Jump to content

Portal:Aasiya

Ka Wikipedia
Aasiya Portal
Warbixin Guud   Juquraafiga  
Aasiya

Aasiya (Eeshiya Af Ingiriis : Asia; Af Carabi : ar‎; |ˈ|eɪ|ʒ|ə|,_|ˈ|eɪ|ʃ|ə|) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka taasi oo gaadhsan 4.4 bilyan (labada wadan ee ugu dadka badan waa Hindiya iyo Shiinaha). Waxaa xusid mudan iyadna in qaarada Aasiya ay ka dhismeen boqortooyooyinka ugu horeeyay ee aadamuhu sameeyaan. Guud ahaan, qaarada Aasiya waxaa dhinaca bari ka xiga Badweynta Baasifik, koonfurta waxaa ka xigta Badweynta Hindiya, dhinaca waqooyi waxaa ka xiga Badweynta Arktik. Aasiya waxay dhinaca ku haysaa qaarada Yurub, halkaasi oonu jirin wax dabiici ah oo labada qaaradood kala sooca. Laakiin sida ku xusan sharciyada caalamiga ee xuduudaha qaarada Aasiya xadkeedu wuxuu ka bilaabmaa bariga Gacanka Suweys, webiga Yural, iyo Buuraha Yural. Aasiya waa qaarada ugu weyn aduunka isla markaana ugu dadka badan dhamaan caalamka. Buurooyinka ugu weyn aduunka waxee ku yaalaan qaaradan.

Muuqaalo

Muuqaalka Nanga Parbat
Muuqaalka Nanga Parbat
Xuquuqda sawirka: Waqas.usman

Nanga Parbat waxay ka mid tahay sagaalka buurood ee ugu dhaadheer Dhulka. Buurtani waxay ku taalaa waqooyiga wadanka Bakistaan waxayna leedahay dherer dhan 8,126 meters (26,660 ft).

Sawir Xul ah

Malé
Malé
Xuquuqda sawirka: Shahee Ilyas

Muuqaalka guud ee caasimada Malé, magaalo madaxda wadanka Jamhuuriyada Maldifes.

Shakhsi xul ah

Maqaal xul ah

Burj Khalifa

Burj Khalifa (Af Carabi : ar‎, turjumaad: "Dabaqa Khalifa"; loogu dhawaaqo English /ɜr kəˈlfə/), sidoo kale loo yaqaano Burj Dubai waa dabaqa ugu dheer aduunka kaasi oo ku yaala magaalada Dubay, Imaaraatka Carabta. Burj Khalifa waa dabaqa aduunka uugu dheer, oo dhirirkiisu yahay 828 meter . Waxoona ku yaalaa magaalada Dubay ee dalka Imaaraatka Carabta. Burj khalifa waxaa la bilaabay, 21 sebteembar 2004. waxaana la dhameeyay 2009 oona la furay 4 Janaayo 2010. Dabaqaan dheer waxaa ku dhaxyaalo Hotelal iyo guryo.

Category

Maqaalada Aasiya

Portal kale

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]