U bood nuxurka

Kitaab

Laga soo xigtay Wikipedia, Insaykalobeedhiya xorta ah
(Waxaa laga soo toosiyay Al-Kitaab)
Yaan lagu khaldin Buug.

Kitaab

Bogag ka mid ah kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka.

Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub"; Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav") waa erey af-Carabi[1] ah oo macnaheedu tahay "buug".[2] Intaasi waxaa dheer ereyga "kitaab" waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kutubta afarta ah iyo suxufiga Ilaahay (s.w) ku soo dejiyay ama u soo waxyooday Rasuusha iyo Nebiyada. Sidoo kale, marka la soo qaado ereyga Al-Kitaab waxaa loola dan leeyahay ama la sheegayaa oo loo adeegsadaa kitaabka Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka.[3]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ.[11] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi Muxamedﷺﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪKitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciiseﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰKitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi MuuseﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰKitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uudﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩKitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahimﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ-Suxufi Ibraahim

Qoraalo La Mid Ah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  1. ↑ "Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub""
  2. ↑ "Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav"
  3. ↑ "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
  4. ↑ "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  5. ↑ "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  6. ↑ Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  7. ↑ Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  8. ↑ Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
  9. ↑ kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ
  10. ↑ nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
  11. ↑ "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
  12. ↑ "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"