Portal:Dhul/Maqaal xul ah/1

Ka Wikipedia
Dayaxa meeraha Dhulka.
Dayax/Bil

Dayax (ingiriis: Moon) waa aduunyo yar oo ku wareegta Meere ama wax ka ween dayaxa. Ugu yaraan, meere kasta wuxuu leeyahay hal dayax ama in ka badan. Dayaxu waa duni yar oo ka samaysan dhagaxaan, kuna wareegta dhulka, taas oo leh dherer dhan rubuc gacanka dhulka. Dayaxa dhulku waa kan ugu weeyn dhamaan dayaxyada meereyaasha Bahda Midaysay Qoraxdu laba odhan karo wuxuu ka wayn yahay meereyaasha yaryar qaarkood. Cufis-jiidadka u dhexeeya dhulka iyo dayaxa ayaa keena mowjadaha badaha, taas mi la mid ah ayaa keentay isku-xidhnaanshaha labadooda. Dayaxa oo ku socda xawaare dhan 1.022 kilomitir ilbiriqsigiiba, ayaa waxay ku qaadataa 27 maalmood, 7 saacadood iyo 43 daqiiqo in uu hal mar ku wareego dhulka. Dhinaca kale, isku wareega dayaxu (circumference) waa 10, 921 km; cufkiisuna waa 2.1958 ×
1010 km3 halka mugiisu yahay 7.3477 ×
1022 kg. Maadaama dayaxa cirkiisu aad u khafiif yahay falaadhaha qoraxduna toos u soo taabtaan oogada dayaxa ayaa heerkulkiisu aad u sareeyaa ugu yaraan waa 100 Kalfin ugu badnaana wuxuu gaadhaa 390 K. Jidhka dayaxu wuxuu ka samaysan yahay iskudhisyo kala duwan kuwaas oo u badan curiyeyaasha kala ah: Argon, Hiliyaam, Sodhiyaam, Botashiyaam, Haydarojiin iyo Raadon. Markii ugu horeeysay taariikhda bani-aadamka, sanadkii 1959kii ayaa Dayax Gacmeed Ruushku leeyahay tagay dayaxa. Ka dib, 1968dii ayaa qofkii ugu horeeyay cagaha saaray dayaxa kaas oo ka socday Dawladda Maraykanka. Sanadkii 2004 wixii ka dambeeyay ayaa wadanada Jabaan, Hindiya, Shiinaha iyo Yurub saldhigyo ka sameeysteen dayaxa. Inkasto dayaxu lahayn cir sare oo ka difaaca kulka qoraxda, cilmi baadhis la sameeyay waxay muujisay in dayaxu leeyahay biyo laga heli karo cidhifyada dayaxa iyo oogada sare dhexdeeda.