Wikipedia:Quljeed

Ka Wikipedia

Qulujeed waa magaalo u dhaw degmada Boon, una dhaxaysa Boorama iyo Boon ee gobolka Awdal.Qulujeed waxa ay caasimad u tahay beelaha reer Dudub (Jibriil Yoonis) ee madaxwaynaha somaliland Daahir Rayaale Kaahin.Magaalada waxaa ku yaal 3 school oo hoose dhexe,iyo hal dugsi sare ah, magaalada Qulujeed waxay caan ku tahay, caanaha iyo beeraha roobka ku baxa. Waa magaalada ugu caano badan gobolka Awdal.Magaaldana Boorama waxaa caano looga keenaa degmadaas. Qolujeed Waxaa degmo lagadhigay sanadka marka oo ahaa 2010 bishii 8aad.Qulujeed waxa kale oo ay caan ku tahay beeraha oo xili roobeedka si aada loo beero, garawga noocyadiisa kala duwan iyo galayda waliba sida xasiida oo aad looga isticmaalo gaar ahaana ay ka iibiyaan baabuurta u baxaysa dalka jabuuti. Waxa kale oo magaaladu markii hore biyaha ee ka isticmaali jirtay barkado (balayo?) ama biyo xidheeno. laakiin hada waxee biyaha ka isticmaashaa hal ceel oo mihiima oo ku yaala bariga magaalada kaasi oo lagu qoday Riig. Qulujeed waxa kaloo ay lee dahay 1 M.C.H ama 1 xanaano oo Dhalanka iyo Hooyaduba ka heleaan adeeg Caafimaad oo Muhiima, Qulu jeed waxay xaga Galbeed la wadaagtaa Xuduuda Ethiopia.