User:Ducoqabe12/Bacaadka
Ceerigaabo Erigavo عيرجابو | |||||
---|---|---|---|---|---|
Coordinates: 10°37′05″N 047°22′12″E / 10.61806°N 47.37000°ECoordinates: 10°37′05″N 047°22′12″E / 10.61806°N 47.37000°E | |||||
Wadanka | File:Flag of somalia.svg Somaliland | ||||
Gobolka | Sanaag | ||||
District | Erigavo | ||||
Tirada dadka | |||||
• Dhammaan | 114,846 | ||||
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Boggani waxa uu ka hadlaya Magaalo ku taala Qaarada Afrika
Hordhac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ceerigaabo waa magaalo ku taala dalka Somaliland oo ilaa hada dunida iyo Qaramada Midoobay u aqoonsantahay qayb ka mid ah Dawladda federaalka Soomaaliya. Ceerigaabo waa magaala madaxda gobolka Sanaag. Magaaladu waxa ay caan ku tahay Buurta Daalo oo ka mid ah buuraha uqu quruxda badan Soomaaliya. Si aad u daawato sawiro qurux badan oo ka turjumaya quruxda Magaalada Ceerigaabo iyo dhamaan gobolka Sanaag. Fadlan raac linkigan. [1], Sidoo kale si aad u dheehato sawirada quruxda badan ee Buurta Daalo, fadlan raac linkigan. [2]
Cilmi dhul
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaalada Ceerigaabo waxay ku taala wadanka Soomaaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag. Fiiri sawirkan si aad u aragto meesha Magaalada Ceerigaabo ay kaga taalo.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaalada Ceerigaabo waxa la sheega in ay jirto qiyaastii ilaa 300 sano. Dadka ku noolana waxa ay ahaayen dad Soomali ah ilaa wakhtigaa. Waayadii hore waxa xukumi jiray Suldaanka Boqortoyadii Warsengali, oo ahaa Suldaanka Beesha Warsengali. Isaga ayaana wakhti dheer xukumayey ilaa iyo wakhtigii Gumaysigii Dawladii Ingiriiska.
Xogta Dadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tirada guud ee dadweynaha magaalada Ceerigaabo waa 220,546. Magaalada waxaa ugu horreyn deggan dad ka soo jeeda qowmiyadda Soomaaliyeed. Jufada Habar Yoonis ee Garxajis iyo Muuse Abokor oo ka tirsan Habar Jeclo, Beesha Isaaq waxay degtaa waqooyiga iyo galbeedka magaalada, Dhulbahante iyo Warsangali oo ka tirsan Harti, Beesha Daarood, iyana waxay dagaan koonfur bari ee magaalada Ceerigaabo.
Xog ku saabsan dadka ku nool magaalada Ceerigaabo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xog | Xadi/Celcelis |
---|---|
Celceliska dadka ku nool magaalada | 220,546 |
Celceliska Dadka Haysta Diinta Islaamka | 100% |
Celceliska Dadka Dhalinyarada ah | 60% |
Celceliska Dumarka | 55% |
Celceliska Ragga | 45% |
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ BBC SOMALI
- ↑ Xog ururin ay samaysay Hayada UNDP