Jump to content

Mucaad Bin Jabal

Ka Wikipedia

Mucaad Bin Jabal R.C: Waa Saxaabi ka mid ah saxaabada, wuuxuu isku ahaa Faqiih iyo Qaari quraanka yaqaan, Furashada makka ka dib waxa oo Nabiga scw ku dhaafay makka si uu dadka u baro diinta, sanadkii 9aad ee hijriga yaman ayuu u diray asigoo ku maqan buu dhintay rasuulka scw.

Mucaad bin jabal
mucaad bin jabal
معاذ بن جبل
saxaabi
xog ku saabsan
aabihiisa: jabal bin camar
hooyadii hinda bint sahal
Dhashay: 18 sano ka hor hijrada
Ku dhashay: Madiina
Diintiisa: Islaam
xaaska Umu camar binti Khaalid
ilmahiisa Cabdi raxmaan bin mucaad
Dhintay: 18H/639
Ku dhintay: Waqooyiga shawna, urdun

Mucaad wuxuu ka qeyb ka noqday furashooyinka shaam, sanadkii 18H ayuuna ku dhintay daacuunkii

camwaas

Taariikh nooleedkiisa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mucaad wuxuu ku dhashay Madiina (yasrib) wuxuu ka ahaa Ansaar ree khazraj, Aabihiis wuxuu dhintay asigoo yar, Hooyadii Hinda binti sahal ayaa guursatay nin reer Banii salima ahaa mucaad ayaa ku soo dhex koray reerkaas halka asaga uu laf ahaan ahaa ree banii udday, hooyadiina ree juhayna ahayd [1]

Wuxuu islaamay asigoo jira 18 sano[2], wuxuuna xaadiray beca caqaba labaad.

Markuu nabiga u soo haajiray Madiina wuxuu walaaleeyay Mucaad iyo ibni mascuud[3], waxa uu kala qeyb galy rasuulka scw Dagaalkii badar iyo dhamaan dagaalada kale [4]

Markii la furtay makka sanadkii 8aad hijiriga wuxuu Nabiga scw u xushay cataab bin useyd inuu tujiyo salaada, Mucaad na wuxuuna faray inuu dadka baro Qur'aanka oo u sharaxo mabaadi'da diinta, Markii uu waajibkaas gutay oo uu Madiina ku soo laabtay, waxa uu sii waday baridda qur’aanka iyo cilmiga diinta, wuxuu la tukan jiray Nabiga scw kadib tolkiisa ree banii salima ayuu aadi jiray oo tujin jiray[5] Waxaa dhacday mar inuu ka soo dacwooday nin ka cabanaya salaada oo dadka ku dheereen jiray, Nabiga scw ayaa aad uga carooday waxa uu faray inuu fududeeyo Salaada maadaama ay ku daba tukanayaan qof weyn, qof yar iyo mid dan leh [6]

Sanadkii 9aad hijiriga Nabiga scw ayaa u diray cariga yaman si uu dadka diinta ugu yeero, waxa uuna siiyay dadrdaan oo ku dhahaayay;

Mucaadow waxaa u tagi doontaa qolo ahlu kitaab ah waxa ugu horeeya aa ugu yeereeso ha ahaado inay Alla waxidaan, hadeey kaa yeelaan ogeysii inuu Alla ku faral yeelay shan salaadood maalin kasta iyo habeen kasta, hadeey kaa yeelaan ogeysii inuu Alla ku faral yeelay sadaqo laga qaadaayo kuwooda taajiriinta ah laguna celinaayo kuwooda fuqarada ah, hadeey kaa yeelaan iska jir xoolahooda wanaagsan kana dhowrso habaarka qofka dhibana ah uma dhaxeeyo asaga iyo Alla wax xijaab ah [7]

In mudo ah ayuu ka waday Mucaad dacwad dhulka yaman wuxuuna ka xaqiijiyay guulo fara badan wuxuu soo saaray jiil door muhiim ah ka qaatay dagaaladii ridada iyo furashooyinka shaam iyo ciraaq, sidoo kale masjidkii ugu horeeyay ayuu ka dhisay dhulka yaman [8], intuu ku maqnaa yaman ayuu dhintay rasuulka scw.

Waqtigii khulafa raashidiin

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

khilaafada Abuubakar ayuu ka soo laabtay yaman wuxuu ku sugnaa Madiina ilaa waagii Cumar markaas oo dalbadeen ree shaam dad quraanka bara iyo Axkaamta sharciga, Cumar ayaa isugu yeeray shan ansaarta ka mid ah oo xafideen Quraanka Xilligii rasuulka scw, kuwaas oo kala ahaa; mucaad, Ubayy bin kacab, Abuu dardaa, Abuu ayuub iyo cabaada bin saamit, waxa uuna u sheegay inay iska sooraan rag aado shaam, waxey dhaheen Abuu ayuub waa oday da' ah Ubayna wuu xanuunsan yahay, sedexda soo hartay ayaa baxeeso, cumar wuxuu u kala diray Ximsa, Dimashiq iyo Falastiin, Mucaad wuxuu u baxay Ximsa, halkaas ayuuna ka bilaabay faafinta diinta.

Mid ka mid ah taabiciinta oo sheekeenaya ayaa yiri; waxaa soo galay masjidka xamza waxaa uu ku arkay wiil dhalinyaro ah oo dadka ku hareersan yihiin iskuna cariirinaayaan, aad moodid inuu afkiisa kasoo baxaayo nuur iyo luul, waxaa dhahay yaa waay qofkaan? Waxey dhaheen waa Mucaad [9].

Dariixa mucaad bin jabal waqooyiga shawna ee urdun

waxaa ka dilaacay dhulka shaam daacuun loo bixiyay daacuunkii camwaas kaas oo ay ku la'deen kumanaan muslimiinta ka mid ah, waxaa ku jiray dadka ku dhintay Abuu cubeyda hogaamiyihii Shaam wuxuuna ka dardaarmay inuu Mucaad hogaamiyo muslimiinta[10], Mucaad wuxuu ahaa inuu doon doonaayay la kulanka Alle, khudbab ayuu jeediyay oo ku lahaa: «Cudurkaan waa naxariis, waa ducada nabigiina iyo dhimashada dadka wanaagsan hortiina, Mucaad na wuxuu Alla weydiisanaa inuu ka siiyo mucaad iyo reerkiis qeybtooda»[11], wiilkiisa Cabdiraxmaan ayuu cudurka ku dhacay wuu dhintay, labadiisa xaas ayaa cudurka u dhintay, kadib Mucaad ayuu cudurka haleelay asna wuu ku dhintay[12], daacuunkaan wuxuu ahaa sanadii 18aad ee hijriga.

Mucaad wuxuu dhahay markuu sakaraadka u yimid: «Fiiriya waaga ma baryay?» «waxaa la dhahay may wali ma baryin» xoogaa ka dib ayaa baa lagu dhahay wuu baryay, wuxuu dhahay: «Alla ayaa ka magan galay habeen subaxdeedu naar tahay, soo dhawaaw mowdoow mid booqdo oo la jecel yahow, Allahayow waxaa ahaa inaa kaa baqaayo, maantase waa ku rajeynaa, waa ogtahay inaa aduunyada u jecleen talaalida geedaha iyo dureerinta wabiyada, laakin inaa oomo maalin weynta oo dhibtooda saacadaha iyo inaa culumada ku cariirsado xalqadaha»[13].

Darajadiisa cilmiga

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mucaad wuxuu laazimay Nebiga scw tan iyo markii madiina u soo hijrooday wuxuu ka bartay Qur'aanka iyo axkaamta shareecada heer wuxuu gaaray inuu ka mid dad yar waagii rasuulka scw dadka u iftoon jireen [14]

Anas bin maalik ayaa yiri «waqtigii rasuulka scw afar qof oo ree Ansaar ah ayaa Qur'aanka dhan xifdiyeen waana ubay bin kacab, mucaad bin jabal, zeyd bin saabit iyo Abuu zeyd oo ina adeertey ka mid ahaa»

Xadiis uu Nabiga scw ku xusay fadliga saxaabada qaar ayaa ahaa «Umadeyda waxaa ugu naxariis badan Abuubakar, waxaa ugu daran diinta Allah Cumar, waxaa ugu run sheeg badan xishoodka cusmaan waxaa ugu aqoon badan xalaasha iyo xaaraanta Mucaad, waxaa ugu dhaxal siin badan zeyd bin saabit, umad kasta Amiin bay leedahay Amiinka umadaana waa abuu cubeyda» [15]

Dhaqankiisa wanaagsanaa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mucaad wuxuu ku tilmaamnaa zuhdigiisa iyo dabeecad wanaagiisa xaga cibaadada aad buu ugu dadaali jiray, habeenka markuu istaago wuxuu ku duceysan jiray "Allahayow raadinteyda janada wey hooseysaa, ka cararideyda naartana wey liidataa ee agtaada iiga yeel hanuun maalinka qiyaama, adiga balanta kama baxdid".

XirIirka Rasuulka kala dhexeeyay

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Inkastoo Mucaad da'diisa ay yareed hadana wuxuu boos weyn ka joogay Nabiga scw agtiisa cilmigiisa awgiis iyo xifdintiisa Qur'aanka, wuxuu dhihi jiray Nabiga scw "Waxaa fiicnaaday nin Mucaad ayaa fiicnaaday" [16], kalsoonida uu ka heystay Nabiga scw waxey gaariisay marar badan inuu u diray meelo kala duwan si uu dacwada u faafiyo, marar badan wuxuu la socon jiray Nabiga scw xitaa farskiisa ayuu gadaal kala raaci jiray, Maalin ayuu rasuulka scw qabtay gacantiisa waxa uuna ku dhahay "Mucaadow waa ku jeclahay aniga ee waa kuu dardaarmaa haka tagin salaad kasta gadaasheed inaa dhahdid: Allahayow igu kaalmeey xuskaaga, mahdintaada iyo cibaadadaada wanaageed"[17]. Mucaad ayaa si fiican u dhageysan jiray una qaadan jiray hadalka Rasuulka scw. Markii Mucaad oo u baxaayay Yaman rasuulka scw kusii sagootiyay dardaan iyo waano, Mucaad oo fuushan iyo rasuulka scw oo lugeynaya, waxaana hadaladiis ka mid ahaa "Mucaadow waxaa laga yaabaa sanadkaan ka dib inaadan ila kulmin, laga yaabee inaa masjidkeeya soo martid iyo qabrigeeya Mucaad ayaa is hayn waayay oo oohin la dhacay cabsi uu ka qabo inuu Rasuulka scw faaruqo"[18]. Wixii oo ka baqaayay ayaana dhacday Yaman asigoo ku maqan ayuu dhintay Rasuulka scw.

  1. عبد الحميد الهماز (1994) ، معاذ بن جبل إمام العلماء ومعلم الناس الخير (الطبعة الثالثة)، دمشق: دار القلم، صفحة 13-14. بتصرّف. إقرأ المزيد على موضوع.كوم: https://mawdoo3.com/%D9%85%D9%86%D8%B2%D9%84%D8%A9_%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0_%D8%A8%D9%86_%D8%AC%D8%A8%D9%84#cite_note-LDDwqDLonn-10
  2. أسد الغابة في معرفة الصحابة - معاذ بن جبل Archived Abriil 15, 2017 // Wayback Machine Template:Whive Archived 2017-04-15 at the Wayback Machine
  3. الطبقات الكبرى لابن سعد - مُعَاذُ بْنُ جَبَلِ (2) Archived Abriil 15, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-04-15 at the Wayback Machine
  4. ابن منظور، مختصر تاريخ دمشق، صفحة 368 369. بتصرّف إقرأ المزيد على موضوع.كوم:
  5. https://islamic-content.com/hadeeth/929
  6. https://www.alukah.net/sharia/0/149351/%D8%B4%D8%B1%D8%AD-%D8%AD%D8%AF%D9%8A%D8%AB-%D8%A3%D8%A8%D9%8A-%D9%85%D8%B3%D8%B9%D9%88%D8%AF-%22%D8%A5%D9%86-%D9%85%D9%86%D9%83%D9%85-%D9%85%D9%86%D9%81%D8%B1%D9%8A%D9%86%22/
  7. https://hadeethenc.com/ar/browse/hadith/3390
  8. https://www.albayan.ae/supplements/ramadan/sites/2012-08-05-1.1701969?ot=ot.AMPPageLayout
  9. https://www.islam.ms/ar/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0-%D8%A8%D9%86-%D8%AC%D8%A8%D9%84
  10. الطبقات الكبرى لابن سعد - مُعَاذُ بْنُ جَبَلِ (5) Archived Abriil 15, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-04-15 at the Wayback Machine
  11. أبو عبيدة بن الجراح رضي الله عنه - شبكة الألوكة Archived 2017-08-27 at the Wayback Machine
  12. الطبقات الكبرى لابن سعد - مُعَاذُ بْنُ جَبَلِ (6) Archived Abriil 15, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-04-15 at the Wayback Machine
  13. https://mqaall.com/the-death-of-muadh-bin-jabal/
  14. http://m-noor.com/showthread.php?p=28641
  15. رواه ابن حبان، في صحيح ابن حبان، عن أنس بن مالك، الصفحة أو الرقم: 7252، أخرجه في صحيحه إقرأ المزيد على موضوع.كوم: https://mawdoo3.com/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0_%D8%A8%D9%86_%D8%AC%D8%A8%D9%84#cite_note-ypxK3sFwMz-5
  16. رواه ابن حبان، في صحيح ابن حبان، عن أبي هريرة، الصفحة أو الرقم: 7129، صحيح إقرأ المزيد على موضوع.كوم: https://mawdoo3.com/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0_%D8%A8%D9%86_%D8%AC%D8%A8%D9%84#cite_note-yt0uqowuyJ-4
  17. https://binbaz.org.sa/audios/595/16-%D9%85%D9%86-%D8%AD%D8%AF%D9%8A%D8%AB-%D9%8A%D8%A7-%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0-%D9%88%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87-%D8%A7%D9%86%D9%8A-%D9%84%D8%A7%D8%AD%D8%A8%D9%83
  18. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2022-12-29. Soo qaatay 2022-12-29.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)