Dawladii Cabaasiyiinta

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

الخلافة العباسية
Dawladii Cabaasiyiinta
Location of Cabaasiyiinta
Caasimada Baqdaad
Luuqada(ha) Looga hadlo carabi
 -  Amiir Al-mu'miniin
 -  Amiir
 -  Taariikhda 750 Dhamaaday 1258 
Area
 -  Total 50000000 km² 
68000 sq mi 
 -  Biyo (%) 1.6
Lacagta Diinaar Cabaasi
Wakhtiga EAT 

Khilaafadii Cabaasiyiinta(Carabi الدولة العباسية) Waa magaca looyaqaano sadex Khilaafo oo islaamiya oo kala danbeeyay,waana silsilada xukun ee labaad ee ugudheer Xukuumadaihii soo maray islaamka.waxaa ka dheeraa Dawlada Cosmaniya cabaasiyiintu waxa ay jabiyeen oo ka adkaadeen Khilaafadii Umawiyiinta,waxa ay dabarjareen oo cidhibtireen dhamaan Khilaafadii Umawiyiinta baaqigii kahadhay khilaafadii umiyiintu waxa uu u yaacay dhanka dhulkii la odhan jiray Andalus halkaas oo ay dawlad ka samysteen.dawlada Cabaasiyiintu waxa ay ka aasaasantay amaba aasaasay dad kasoojeeda kii ugu yaraa adeeradii Nabi Muxamed S.C.W. oo ahaa cabaas bin Cabdul mudalib ale raali hakanoqdee,markii ay dawladan aasaasayeen waxa ay taakulo kaheleen.shacabkii looyaqaanay furuska.kuwaas oo ay cadaawada ka dhexeeaysay Umawiyiinta.sidoo kale cabaasiyiintu waxa ay adeegsadeen shiicada si ay uga taqalusaan dawladii umawiyiinta.cabaasiyiintu kadib markii ay kacaankoodaas ku guulaysteen waxa ay rareen caasimaddoodii oo ahayd magaalda Dimishiq waxaanay u wareejiyeen magaalda baqdaad ee caasimada wadnka Ciraaq.Baqdaad markaas waxa ay ahayd magaalo,kobcaysa dhaqaalo ahaan iyo Dhaqan ahaanba.waxa ay xarun u hayd dawlad islaamiya oo kajiraty wadanka ciraaq.

Xiligii asaaska ee ugu Horeeyay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Asaaskii (750 - 785)[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

dawladii Umawiyiinta waxaa kudhacay Burbur iyo baaba kadib markii uu geeriyooday boqorkeedii 10aad ee Hisham Ibnu Marwaan.10 janaayo 743.kadib isaga waxaa ka danbeeyay Afar Khaliif.oo kala ahaa Waliid Bin Yaziid.Yaziid Bin waliid Ibraahim Qaasim Marwaan Bin Maxamed.xiliyadaas ay xukunka hayeen waxaa dawladii umawiyiinta asiibay khilaaf gudaha ah iyo burbur.iyo dhaqaalihii oo aad u xumaaday.taas oo awood siisay xisbiyadii iyo Dhaqdhaqaaqyadii mucaaridka ahaa ee kasoo horjeeday,kuwaas oo kubaahsanaa gaar ahaan wadamada Ciraaq iyo Iiraan ka ugu waynaa xisbiyadan mucaaridka ahi waxa uu ahaa mid ku baaqayay in cida kasoo jeeda Cali bin Abii Daalib R.C. ay xaq uleedahay in ay khilaafada noqoto.taasi waxa ayay sababtay in dawladii Umawiintu ay burburto oo ay soo baxdo dawlad cusuub oo ah dawlada Cabaasiyiinta waxaana si cad loogu dhawaaqay sanadku markii uu ahaa 742m

Wakhtigii Dahabiga ahaa ee Cabaasiyiinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Kadib markii uu dhintay Ameerkii mu'miniinta ee Maxamed Al-mahdi sanadkii 785 waxa talada qabtay wiilkiisii Musa al-Hadi laakiin xukunkiisu ma siidheeraan isna waxa uu geeriyooday sanadkii xigay ee 786.jagadana waxa ka dhaxlay walaalkii Haaruun Alrashiid haaruun waxa uu bilaabay in uu gudaha dawlada horumar kusameeyo waxa uu dhisay Masaajido waawayn.iyo qasriyo aad u bilicsan.xiligigiisii ayay ahayd markii uguhoraysay ee dawladu ay isticmaasho Shamaca amaba ifka loogu talo galay in lagu qurxiyo wadooyinka waawayn iyo goobaha dawlada ee gaarka ah.waxaa hore u maray waxbarashada iyo Tikno0lejiga,iyo cilmiga Xiddigiska waxa la ikhtiraacay waxyaabo badan oo ay kamidtahay saacada biyuhu,waxa kale oo ay dawladu horumarisay beeraha iyo sidii loosii horumarinlahaa,waxa ay dawladu samaysay Biriishyo iyo biyo xidheeno waawayn iyo goobo loogu talagalay in beeraha lagawaraabiyo.hhhhhhlll

Abbasids.png