Filibiin

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Filibiin
Filibiin

Filibiin waa wadan jasiirado ah oo ku yaalo bariga Aasiya.Wadankaan waxaa markiisa hore soo gumeestay wadanka spania waxoona xornimada ka helay 1898ii kadibneh wadanka Mareykanka, waxoona xornimadiisa ka helay 1946ii.Wadankaan waxaa degan dad gaaraayo ilaa 91,983,000 oo qof. Caasimada wadanka waa Manila.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wadanka filibiin waxoo leeyahay taariikh aad u dheer. wadankaan waxaa la degenaan jiray kumanaan sano ka hor.Wadankaan markiisa hore waxaa degenaan jiray dad la dhoho Negritos ama Aetas, dadkaan socdaal ee wadanka ku soo galeen waqtigii oo jiray buundo dhul ah, isla markaas neh ee dageen meelaha geedaha waa weyn ka baxo.qarnigii kow iyo tobonaat ama sanadihii kunka sano ayaa dad waxee ka imaadeen Malaysiya, Indunisiya, Indoshiina, iyo Taywan, dadkii horay u degenaan jiray wadanka ayaa la guursaday ama la isku milmay. ganacsatada muslimiinta waxee wadanka soo galeen qarnigii 14aad, sidaas darteed ee shacabka muslimiinta ugu badanyihiin wadanka. ganacsatada shiineeska iyo kuwa kale ee indho yarta ah waxee wadanka soo galeen qarnigii 8aad. Yurubiyaanka ugu horeeyay oo imaado wadanka waxoo ahaa nin la dhihi jiray Ferdinand Magellan,waxoo wadanka soo galay sanadka marka oo ahaa 1521, waxoo ahaa nin hogaamiyo u ah dadka isbanishka oo aduunka wax ka raadin jiray, . Jasiiradaha waxaa loogu magacdaray Boqorka isbaanishka wiilkiisa oo la dhoho Filib 2 ee Spania si abaal marin ah.