ku yaal Badda Dekedii Hore ee Muqdisho bulshaduna waa kaluumaysato inta badan wax soosaar sare leh.

Degmooyinka la deriska ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]