Ismaaciil (carabi: اسماعيل) (dhashay Maayo 18, 1985) waa nin dhalinyaro ka mid ah Soomaalida ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan wadanka Maraykanka. Waxaan ku dhashay magaalada Borama, Awdal, waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland.
Waxaan ahay mid ka mid ah dhalinta ku barbaartey wadankan ee wax ku baratey isla markaana ku nool maanta. Waxaan aad u jecelahay "Horumarka iyo Nabada Wadanka Soomaaliya", sidoo kale taageeraa Midowga Shanta Soomaaliyeed.
Guud ahaan, waxaan xiiseeyaa akhriska iyo qoritaanka, taasi oo ii suurtogelisay inaan maqaalo badan ku qoro halka tan Soomaali Wikipedia. Sidoo kale, waxaan xiiseeyaa isticmaalka aalada internetka.
Marka aad fiiriso horumarka maanta caalamku gaadhay, waxaa aad loo horumariyey luuqadaha bulshooyinka aduunka, marka laga reebo Luuqada Soomaaliga oo aan haad heysan. Inkastoo aan kali ahay, hadana mar walba waxaan jecelahay oon niyada ku hayaa inaan ka qeybqaato sidii loo kobcin lahaa luuqadeena hooyo oo looga dhigi lahaa mid horumarsan oo la jaanqaadi karta luuqadaha caalamka.
Taasi darteed, waxaan go'aansadey inaan wakhti siiyo horumarinta luuqada hooyo. Mashruucii ugu horeeyay een ka qeyb qaato wuxuu ahaa Google community Somali translation (mashruuc lacag la'aan ku turjumo luuqada Soomaaliga).
Dabcan Somali Wikipedia waa meel maanta liidata marka la barbar dhigo kuwa kale, laakiin waxaan aaminsanahay in "Guurguurasho lagu guryo gaadho".
Anigu shakhsi ahaanteey ayaan xiiseeyaa wax qoritaanka iyo akhriska. Waxaan wax qoraayay ilaa 16 sano, kaba badan kala badh nolosheyda. Sidaas ay tahay wali khabiir ma ahi, mana isku heeysto inaan dadka ka xariifsanahay. Marka aan anigu wax qorayo waxaan jecelahay inaan xaqiiqada ku saleeyo. Sidaasi darteed inta ugu badan waxaan si macquul ah u soo turjumaa bog horay u diyaariyeen dad aqoon u leh.
Wax qorkeygu mararka qaar wuxuu noqon karaa mid aad fahmi weydo, sababta waxaa laga yaaba ineey lahjada tahay, inaan il-duufo amaba aan wax si khaldan u fahmo ama u qoro. Waan soo dhawaynayaa hadii aad i sixi karto ama fikrad iyo talo iga siin karto wax qorkeyga.
Si kastaha ha ahaatee, ciwaanada iyo qoraalada aan ugu xiisaha badanahay waxaa ka mid ah taariikhda, juquraafiga, sayniska, teknoolojiyada, gaadiidka iyo noolaha.
Bogaga aan qoray 90% waa taariikh, juquraafi iyo saynis; waxaanan aaminsahay ineey yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ka biloowno qoritaanka wikipediahan.
Guud ahaan ujeedadu waa in la horumariyo Somali Wikipedia, marka aynu ka wada qeeyb-qaadano isla markaana isa saxno.
Bogaga aan anigu bilaabo inta ugu badan waxaan gaadhsiiyaa heer-sare, dhexdhexaad, cadaymo, sawiraan iyo maab leh. Sidaas ay tahay waxuun baa ka dhiman, hadii aad buuxin karto waa mid fiican.
Sida aad ka dheregsan tahay, Soomaali Wikipedia waxaa ka socdo howlo badan oo iskugu jira wax qoris, qoraal habayn iyo hagaajin, ilaalada bogaga muhiimka ah, hagaajinta khaladka iyo kobcinta bulshada Soomaali Wikipedia. Sanadihii ugu horeeysay waxaan ku qaatey samaynta bogag cusub, balaadhinta bogaga gumudka ah iyo hagaajinta maqaalada. Si kastaba ha ahaatee, horaantii 2015 ayaan codsadey maamulenimo ku meel gaadh ah si aan u difaaco bogag badan oon qoray iyo kuwo kale oo dayacnaa. Badhtamihii 2016ka waxaan noqdey maamuleha kaliya ee Soomaali ah ee ka howlgala Wikipedia Soomaaliga.
Guud ahaan bogaga iyo maqaalada aan ka qeyb qaatey (kuwo aan sameeyay, wax-ku-daray, balaadhiyay iyo qurxiyay) aad ayay u badan yihiin oo tiradooda aniga lafteydu ma hayo, laakiin waxaan ogahay:
Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.
Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor boga wadahadalkeyga.
Ku soo dhawoow Boggayga! Waxaan fariintaada kuugu soo jawaabi Boggaada, hadii aad tahay qof aan ciwaan ku lahayn wikipedia, halkan ayaan kuugu soo jawaabi.
Marka aad fariin ii reebeysid fadlan talaabooyinkan raac:
Waa in qoraalkaagu yeeshaa ciwaan sare adigo ku qoraya khaanada eey ku qoran tahay (subject/headline).
Hadii ay fariintaadu ka hadleeso Bog, fadlan ku qor magaca bogga.
Dadka dhamaantiis qof kasta wuxuu u qalmaa sharaf iyo xurmo. Dadka qadari si adiga laguu qadariyo.
Wikipedia Soomaaliga qof ama koox si gaar ah u leh ma jirto; waa bar internet ka dhexeeysa dadka oo dhan isla markaana loogu talogalay ineey ka faa'iideeystaan inta fahmeysa luuqadani.
Qof waxkasta aqoon u leh ma jiro. Hadii aad wax fahmi weydo ama kugu adkaato, fadlan codso caawin.
Isticmaale kasta wuxuu leeyahay bog la dhaho "Bacaadka" kaasi oo loogu tallogalay in qofku ku soo tabobarto isla markaana ku qoro dhamaan qoraalka aan micno iyo faa'iido midna u lahayn bulshada. Fadlan isticmaal boga bacaadkaaga si aad u tijaabiso dhamaan qoraalada aad sameeyneso.
Luuqadeena Af-Soomaaligu weli ma qaangaadhin, sidaasi darteed waxay leedahay gef iyo khaladaad badan oo ku saabsan isticmaalka naxwaha luuqada, marka isku day inaad qorto wax dadka kale fahmi karaan si looga faa'iideeysto.
Markasta xasuusnoow ujeedada Soomaali Wikipedia u furan yahay waa in bulshadu ku kala faa'iideeysato marka adigu ha noqon mid lagu khasaaro!
19:0819:08, 12 Jannaayo 2026George Weymouth (taariikh | wax ka badal) [18,961 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox person | honorific_prefix = Captain | name = | image = George Weymouth skirting the coast of Maine pp341 of History of the Pilgrims and Puritans, their ancestry and descendants; basis of Americanization (1922).jpg | alt = Badmareeyaan Ingiriis ah oo qarnigii 17-aad | caption = Weymouth iyo shaqaalihiisa oo maraya xeebta Maine | birth_date = {{circa|1585}} | birth_place = Cockington, Devon, Boqortooyada Ingiriiska | death_date...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
18:5018:50, 12 Jannaayo 2026Nathan Begaye (taariikh | wax ka badal) [8,358 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox artist | name = Nathan Scott Begaye | image = | image_size = | alt = | caption = | birth_name = | birth_date = 1958<ref>{{cite web|url=https://elmoreindianart.com/Collections/Nathan_Begaye|publisher=Steve Elmore Indian Art |title=Antique Indian Art Steve Elmore Santa Fe New Mexico: Collections/Nathan Begaye }}</ref> | birth_place = Phoenix, Arizona | death_date = December {{death year and age|2010|1958}}<ref>{{cite web|...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
Qaadka bogga wuxuu ku bedelmay tirada halbeega baytka
12 Jannaayo 2026
duwanaantaariikh C Jesús Carranza Cortés20:12+1,544Isma4lwadahadalku darsasho(Bog cusub: '''Jesús Carranza Cortés''' waa dhoobo-sameeye Meksiko ah oo ka yimid Tlaquepaque, Jalisco, laguna xuso farshaxannada yaryar (miniatures) ee uu ku dhex abuuro aqoon-is-weydaarsigiisa yar ee halkaas ku yaal. Gogo'yaashani waxay ka kooban yihiin dadka sida kuwa wax ku iibiya waddooyinka, shaqaalaha beeraha oo gashan dharka hiddaha iyo dhaqanka, dad is jecel, mariachis iyo kuwo kaleba. Inta badan waxaa lagu dhisay muuqaallo muujinaya taa...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
duwanaantaariikh C Miguel Chan iyo Roger Juárez20:09+3,191Isma4lwadahadalku darsasho(Bog cusub: '''Miguel Chan iyo Roger Juárez''' waa dhoobo-sameeyayaal Meksiko ah, kuwaas oo saaxiib ku ah soo saarista dhoobada dhiirigelinta ka heshay hiddaha Mayanka, kuna yaal Ticul, oo ka tirsan gobolka Yucatán. Ticul, oo ay weheliyaan Mama iyo Maxcanú, waa xarumaha dhaqanka ee dhoobo-samaynta gobolka, halkaas oo gogo'yaasha lagu sameeyo iyadoo la isticmaalayo k´abal, oo ah qaab qadiimi ah...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
duwanaantaariikh C Alberto Bautista Gómez20:01+1,650Isma4lwadahadalku darsasho(Bog cusub: '''Alberto Bautista Gómez''' waa dhoobo-sameeye Meksiko ah oo ka yimid Amatenango del Valle, Chiapas. Waa bulsho Tzeltal ah oo leh hiddaha fog ee dhoobo-samaynta, iyadoo qaar badan ay farsamada bartaan iyagoo carruur ah. Ayeeyadiis ayaa bartay inuu dhoobada ku shaqeeyo markii uu ahaa shan iyo toban jir, isagoo markii hore samayn jiray weelasha wax lagu karsado iyo dheryaha ubaxa. Ka dib wuxuu u gudbay alaabaha qurxinta, sid...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
duwanaantaariikh C Ron Calderon19:34+18,884Isma4lwadahadalku darsasho(Bog cusub: {{Infobox officeholder | name = Ronald Calderon | image = Ron Calderon.jpg | state_senate = California State | district = 30th | term_start = December 4, 2006 | term_end = November 30, 2014 | predecessor = Martha Escutia | successor = Holly Mitchell ''(redistricted)'' | state_assembly1 = California | district1 = California's 58th State Ass...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
duwanaantaariikh C Alexander Oustean19:18+8,324Isma4lwadahadalku darsasho(Bog cusub: '''Alexander Oustean''' ama '''Oustian''' ama '''Austin''' (dhintay 1604) wuxuu ahaa harbi-tole (tailor) reer Iskotland ah iyo xubin ka tirsan golaha deegaanka Edinburgh. thumb|right|[[James VI and I, waxaa sawiray Adrian Vanson, Edinburgh Castle]] ==Shaqada== Wuxuu xubin sharafeed (burgess) ka noqday Edinburgh 26-kii May 1560. Wuxuu ahaa Hormuudka Farsamada (Deacon of Crafts) iyo La-taliyaha Farsamad...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada